G/Sare Fuaad Mohamuud Hussen

G/Sare Fuaad Mohamuud Hussen Ku so dhowaada Page ka Talyaha Qaybta Booliska Nugaal Boolisku waa Wehelka Bulshada

02/09/2026

Boolisku Waa Wehelka. Bulshada

Waxaan maanta ka qayb galay shirka looga hadlayay horumarinta iyo tayeynta Ciidanka Booliska Puntland. Waxaan madaxda la...
01/09/2026

Waxaan maanta ka qayb galay shirka looga hadlayay horumarinta iyo tayeynta Ciidanka Booliska Puntland. Waxaan madaxda la wadaagay guulaha laga gaaray amniga Gobolka Nugaal iyo qorsheyaasha noogu degan xoojinta nabadgelyada xeebaha iyo magaalooyinka.

Wada-shaqaynta Booliska iyo Shacabka Gobolka Nugaal waa mid muhiim u ah guul kasta oo aan gaarno. Waad ku mahadsan tihiin sida aad mar walba noogu gacan siisaan sugidda nabadgelyada.

28/08/2026
20/08/2026

Waxaan maanta shir-guddoomiyey kulankii toddobaadlaha ahaa ee Khamiista, kaas oo aan la qaatay Taliyayaasha Saldhigyada iyo Hogannada Qaybta Booliska Gobolka Nugaal.

Intii uu shirku socday, waxaan si qoto dheer u qiimeynay xaaladda amniga ee gobolka toddobaadkii la soo dhaafay. Waxaan saraakiisha faray in la kordhiyo hawlgallada ka dhanka ah maandooriyaha iyo falalka liddiga ku ah nabadgelyada, si shacabka reer Nugaal ay ugu noolaadaan nabad iyo degganaan buuxda.

Boolisku waa u adeegaha shacabka, amniga ayaana noo ah muhiimadda koowaad.

Waxan Maanta kormeer shaqo ku tegay Kaamamka barakacayaasha (IDPs) ee Degmada Garowe.Kormeerkan waxaa igu  weheliya Tali...
18/08/2026

Waxan Maanta kormeer shaqo ku tegay Kaamamka barakacayaasha (IDPs) ee Degmada Garowe.

Kormeerkan waxaa igu weheliya Taliyaha Hoggaanka Community Policing-ka. G/sare. Hussen Ali Taliyaha Howlgalinta Gobolka Nugaal Abdi yare Juujuule Agaasimaha Amniga & Agaasimaha Arrimaha Bulshada.

Ujeedka kormeerka ayaa ahaa xoojinta amniga iyo wada shaqaynta booliska iyo bulshada barakacayaasha ah

04/08/2026

🇸🇱

01/08/2026

Boolisku waa Wehelka Bulshada
Sanad guuro Wacan

Address

Taliska Qaybta Booliska Nugaal
Garowe
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when G/Sare Fuaad Mohamuud Hussen posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category