Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dowladda Puntland

Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dowladda Puntland Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dowladda Puntland, Government Organization, Garowe Upper Hills, Government Compound/Adjacent to Puntland State House, Garowe.

Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Puntland waa hay'ad rasmi oo ka tirsan Dowladda Puntland oo horumarisa caafimaadka iyo suuqgeynta xoolaha si loo taageero dhaqaalaha bulshada.

Shirka Iskuduwidda Barnaamijka BREFONs iyo Hay’adaha Dowladda PuntlandGaroowe: Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee...
23/08/2026

Shirka Iskuduwidda Barnaamijka BREFONs iyo Hay’adaha Dowladda Puntland

Garoowe: Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Dowladda Puntland, Mudane Siciid Jaamac Cali Qoorsheel, oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Xasan Maxamed Ciise Goodir, iyo qaar ka mid ah Wasiirrada Wasaaradaha Dowladda Puntland, ayaa ka qayb galay Shirkii Iskuduwidda Barnaamijka BREFONs iyo Hay’adaha Dowladda Puntland.

Shirka waxaa sidoo kale ka qayb galay masuuliyiin ka tirsan Bangiga Horumarinta Afrika (African Development Bank – AfDB), oo ay ka mid yihiin Cige, Daniel, iyo Madaxa Hay’adda Save the Children Puntland Caseyr Maxamed.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray isku-duwidda iyo dardargelinta howlaha Barnaamijka BREFONs, xoojinta wada-shaqaynta hay’adaha dowladda iyo hay’adaha fulinaya barnaamijka, iyo sidii loo hubin lahaa in mashaariicda iyo adeegyada barnaamijku si hufan uga jawaabaan baahiyaha bulshada Puntland.

Masuuliyiintu waxay sidoo kale ka wada hadleen horumarka laga sameeyay howlaha barnaamijka, caqabadaha jira iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga, isla-xisaabtanka iyo isku-duwidda dhammaan dhinacyada ku hawlan fulinta Barnaamijka BREFONs.

Kulanku wuxuu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo wada-shaqaynta Dowladda Puntland, African Development Bank (AfDB), Save the Children iyo bah-wadaagta kale, si loo dardargeliyo mashaariicda horumarineed ee ka socda Puntland.

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha DPL.
Facebook: https://www.facebook.com/Molahpl/
X: x.com/molahpuntland
Website: www.molah.pl.so
Tiktok: https://www.tiktok.com/
Flickr: www.flickr.com/photos/molahpl1/

Kormeerka Sheybaarka Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dowladda PuntlandGaroowe:  Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoo...
23/08/2026

Kormeerka Sheybaarka Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dowladda Puntland

Garoowe: Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Dowladda Puntland, Mudane Siciid Jaamac Cali Qoorsheel, oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Xasan Maxamed Ciise Goodir, ayaa xarunta dhexe ee Wasaaradda ku qaabilay masuuliyiin ka socday Bangiga Horumarinta Afrika (African Development Bank – AfDB) iyo Hay’adda Save the Children, kuwaas oo ay ka mid yihiin Mudane Cige, Mr. Daniel, Madaxa Hay’adda Save the Children ee Puntland, Casayr, Dr. Cabdi Daahir, Madaxa Mashruuca BREFON, iyo xubno ka tirsan kooxda farsamada ee mashruuca.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda iyo hawlaha uu qabto Sheybaarka Guud ee Wasaaradda, tayeynta adeegyada sheybaarka, iyo muhiimadda uu u leeyahay horumarinta caafimaadka xoolaha iyo hubinta tayada adeegyada caafimaadka xoolaha ee Puntland.

Intii uu kulanku socday, masuuliyiinta Wasaaradda iyo bah-wadaagta ayaa kormeer ku sameeyey Sheybaarka Guud ee xarunta dhexe ee Wasaaradda, halkaas oo ay warbixin ka dhagaysteen maamulka Sheybaarka iyo hawl-wadeennada caafimaadka xoolaha ee ka hawlgala xarunta.

Maamulka Sheybaarka iyo hawl-wadeennada caafimaadka xoolaha ayaa masuuliyiinta uga warbixiyey hawlaha uu Sheybaarku qabto, adeegyada uu bixiyo, habka shaqada iyo baahiyaha jira ee la xiriira tayeynta iyo horumarinta adeegyada sheybaarka.

Masuuliyiintu waxay sidoo kale qiimeeyeen baahiyaha iyo fursadaha lagu horumarin karo adeegyada Sheybaarka Guud, iyadoo xoogga la saaray xoojinta awoodda farsamo, tayeynta adeegyada caafimaadka xoolaha iyo sidii loo heli lahaa adeegyo sheybaar oo tayo leh oo daboolaya baahiyaha xoolaha iyo bulshada Puntland.

Kormeerkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo wada-shaqaynta Dowladda Puntland, African Development Bank (AfDB), Save the Children iyo bah-wadaagta kale, si loo horumariyo adeegyada caafimaadka xoolaha, kor loogu qaado tayada adeegyada sheybaarka, loona dardargeliyo mashaariicda horumarineed ee ka socda Puntland.

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha DPL.
Facebook: https://www.facebook.com/Molahpl/
X: x.com/molahpuntland
Website: www.molah.pl.so
Tiktok: https://www.tiktok.com/
Flickr: www.flickr.com/photos/molahpl1/

Kormeerka Beerta Khayr-Seexay ee Duleedka GarooweWasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Dowladda Puntland, Mudane Sic...
22/08/2026

Kormeerka Beerta Khayr-Seexay ee Duleedka Garoowe

Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Dowladda Puntland, Mudane Siciid Jaamac Cali Qoorsheel, oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Xasan Maxamed Ciise Goodir, iyo masuuliyiin ka tirsan African Development Bank (AfDB), oo ay ka mid yihiin Cige iyo Daniel, ayaa booqday Beerta Khayr-Seexay, oo ku taalla duleedka magaalada Garoowe.

Kormeerkan ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta waxqabadka iyo natiijooyinka mashruuca Performance, kaas oo ay maalgelisay African Development Bank, isla markaana ay hirgelinayso Save the Children.

Masuuliyiinta ayaa intii ay booqashada ku jireen u kuurgalay hawlaha ka socda beerta iyo sida ay uga faa’iidaysatay taageerada mashruuca, gaar ahaan dhinacyada horumarinta wax-soo-saarka iyo xoojinta nolol-maalmeedka bulshada ku dhaqan deegaanka.

Waxaa sidoo kale kormeerka qayb ka ahaa Madax Haayada Puntland ee Save the Children Casayr iyo Dr. Cabdi Daahir, oo ah madaxa mashruuca BREFON, iyo masuuliyiin ka tirsan hay’adda Save the Children, oo ay weheliyeen kooxda farsamada ee mashruuca iyo mulkiilaha Beerta Khayr-Seexay.

Booqashadu waxay qayb ka tahay dadaallada lagu qiimeynayo saameynta mashaariicda horumarineed ee lagu taageerayo bulshada iyo kobcinta wax-soo-saarka xoolaha iyo beeraha ee Puntland.

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha DPL.
Facebook: https://www.facebook.com/Molahpl/
X: x.com/MOLAHPUNTLAND
Website: www.molah.pl.so
Tiktok: https://www.tiktok.com/
Flickr: www.flickr.com/photos/molahpl1/

21/08/2026

Hadal Jeedinta Isu-duwaha Wasaaaradda ee Gobolka Mudug Salaad Cali Xuseen oo wefdiga Agaasimaha Guud ku soo dhaweeyey ugana war bixiyey Dhismaha Xarunta Caafimaadka Xoolaha Degamada Bursaalax.

21/08/2026

Hadal Jeedint Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Xasan Maxamed Ciise Goodir ee kormeeka dhismaha Xarunta Caafimaadka Xoolaha Degamada Bursaalax.

Agaasimaha Guud oo Kormeer Shaqo ku Tagay Dhismaha Xarunta Caafimaadka Xoolaha ee Bursaalax ee Gobolka Mudug (Bursalah V...
19/08/2026

Agaasimaha Guud oo Kormeer Shaqo ku Tagay Dhismaha Xarunta Caafimaadka Xoolaha ee Bursaalax ee Gobolka Mudug (Bursalah Veterinary Clinic)

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dowladda Puntland, Mudane Xasan Maxamed Ciise (Goodir), oo ay weheliyeen Lataliyaha Wasaaradda ee Mashruuca FSRP, Dr. Maxamed Fuaad Warsame, iyo Isuduwaha Wasaaradda ee Gobolka Mudug, Salaad Cali Xuseen, ayaa kormeer shaqo ku tagay dhismaha Xarunta Caafimaadka Xoolaha ee Bursaalax ee Gobolka Mudug (Bursalah Veterinary Clinic), oo laga hirgelinayo Mashruuca FSRP, kaas oo uu maalgelinayo Bangiga Adduunka.

Xarunta laga hirgeliyey Degmada Bursaalax, oo ah xarun dhammaystiran, waxay ka kooban tahay laba qaybood oo muhiim ah: Xarunta Maamulka Wasaaradda ee degmada iyo Xarunta Caafimaadka Xoolaha (Veterinary Clinic), oo si heer sare ah loo diyaariyey looguna talagalay bixinta adeegyada caafimaadka iyo daryeelka xoolaha. Marka la dhammeystiro, xaruntu waxay kor u qaadi doontaa awoodda Wasaaradda ee ka-hortagga iyo la socodka cudurrada, daryeelka xoolaha iyo gaarsiinta adeegyo caafimaad oo tayo leh xoolo-dhaqatada Degmada Bursaalax iyo deegaannada ku xeeran, kuwaas oo xooluhu u yihiin isha ugu muhiimsan ee noloshooda iyo dhaqaalahooda.

Ugu dambayn, Agaasimaha Guud ayaa ku ammaanay halka ay marayso shaqada dhismaha xarunta, oo haatan maraysa heer gabagabo ah, isagoo ku bogaadiyey shirkadda dhisaysa xarunta shaqada wanaagsan ee ay qabatay. Wuxuu sidoo kale kula dardaarmay shirkadda inay dardargeliso howlaha haray, isla markaana dhismaha ku soo gabagabayso muddadii loogu talagalay, iyadoo raacaysa naqshadda iyo habraaca lagu heshiiyey.

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha DPL.
Facebook: https://www.facebook.com/Molahpl/
X: x.com/MOLAHR_PL
Website: www.molah.pl.so
Tiktok: https://www.tiktok.com/
Flickr: www.flickr.com/photos/molahpl1/

18/08/2026

Hadal Jeedinta Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Xasan Maxamed Ciise Goodir oo kormeer shaqo ku tagay Dhismaha Xarunta Cafimaadka Xoolaha Degmada Xarfo ee Gobolka Mudug.

Agaasimaha Guud oo Kormeer Shaqo ku Tagay Dhismaha Xarunta Caafimaadka Xoolaha ee Degmada XarfoAgaasimaha Guud ee Wasaar...
18/08/2026

Agaasimaha Guud oo Kormeer Shaqo ku Tagay Dhismaha Xarunta Caafimaadka Xoolaha ee Degmada Xarfo

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dowladda Puntland, Mudane Xasan Maxamed Ciise Goodir, ayaa kormeer shaqo ku tagay dhismaha Xarunta Caafimaadka Xoolaha ee degmada Xarfo, oo laga hirgelinayo mashruuca Gender-Inclusive and Climate-Resilient Livelihoods (JDDRRP).

Degmada Xarfo oo ah deegaan xoolaad muhiim ah oo ay ku tiirsan yihiin bulsho badan oo xoolo-dhaqato ah, xaruntu waxay gacan ka geysan doontaa horumarinta iyo xoojinta adeegyada caafimaadka iyo daryeelka xoolaha ee degmada iyo deegaannada ku xeeran, taas oo ka qayb qaadan doonta kobaca dhaqaale ee xoolo-dhaqatada iyo guud ahaan bulshada.

Agaasimaha Guud waxaa kormeerka ku weheliyey mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda, iyagoo si dhow ugu kuur galay halka uu marayo dhismaha Xarunta Caafimaadka Xoolaha. Dhismaha xarunta ayaa u socday si habsami leh, wuxuuna marayay heer gabagabo ah.

Ugu dambayn, Agaasimaha Guud ayaa kula dardaarmay shirkadda fulinaysa dhismaha xarunta inay dardargeliso shaqada, isla markaana ay ku soo gabagabayso muddadii loogu talagalay, iyadoo raacaysa naqshadda iyo habraaca dhismaha ee lagula heshiiyey.

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha DPL.
Facebook: https://www.facebook.com/Molahpl/
X: x.com/MOLAHR_PL
Website: www.molah.pl.so
Tiktok: https://www.tiktok.com/
Flickr: www.flickr.com/photos/molahpl1/

Garoowe: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dowladda Puntland, Mudane Xasan Maxamed Ciise Goodir, ayaa ka ...
11/08/2026

Garoowe: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dowladda Puntland, Mudane Xasan Maxamed Ciise Goodir, ayaa ka qayb galay kulan lagu soo bandhigay Regional Livestock Programme (RLP) oo ay hay’adda Mercy Corps ka waddo Puntland. Kulanka waxaa shir-guddoomiyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, waxaana ka qayb galay Agaasimayaal Guud, Agaasimayaal Waaxeed iyo La-taliyayaal ka socday Wasaaradaha ay khusayso.

Kulanka waxaa looga hadlay ujeeddooyinka, doorka hay’adaha dowladda iyo hababka isku-duwidda iyo hirgelinta mashruuca RLP, kaas oo si gaar ah diiradda u saaraya awood-siinta Gaalkacayo Corridor.

Gaalkacayo Corridor waa marin muhiim ah oo ay iskugu yimaadaan xoolaha ka yimaada koonfurta Soomaaliya iyo Itoobiya, kuwaas oo loo sii gudbiyo Dekadda Boosaaso si loogu dhoofiyo looguna iibgeeyo suuqyada caalamiga ah. Mashruucu wuxuu sidoo kale taageerayaa horumarinta wax-soo-saarka, ganacsiga iyo suuq-geynta xoolaha, helitaanka calafka iyo kobcinta fursadaha dhaqaale ee bulshada xoolo-dhaqatada ah.

Sidoo kale, mashruuca waxaa diiradda lagu saarayaa xoojinta u-adkaysiga xoolaha iyo bulshada ee isbeddelka cimilada, iyadoo la qiimeeyay waafaqsanaantiisa Qorshaha Horumarinta Puntland (PDP-4) 2026–2030 iyo habraacyada mashaariicda Dowladda.

--------------
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha DPL.
Facebook: https://www.facebook.com/Molahpl/
X: x.com/MOLAHR_PL
Website: www.molah.pl.so
Tiktok: https://www.tiktok.com/
Flickr: www.flickr.com/photos/molahpl1/

Wafti ka kooban Wasaaradaha Xannaanada Xoolaha, Beeraha, Deegaanka, Arrimaha Gudaha, Dekedaha iyo Kalluumaysiga, Hogaank...
09/08/2026

Wafti ka kooban Wasaaradaha Xannaanada Xoolaha, Beeraha, Deegaanka, Arrimaha Gudaha, Dekedaha iyo Kalluumaysiga, Hogaanka Booliska ee Ilaalinta Deegaanka, iyo Maamulka Heer Gobol iyo Heer Degmo, ayaa u kuur-galay xaaladda iyo shaqada ka socota deegaanka Madha, oo hoostaga Degmada Carmo.

Waftiga oo uu qayb ka yahay Wasir Dowlaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha DPL mudane Hon. Maxamed Cabdikaafi Maxamed ayaa u kuur-galay sidii xal waara loogu heli lahaa khilaafka ka dhex taagan bulshada deegaanka, loogana hortagi lahaa wax kasta oo sababi kara dhibaato iyo xasilooni-darro.

Ugu dambayn, waftigu wuxuu kulamo la yeeshay Maamulka Degmada, waxgaradka iyo nabadoonnada deegaanka, kuwaas oo looga hadlay sidii xal looga gaari lahaa khilaafka, loona xoojin lahaa nabadda, wada noolaanshaha iyo xasilloonida deegaanka.

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha DPL.
Facebook: https://www.facebook.com/Molahpl/
X: x.com/MOLAHR_PL
Website: www.molah.pl.so
Tiktok: https://www.tiktok.com/
Flickr: www.flickr.com/photos/molahpl1/

Address

Garowe Upper Hills, Government Compound/Adjacent To Puntland State House
Garowe
NG00010

Opening Hours

Monday 08:00 - 17:00
Tuesday 08:00 - 17:00
Wednesday 08:00 - 17:00
Thursday 08:00 - 17:00
Saturday 08:00 - 17:00
Sunday 08:00 - 17:00

Telephone

+252906881114

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dowladda Puntland posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dowladda Puntland:

Shortcuts

Share