Deegaanka Xam-xamaa

Deegaanka Xam-xamaa Halkani waa dagalka saxda ah ee deegaanka Xam-xamaa

03/08/2026

Xildhibaan Mohamed Abdirahman Abshir koonje, Agaasimaha Arrimaha Bulshada Dowladda Hoose ee Caasimadda Garoowe Saadiq Xirsi Samatar iyo Madaxa Fayadhowrka Degmada Garoowe Caydaruus Xasan Maxamed iyo Odayaasha Xamxamaa ayaa kormeer ku yimi Ceelka biyaha deegaanka Xamxamaa.

Garoowe : 3 Aug 2026:  Xildhibaan Mohamed Abdirahman Abshir koonje, Agaasimaha Arrimaha Bulshada Dowladda Hoose ee Caasi...
03/08/2026

Garoowe : 3 Aug 2026: Xildhibaan Mohamed Abdirahman Abshir koonje, Agaasimaha Arrimaha Bulshada Dowladda Hoose ee Caasimadda Garoowe Saadiq Xirsi Samatar iyo Madaxa Fayadhowrka Degmada Garoowe Caydaruus Xasan Maxamed ayaa kasoo qayb galay munaasabadda dhismaha Guddiga Deegaanka Xamxamaa ee degmada Garoowe.

Guddiga cusub ee deegaanka Xamxamaa oo ka kooban toddobo xubnood ayaa guddoomiye u doortay Mursal Maxamuud Jaamac. Munaasabadda doorashada ka dib, guddoomiyihii h**e ee deegaanka Xamxamaa Maxamuud Cabdullaahi Aadan ayaa xilka ku wareejiyay guddoomiyaha cusub ee deegaanka Xamxamaa.

19-06-2026 || Xam-xamaa Maalmihii la soo dhaafay deegaanka Xam-xamaa ee degmada Garowe ayaa helay roob wanaagsan oo si w...
19/06/2026

19-06-2026 || Xam-xamaa

Maalmihii la soo dhaafay deegaanka Xam-xamaa ee degmada Garowe ayaa helay roob wanaagsan oo si weyn ay bulshada ugu diirsatay.

Roobkan ayaa buuxiyey barkadihii deegaanka, iyaga oo ay bulshada deegaanku aad ugu diirsadeen

Bulshada deegaanka ayaa Alle uga mahadcelisay nimcadan, iyagoo rajaynaya inuu sii barakeeyo roobka iyo khayrkiisa.


WarbixinWaxaa si guul leh loo soo gabagabeeyay tartankii aqoonta ee bisha barakaysan ee Ramadaan oo loo qabtay ardayda d...
16/03/2026

Warbixin

Waxaa si guul leh loo soo gabagabeeyay tartankii aqoonta ee bisha barakaysan ee Ramadaan oo loo qabtay ardayda dugsiga hoose, dhexe iyo sare ee deegaanka Xamxamaa. Tartankan oo ujeedkiisu ahaa kor u qaadista aqoonta ardayda, dhiirrigelinta waxbarashada iyo kobcinta tartanka wanaagsan ee dhinaca aqoonta, ayaa si habsami leh u qabsoomay muddadii uu socday.

Tartanka waxaa ka qaybgalay arday ka kala socotay fasallada kala duwan ee dugsiga, kuwaas oo muujiyay dadaal, karti iyo aqoon ay ku tartamayeen. Intii uu socday tartanka waxaa si weyn looga dheehanayay is dhexgal, wada shaqayn iyo dhiirrigelin ku wajahan horumarinta waxbarashada ardayda deegaanka.

Ugu dambayn, tartankan aqooneed waxaa ku guuleystay fasalka Form Two (10aad) ee dugsiga sare, kuwaas oo muujiyay aqoon, diyaar garow iyo dadaal horseeday inay ku guuleystaan tartanka.

Waxaa sidoo kale mahad gaar ah leh dhammaan macallimiinta, maamulka, qabanqaabiyeyaasha iyo cid kasta oo gacan ka geysatay qabsoomidda iyo guusha tartankan aqooneed.

Gebagebadii, tartankan ayaa ahaa mid dhiirrigelin u noqda ardayda, laguna kobcinayo hamiga waxbarasho ee jiilka soo koraya.

  || 24-02-2016Tartamayaasha Dagsiimada   ayaa gaaray degsiimada    si' ay uga qayb galaan Tartanka qur'aanka kariimka e...
24/02/2026

|| 24-02-2016

Tartamayaasha Dagsiimada ayaa gaaray degsiimada si' ay uga qayb galaan Tartanka qur'aanka kariimka ee gobolka Nugaal,

Tartanka ayaa soconaya 3 Bari
▪︎ᴀʀʙᴀᴄᴏ 25.feb.2026
▪︎ ᴋʜᴀᴍɪɪꜱ 26.feb.2026
▪︎ ᴊɪᴍᴄᴇ 27.feb..2026

Tartanka ayaa ka qabsoomaya 𝐃𝐚𝐠𝐬𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐠𝐚𝐝𝐮𝐮𝐝 ee Degmada 𝐆𝐨𝐝𝐨𝐛_𝐣𝐢𝐫𝐚𝐚𝐧, waxaana Tartanka loo qabanayaa dhawr iyo toban Dagsiimo oo ka mid ah ɢᴏʙᴏʟᴋᴀ ɴᴜɢᴀᴀʟ

Tartankan ayaa waxa qabanaya fuddiga jorumarinta qur'aanka ee gobolka Nugaal.


 Wafti uu hoggaaminayo Xildhibaan Mohamed Cabdiraxmaan Cabshir Nuur, oo ka tirsan Golaha Deegaanka Degmada Garoowe, ayaa...
10/02/2026



Wafti uu hoggaaminayo Xildhibaan Mohamed Cabdiraxmaan Cabshir Nuur, oo ka tirsan Golaha Deegaanka Degmada Garoowe, ayaa booqasho shaqo ku tegay deegaanka Xamxamaa iyo miyiga hoos yimaada.

Ujeeddada booqashada ayaa ahayd in waftigu kuurgalo xaaladda guud ee nololeed ee dadka iyo duunyada, gaar ahaan saameynta ay abaartu ku yeelatay deegaanka iyo baahiyaha degdegga ah ee ka jira miyiga ku xeeran.

Intii ay booqashadu socotay, waftigu waxay kulammo iyo shirar la yeesheen odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka deegaanka, iyagoo ka dhageystay cabashooyinka, talooyinka iyo aragtiyada bulshada, kana wada hadlay xoojinta wada-shaqeynta iyo sidii wax looga qaban lahaa duruufaha jira.

Sidoo kale, waftigu waxay deegaanka geeyeen shidaal loogu talagalay in lagu daboolo baahida ceelka biyaha, si loo taageero dadka iyo duunyada, loogana yareeyo dhibaatada ka dhalatay xaaladda abaareed ee ka jirta deegaanka.
Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada Golaha Deegaanka Degmada Garoowe ee lagu garab istaagayo bulshada nugul, laguna xaqiijinayo in baahiyaha aasaasiga ah ee deegaanka si dhow loola socdo.


📍Xam-xamaa Halkani waa dugsiga dhexe iyo sare ee deegaanka Xam-xamaa, kaas oo uu dib u bilaammay kalkii 2aad ee sanad du...
15/01/2026

📍Xam-xamaa

Halkani waa dugsiga dhexe iyo sare ee deegaanka Xam-xamaa, kaas oo uu dib u bilaammay kalkii 2aad ee sanad dugsiyeedka 2025-2026,

Dugsiga ayaa sanadihii u danbeeyay waxa uu sameynayay kor ukac iyo horumar aad u ballaaran.


 15-12-2025 || Maanta waxaa si rasmi ah uga billowday deegaanka Xam-xamaa imtixaankii term-ka 1aad ee dugsiga sare, iyad...
15/12/2025



15-12-2025 || Maanta waxaa si rasmi ah uga billowday deegaanka Xam-xamaa imtixaankii term-ka 1aad ee dugsiga sare, iyadoo ay ka qayb-galeen arday tiro badan. Maamulada waxbarashada iyo macallimiinta ayaa si dhow u kormeeraya habsami u socodka imtixaanka, si loo hubiyo hufnaan, caddaalad iyo anshaxa waxbarasho. Waxaa la rajeynayaa in imtixaanku ku dhammaado jawi deggen oo guul leh.

Xam-xamaa, 22-10-2025Waxaa meel aad u wanaagsan shaqadiisu maraysaa shaqada ceelka deegaanka Xam-xamaa ee degamada Garow...
22/10/2025

Xam-xamaa, 22-10-2025

Waxaa meel aad u wanaagsan shaqadiisu maraysaa shaqada ceelka deegaanka Xam-xamaa ee degamada Garowe, iyada oo gabo-gabo ay kusii dhowdahay wajigii koowaad ee mashruuca,

Waxaana la rajeynayaa in sida ugu dhakhsiyaha badan loo galo wajigiisa labaad.


Xam-xamaa, 18-10-2025 Guddiga Horumarinta Barashada Quraanka Kariimka  Ee Gobolka Nugaal    ayaa imtixaan saddex billood...
19/10/2025

Xam-xamaa, 18-10-2025

Guddiga Horumarinta Barashada Quraanka Kariimka Ee Gobolka Nugaal ayaa imtixaan saddex billood le ah ka qaaday ardayda quraanka kariimka Tuulada Xam-xamaa ee hoos timaadda degmada Garowe,

Sannadka dhexdiisa waa imtixaanki 3ªªd oo si Toos ah looga Qaadayo Dagsiimada Xamxamaa.

Imtixaanka laga qaaday ayaa ahaa :-
▪︎ Hinkaada
▪︎ Kutubta xalaqaadka
▪︎ Qur'aanka kariimka

Guddiga Horumarinta Barashada Quraanka Kariimka Ee Gobolka Nugaal ayaa marwalba waxaa uu Tayada ardayda iyo Horumarinta Aqoontoodda💯💯

2025🧭📚🖼

Mahadsanidiin🔂

Address

Garowe
Garowe

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Deegaanka Xam-xamaa posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share