Ministry of Interior - Puntland

Ministry of Interior - Puntland Bogga Rasmiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland.

Garoowe: 31 May 2026:Kusimaha Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa daah-furay mu...
31/05/2026

Garoowe: 31 May 2026:Kusimaha Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa daah-furay munaasabadda todobaadka dhaqanka Puntland,taasoo ay soo diyaarisay Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta Hidaha iyo Dhaqanka Dowladda Puntland.

Munaasabadda ayaa lagu lasoo bandhigay agabka iyo suugaan dhaqameedka Soomaaliyeed, si gaar ah waxyaabaha ay caanka ku yihiin dadka Soomaaliyeed.

Kusimaha Madaxweynaha ayaa Wasaaradda Warfaafinta ku ammaanay dadaalka ay galisay qabsoomidda munaasabadan, waxaana uu xusay muhiimadda ay leedahay ilaalinta hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed , isagoo bulshada, gaar ahaan dhalinyarada ku booriyay inay ka shaqeeyaan dhowrista iyo horumarinta dhaqanka Soomaaliyeed.

31/05/2026

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Hon Abdi Hirsi Ali - Qarjab

Garowe: May 25, 2026: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland M...
25/05/2026

Garowe: May 25, 2026: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Cali Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray shir muhiim ah oo diiradda lagu saarayey xoojinta maamulka, maamul-daadejinta maaliyadeed iyo horumarinta adeegyada dowladnimo ee heer gobol iyo degmo.

Wasiir Ku-xigeenka ayaa waxaa munaasabadda xiritaanka ku weheliyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda mudane Mohamed AIi Farah Farmayeri
waxaana ay si wadajir ah u bogaadiyeen muhiimadda uu shirkan u leeyahay horumarinta dowladaha hoose iyo tayeynta hoggaaminta gobollada Puntland.

Ugu dambeyn, masuuliyiinta Wasaaraddu waxay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay hirgelinta maamul hufan, isla xisaabtan leh iyo adeeg bulsho oo tayo leh, si loo dardargeliyo horumarka iyo dowladnimada Puntland.

▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

Website: moifad.pl.so

Facebook: https://www.facebook.com/Moifad.

Twitter https: https://x.com/MOIFAD.

Tiktok: https://www.tiktok.com/.

Instagram:https://www.instagram

25/05/2026

Hadaljeedinta Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Mohamed AIi Farah Farmayeri

25/05/2026

Hadaljeedinta Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Cali Maxamuud.

24/05/2026

Hadaljeedinta Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Hon Abdi Hirsi Ali - Qarjab

Garowe: May 13, 2026 :Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland mudane Hon ...
24/05/2026

Garowe: May 13, 2026 :Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland mudane Hon Abdi Hirsi Ali - Qarjab ayaa maanta si rasmi ah u furay shir muhiim ah kaas oo diiradda lagu saarayo xoojinta maamulka, maamul-daadejinta maaliyadeed iyo horumarinta adeegyada dowladnimo ee heer gobol iyo degmo.

Wasiirka waxaa furitaanka shirka ku wehliyey Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, kuwaas oo dhammaantood ka hadlay muhiimadda uu shirkan u leeyahay horumarinta maamulka dowladaha hoose iyo kor u qaadidda tayada hoggaaminta gobollada Puntland.

Shirka waxaa guud ahaan lagu casuumay 15 degmo oo la siin doono tababar ku saabsan Hannaanka Maamul-daadejinta Maaliyadeed iyo habka kicinta dakhliga, gaar ahaan soo bandhigidda kala saarista canshuuraha oo h**e loogu soo bandhigay 21 degmo lagana ansixiyey si loo dhaqangeliyo.

Sidoo kale, waxaa ka qaybgalaya 7-da Guddoomiye Gobol ee cusub, kuwaas oo loo qabanayo tababar shaqo oo lagu kobcinayo xirfadahooda hoggaamineed iyo fahamka maamulka casriga ah.

Ugu dambeyn, masuuliyiinta wasaaraddu waxay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la helo maamul hufan, isla xisaabtan leh iyo adeeg bulsho oo tayo leh, si loo dardargeliyo horumarka iyo dowladnimada Puntland.


▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

Website: moifad.pl.so

Facebook: https://www.facebook.com/Moifad.

Twitter https: https://x.com/MOIFAD.

Tiktok: https://www.tiktok.com/.

Instagram:https://www.instagram.

24/05/2026

Hadaljeedinta Agaasimaha Waaxda Dawladaha Hoose Abshir Hassan Mohamed.

Address

Garowe

Opening Hours

09:00 - 17:00

Telephone

+252907952020

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ministry of Interior - Puntland posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Ministry of Interior - Puntland:

Share