Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland The Ministry of Finance of Puntland State has been established on the 23rd of August 1998.

BOSASO- 3-9-2026 Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay mas'uuliyiinta Wasaa...
03/09/2026

BOSASO- 3-9-2026 Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay mas'uuliyiinta Wasaaradaha Maaliyadda, Kalluumeysiga iyo Dekedaha.

Kulankan waxaa goob-joog ka ahaa madaxda Wasaaradda Maaliyadda oo uu hoggaaminaayo Wasiirka Wasaaradda waxaana looga hadlay amniga badaha iyo kor-u-qaadista dakhliga Dowladda.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

02/09/2026

Xoojinta wada shaqaynta Ciidamada Boliiska iyo hay’adaha wax soo-saarka Dowladda oo ay hormuud u tahay Wasaaradda Maaliyadda.

Wasiirku Xigeenka Wasaaradda Kaluumaysiga ayaa hadal ka jeediyay daah-furka kulankii dardargelinta dakhliga dalka. Part 1

02/09/2026

Xoojinta wada shaqaynta Ciidamada Boliiska iyo hay’adaha wax soo-saarka Dowladda oo ay hormuud u tahay Wasaaradda Maaliyadda.

Taliyaha ciidamada Boliiska Dowladda Puntland Mudane Gen Muumin Cabdi Shire oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in Ciidamada Boliiska gacan ka gayasan doonaan dardargelinta dakhliga. Part 8

02/09/2026

Xoojinta wada shaqaynta Ciidamada Boliiska iyo hay’adaha wax soo-saarka Dowladda oo ay hormuud u tahay Wasaaradda Maaliyadda.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda hawlaha Guud iyo gaadiidka Dowladda Puntland oo ka hadlay kulanka ayaa mas'uuliyiinta la wadaagay xogo badan oo ku aadan canshuuraha.

02/09/2026

Xoojinta wada shaqaynta Ciidamada Boliiska iyo hay’adaha wax soo-saarka Dowladda oo ay hormuud u tahay Wasaaradda Maaliyadda.

Wasiirku Xigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Yaasiin Saalax ayaa ka hadlay doorka Ciidamada Boliisku ku leeyihiin kobcinta dakhliga dalka.

02/09/2026

Xoojinta wada shaqaynta Ciidamada Boliiska iyo hay’adaha wax soo-saarka Dowladda oo ay hormuud u tahay Wasaaradda Maaliyadda.

Hadal jeedintii Agaasime ku-xigeenka Guud ee dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdiqaadir Axmed Xaashi uu ka jeediyey kulankii dardargelinta dakhliga.

02/09/2026

Xoojinta wada shaqaynta Ciidamada Boliiska iyo hay’adaha wax soo-saarka Dowladda oo ay hormuud u tahay Wasaaradda Maaliyadda.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa ka hadlay furitaankii kulanka

GAROWE- 2-9-2026 Xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa lagu qabtay kulan ku aadan Xoojinta wada ...
02/09/2026

GAROWE- 2-9-2026 Xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa lagu qabtay kulan ku aadan Xoojinta wada shaqaynta Ciidamada Boliiska iyo hay’adaha wax soo-saarka Dowladda oo ay hormuud u tahay Wasaaradda Maaliyadu.

Kulankan waxaa ka qayb galay Wasiirku Xigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda. Wasiirku Xigeenka Wasaaradda Kaluumaysiga. Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Amniga, Taliyaha Guud ee Ciidamada Boliiska, Taliye Ku-xigeenka Ciidamada Boliiska, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda hawlaha Guud, Agaasimeyaasha Wasaaraddaha iyo saraakiisha Amniga.

Ujeeddada kulanka ayaa ahaa sidii wada jir la isaga kaashan lahaa kor u qaadista dakhliga waxaana si qoto dheer looga hadlay dakhliga ka soo xerooda hirgelinta dakhliga ganaaxyada ka dhasha Taraafikada gaadiidka, hirgelinta degenaanshaha Ajaaniibta, diwaan gelinta hubka shaqsiyaadka iyo shirkadaha, ganaaxyada ku xad gudubka deegaanada, iyo dhammaan soo xeraynta dakhliyada ay ka wada shaqeeyaan Wasaaradda Maaliyadda iyo hay’adaha kale ee Dowladda Puntland.

Kulanka intii uu socaday ayaa Wasaaradda Maaliyaddu ku soo bandhigtay xog ku aadan Casriyaynta nidaamyada cashuuraha gaadiidka iyo horumarinta nidaamyada kale cashuuraha u baahan in la hirgeliyo si faham xoogan uga helaan mas'uuliyiintii ka qaybgashay.

Ugu dambeyntii kulan ayaa lagu balamay fulinta wax yaabihii looga hadlay ee ku aadanaa dardargelinta dakhliga dalka.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

BOSASO-1-9-2026 Magaalada Bosaaso ee xarunta Gobolka Bari waxaa siweyn uga socda ollolaha cashuuraha gaadiidka ee sadex ...
01/09/2026

BOSASO-1-9-2026 Magaalada Bosaaso ee xarunta Gobolka Bari waxaa siweyn uga socda ollolaha cashuuraha gaadiidka ee sadex biloodlaha ah ee Gadiidka kala duwan.

Ciidamada Laanta illalaada Canshuuraha Gobalka iyo Ciidanka Nabadgalyada Wadooyinka ayaa ka shaqeynaya hubinta iyo cashuurista gaadiidka aan wali bixin cashuuraha wado marista ee ku waajibay.

Taliyaha Laanta Canshuuraha Gobalka Bari G/Le Cabdirixmaan Salaad Guul ayaa Bulshada Gobalkaan kula dardaarmay shaqaalaha iyo ciidamada ka shaqaynaya Ollolaha Gaadiidka inay si wanaagsan ula dhaqmaan cashuur bixiyaasha iyo bulshada adeega u imaanaya goobaha cashuurta.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

GAROWE- 1-9-2026 Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa shir-guddoomi...
01/09/2026

GAROWE- 1-9-2026 Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa shir-guddoomiyay kulan Guddiga Goob Shaqo oo ka dhacday xarunta dhexe ee Wasaaradda.

Gudiga kulankan ka qaybgalay waxaa ka mid ahaa ku xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland, Agaasimaha Guud Ku-xigeenka Maamulka, Agaasime ku xigeenka Guud ee dakhliga, ku xigeenka Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda Gobollada Sanaag iyo Haylaan, Agaasimayaasha waaxyaha, Madaxa baarista gudah, Madax qaybeedyada sharciyada iyo Shaqada iyo shaqaalaha Wasaradda.

Kulankan ayaa ahaa mid Xisaabiyaha su'aalo lagu waydiinayey kuna aadanaa mas'uuliyada dakhliga iyo Ducoments-ka lacag qabashada ee Wasaradda Maaliyadda ee Gobolada Sanaag iyo Haylaan.

Xisaabiyaha ayaa ka jawaabay dhammaan su'aalihii guddigu waydiiyeen ee ku aadanaa
dakhliga iyo Ducoments-ka lacag qabashada.

Ugu dambeyntii gudiga ayaa soo saari doona go'aamo ku aadan kulankan goob shaqo.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Address

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland
Garowe
GAROWEBR09010

Opening Hours

Monday 08:00 - 17:30
Tuesday 08:00 - 17:30
Wednesday 08:00 - 17:30
Thursday 08:00 - 17:30
Saturday 08:00 - 17:30
Sunday 08:00 - 17:00

Telephone

+252907724401

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland:

Shortcuts

Share