Maxkamadda Sare JSL

Maxkamadda Sare JSL This is the official page of the Supreme Court of the Republic of Somaliland.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare JSl Aadan Xaaji Cali ayaa ka qayb qalay Munaasibada ๐ƒ๐š๐š๐ก-๐Ÿ๐ฎ๐ซka ๐—๐ž๐ž๐ซ๐ค๐š ๐Œ๐š๐š๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐ค๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š...
19/08/2026

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare JSl Aadan Xaaji Cali ayaa ka qayb qalay Munaasibada ๐ƒ๐š๐š๐ก-๐Ÿ๐ฎ๐ซka ๐—๐ž๐ž๐ซ๐ค๐š ๐Œ๐š๐š๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐ค๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š (๐—๐ž๐ž๐ซ ๐‹๐ซ. ๐Ÿ•๐Ÿ“/๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“) ๐Ž๐จ ๐ƒ๐ข๐›-๐ฎ-๐ก๐š๐›๐š๐ฒ๐ง ๐‹๐š๐ ๐ฎ ๐’๐š๐ฆ๐ž๐ž๐ฒ๐ž๐ฒ.

โ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆ

Munaasabad lagu daah-furayey ๐—๐ž๐ž๐ซ๐ค๐š ๐Œ๐š๐š๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐ค๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š (๐—๐ž๐ž๐ซ ๐‹๐ซ. ๐Ÿ•๐Ÿ“/๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“) ayaa maanta lagu qabtay magaalada Hargeysa, iyadoo xeerkan cusub uu saldhig sharci iyo nidaam mideysan u noqonayo maamulka, qorshaynta, ururinta, qoondaynta, isticmaalka, kormeerka iyo ilaalinta maaliyadda iyo hantida Qaranka.
Maaliyadda Dawladdu waa laf-dhabarta awoodda dawladnimo, horumarka dhaqaale, bixinta adeegyada bulshada iyo hirgelinta maamul-wanaagga. Sidaa awgeed, nidaam hufan oo lagu maamulo hantida iyo dhaqaalaha Qaranka ayaa muhiim u ah xaqiijinta isla-xisaabtan, daah-furnaan iyo adeeg dadweyne oo wax-ku-ool ah.

Xeerka Maamulka Maaliyadda Dawladda wuxuu qeexayaa masuuliyadaha iyo waajibaadka hayโ€™addaha kala duwan ee Dawladda, isaga oo dejinaya hannaan mideysan oo lagu maareeyo dhammaan marxaladaha maamulka maaliyadda Dawladda. Xeerku ma aha oo keliya sharci lagu maamulo lacagta Dawladda, balse waa tiir muhiim u ah ๐ข๐ฌ๐ฅ๐š-๐ฑ๐ข๐ฌ๐š๐š๐›๐ญ๐š๐ง๐ค๐š, ๐ก๐ฎ๐Ÿ๐ง๐š๐š๐ง๐ญ๐š, ๐๐š๐š๐ก-๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ง๐š๐š๐ง๐ญ๐š, ๐ฆ๐š๐š๐ฆ๐ฎ๐ฅ-๐ฐ๐š๐ง๐š๐š๐ ๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ข๐ฅ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ก๐š๐ง๐ญ๐ข๐๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง๐ค๐š.

Xeerkan cusub waxa uu xoojinayaa dhinacyo badan oo muhiim u ah dib-u-habaynta maamulka maaliyadda, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

โ— ๐—๐จ๐จ๐ฃ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ฆ๐š๐š๐ฆ๐ฎ๐ฅ-๐ฐ๐š๐ง๐š๐š๐ ๐ ๐š: Xeerku wuxuu si cad u qeexayaa masuuliyaddaha hayโ€™addaha kala duwan ee Dawladda, si hayโ€™ad kasta iyo masuul kasta uu u ogaado waajibaadka ka saaran maamulka maaliyadda Qaranka.
โ— ๐—๐จ๐จ๐ฃ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ข๐ฌ๐ฅ๐š-๐ฑ๐ข๐ฌ๐š๐š๐›๐ญ๐š๐ง๐ค๐š: Waxa uu dejinayaa nidaam cad oo lagu ogaanayo cidda masuulka ka ah qorshaynta, qoondaynta, fulinta, kormeerka iyo warbixinta maaliyadda Dawladda.
โ— ๐‡๐ฎ๐Ÿ๐ง๐š๐š๐ง ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐š๐š๐ก-๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ง๐š๐š๐ง: Xeerku wuxuu xoojinayaa in diyaarinta, ansixinta, fulinta iyo warbixinta miisaaniyaddu noqdaan kuwo cad, dhamaystiran oo la fahmi karo.
โ— ๐—๐จ๐จ๐ฃ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐๐จ๐จ๐ซ๐ค๐š ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ค๐ข๐ข๐ฅ๐ฅ๐š๐๐š: Waxa uu awood u siinayaa Golaha Wakiillada inuu si buuxda u guto doorkiisa dastuuriga ah ee korjoogtaynta miisaaniyadda iyo maamulka maaliyadda Dawladda, iyadoo la siinayo warbixinno maaliyadeed oo dhamaystiran.
โ— ๐Š๐š-๐ช๐š๐ฒ๐›๐ ๐š๐ฅ๐ค๐š ๐๐š๐๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š: Xeerku wuxuu siinayaa bulshada fursad ay fikrado iyo talooyin kaga qaybqaataan marxaladaha kala duwan ee geeddi-socodka miisaaniyadda iyo warbixinnada maaliyadeed.
โ— ๐ƒ๐ข๐›-๐ฎ-๐ก๐š๐›๐š๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐ง๐ข๐๐š๐š๐ฆ๐ค๐š ๐ฆ๐ข๐ข๐ฌ๐š๐š๐ง๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š: Waxa uu si cad u qeexayaa marxaladaha diyaarinta, ansixinta, fulinta iyo dib-u-eegista miisaaniyadda, taas oo horseedaysa nidaam maaliyadeed oo habaysan, la saadaalin karo oo hufan.
โ— ๐—๐จ๐จ๐ฃ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‡๐š๐ง๐ญ๐ข-๐๐ก๐š๐ฐ๐ซ๐ค๐š ๐†๐ฎ๐๐š๐ก๐š: Hayโ€™ad kasta oo Dawladeed waxaa loo dejinayaa nidaam Hanti-dhawr Gudaha ah oo door muhiim ah ka qaadanaya xakamaynta nidaamyada gudaha, ogaanshaha khaladaadka iyo ka hortagga musuqmaasuqa, lunsiga iyo dayacaadda hantida Dawladda.
โ— ๐Š๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ข๐๐๐š ๐‡๐š๐ง๐ญ๐ข-๐๐ก๐š๐ฐ๐ซ๐ค๐š ๐†๐ฎ๐๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐‡๐š๐ง๐ญ๐ข-๐๐ก๐š๐ฐ๐ซ๐ค๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐:Hanti-dhawrka Guduhu wuxuu diiradda saarayaa xakamaynta iyo saxnaanta nidaamyada gudaha ee hayโ€™adda, halka Hanti-dhawrka Guud uu leeyahay doorka baadhista iyo ka warbixinta maamulka iyo isticmaalka maaliyadda Dawladda.
โ— ๐‹๐š-๐๐š๐ ๐š๐š๐ฅ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐š ๐ฆ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ช๐ฆ๐š๐š๐ฌ๐ฎ๐ช๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฅ๐ฎ๐ง๐ฌ๐ข๐ ๐š:
Nidaamyada xakamaynta gudaha, kormeerka iyo warbixintu waxay yareynayaan fursadaha musuqmaasuqa, lunsiga, khaladaadka iyo dayacaadda hantida Qaranka.
โ— ๐‚๐š๐ฌ๐ซ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐ฆ๐š๐š๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐ค๐š ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š: Xeerku wuxuu dhiirrigelinayaa in maamulka maaliyadda iyo xisaabaadka Dawladda lagu saleeyo habab casri ah iyo adeegsiga tignoolajiyadda.
โ— ๐˜๐š๐ ๐ฅ๐ž๐ž๐ฅ๐ข๐๐š/๐‡๐ข๐ซ๐ ๐ž๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐Š๐ก๐š๐ฌ๐ง๐š๐-๐ฆ๐ข๐๐š๐ฒ๐ฌ๐š๐ง )๐’๐ข๐ง๐ ๐ฅ๐ž ๐“๐ซ๐ž๐š๐ฌ๐ฎ๐ซ๐ฒ ๐€๐œ๐œ๐จ๐ฎ๐ง๐ญ): Xeerku wuxuu saldhig u noqonayaa hirgelinta Qasnad-midaysan, kaas oo ah hannaan casri ah oo lagu mideeyo laguna maareeyo lacagaha caddaanka ah ee Dawladda.
โ— ๐Œ๐š๐š๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐ค๐š ๐ก๐š๐ง๐ญ๐ข๐๐š ๐ƒ๐š๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š: Waxa uu xoojinayaa awoodda Wasaaradda Maaliyadda ee dejinta habraacyada lagu maamulo, lagu diiwaangeliyo laguna kormeero hantida iyo maalka Dawladda.
โ— ๐Œ๐š๐š๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐ค๐š ๐๐š๐ฒ๐ฆ๐š๐ก๐š, ๐๐ž๐ž๐ช๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐š๐ฆ๐ฆ๐š๐š๐ง๐š๐๐š๐ก๐š: Xeerku wuxuu si cad u nidaaminayaa daymaha, deeqaha iyo dammaanadaha Dawladdu qaadato ama bixiso, isaga oo qeexaya masuuliyadaha dhinacyada ay khusayso.
โ— ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ฆ๐š๐ฒ๐ฌ๐ญ๐ข๐ซ๐š๐ง: Hayโ€™adaha Dawladdu waxay yeelanayaan waajibaad cad oo ku saabsan diyaarinta, gudbinta iyo soo bandhigista warbixinnada maaliyadeed iyo xisaabaadka.

Xeerka Maamulka Maaliyadda Dawladdu wuxuu ka mid yahay tiirarka muhiimka ah ee dib-u-habaynta maamulka maaliyadda Qaranka.

Ujeeddadiisu ma aha oo keliya in lacagta Dawladdu si sax ah loo xisaabiyo, balse waxa uu sidoo kale hubinayaa in la raadin karo halka lacagtu ka timid, halka loo qoondeeyey, halka lagu bixiyey iyo natiijada laga gaadhay, si masuuliyadda iyo isla-xisaabtanku u noqdaan kuwo cad.

Maaliyadda Dawladdu waa hanti ay leedahay ummaddu, mana aha hanti uu leeyahay qof ama hayโ€™ad gaar ahi. Sidaas darteed, ilaalinta iyo maaraynta hantida Qaranku waa masuuliyad sharci, maamul iyo qaran oo ka wada dhaxaysa hayโ€™adaha iyo masuuliyiinta Dawladda.

Xeerkan wuxuu Somaliland u horseedayaa in laga gudbo nidaam ku tiirsanaa habraacyo kala duwan, loona gudbo nidaam maaliyadeed oo ๐œ๐š๐ฌ๐ซ๐ข ๐š๐ก, ๐ง๐ข๐๐š๐š๐ฆ๐ฌ๐š๐ง, ๐ก๐ฎ๐Ÿ๐š๐ง, ๐๐š๐š๐ก-๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ง ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ ๐๐ก๐ข๐ฌ๐š๐ง ๐ข๐ฌ๐ฅ๐š-๐ฑ๐ข๐ฌ๐š๐š๐›๐ญ๐š๐ง.

Haddii maamulka maaliyaddu hufnaado, nidaamka dawladnimadu wuu hufmayaa; haddii nidaamka dawladnimadu hufmo, adeegyada dadweynuhuna way hagaagayaan; haddii hantida Qaranka la ilaaliyo, horumarka Qarankuna wuu hirgelayaa.

Sidaas awgeed, ๐—๐ž๐ž๐ซ๐ค๐š ๐Œ๐š๐š๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐ค๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐ฎ (๐—๐ž๐ž๐ซ ๐‹๐ซ. ๐Ÿ•๐Ÿ“/๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“)
wuxuu muhiim u yahay ilaalinta hantida Qaranka, xoojinta dawladnimada, horumarinta iyo gaadhsiinta adeegyada dadweynaha, la-dagaallanka musuqmaasuqa iyo dhismaha maamul-wanaag waara oo wax-ku-ool ah.

Munaasabadda daah-furka ayaa waxa ka qayb-galay masuuliyiin ka kala socday hayโ€™addaha uu khuseeyo ee Dawladda, waxaana khudbado iyo hadallo ka jeediyey ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š, ๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐Œ๐š๐ฑ๐ค๐š๐ฆ๐š๐๐๐š ๐’๐š๐ซ๐ž, ๐‡๐š๐ง๐ญ๐ข-๐๐ก๐š๐ฐ๐ซ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐ƒ๐š๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š, ๐€๐ ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š, ๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐Š๐จ๐ฆ๐ข๐ฌ๐ก๐š๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐š๐ฆ๐ฎ๐ฅ-๐ฐ๐š๐ง๐š๐š๐ ๐ ๐š, ๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐๐š ๐๐š๐ง๐๐š๐ซ๐š๐š๐ฌ๐ฒ๐š๐๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐†๐ฎ๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐๐ข-๐ก๐จ๐จ๐ฌ๐š๐š๐๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐ฅ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ค๐ข๐ข๐ฅ๐š๐๐š.

Sidoo kale, munaasabadda waxa goob-joog ka ahaa ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ฎ-๐ƒ๐š๐ฐ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š iyo ๐Š๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐—๐ข๐ฌ๐š๐š๐›๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐, oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka qayb-gashay munaasabadda.

Intii ay munaasabadu socotay, waxa warbixinno iyo bandhigyo (๐ฉ๐ซ๐ž๐ฌ๐ž๐ง๐ญ๐š๐ญ๐ข๐จ๐ง๐ฌ) ku saabsan Xeerka Maamulka Maaliyadda Dawladda jeediyey ๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐”๐ซ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐—๐ข๐ฌ๐š๐š๐›๐ข๐ฒ๐š๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ (๐ˆ๐‚๐๐€๐’) iyo ๐€๐ ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐š๐ฑ๐๐š ๐ƒ๐ข๐›-๐ฎ-๐ก๐š๐›๐š๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐Œ๐š๐š๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐ค๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š,
kuwaas oo si faahfaahsan uga hadlay muhiimadda xeerka, isbeddellada uu keenayo iyo doorka uu ka qaadanayo casriyeynta nidaamka maamulka maaliyadda Qaranka.

โ—

11/08/2026

"Waxaan heshiis kula jirnaa 17 Jaamacadood Sanadkasta Waxaan u dirnaa Boqolaal qof oo ka Shaqeeya Hay'addaha Garsoorka Dalka " Gudoomiyaha Maxkamadda Sare JSL

Beenin warar been-abuur ah oo la faafiyeyMaxkamadda Gobolka Maroodi-Jeex ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku beeninay...
29/07/2026

Beenin warar been-abuur ah oo la faafiyey

Maxkamadda Gobolka Maroodi-Jeex ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku beeninayso war lagu faafiyey baraha bulshada.
Maxkamadda Gobolka Maroodi-Jeex waxay shacabka ku wargelinaysaa in wararka lagu baahiyey baraha bulshada, gaar ahaan Facebook, ee lagu sheegay in Maxkamaddu soo saartay yeedhmooyin (Summons) la xidhiidha arrimaha GST, ay yihiin warar been-abuur ah, isla markaana aan lahayn wax sal iyo raad sharci ah.
Si arrintan loo caddeeyo, Maxkamaddu waxay leedahay awood sharci oo ay ku soo saari karto yeedhmo qof kasta loogu yeedhayo marka ay lagama maarmaan u noqoto gudashada waajibaadkeeda garsoor ama maamul ee sharcigu u oggol yahay. Yeedhmadaasi waxay noqon kartaa mid garsoor ama mid maamul, iyadoo ku xidhan ujeeddada sharcigu oggol yahay.
Hase yeeshee, sheegashada ah in Maxkamaddu soo saartay yeedhmooyin la xidhiidha hirgelinta ama fulinta arrimaha GST waa mid gebi ahaanba been ah.
Sida ku cad Xeerka Dakhliga Somaliland, Xeer Lr. 72/2016, khilaafaadka iyo rafcaannada cashuuraha waxa awood u leh Guddida Rafcaannada Cashuuraha (Taxation Appeals Tribunal) ee ku aasaasan xeerka kor ku xusan.
Sidaa darteed, Maxkamadda Gobolka Maroodi-Jeex ma soo saarin wax yeedhmo ah oo la xidhiidha arrimaha GST, sida lagu baahiyey baraha bulshada.
Ugu dambayn, Maxkamaddu waxay ugu baaqaysaa bulshada inay iska jiraan wararkan been-abuurka ah, kana fogaadaan faafinta ama ku tiirsanaanta xog aan la hubin, taas oo marin-habaabin karta bulshada, dhaawici karta sumcadda hayโ€™adaha garsoorka, isla markaana wiiqi karta kalsoonida lagu qabo caddaaladda iyo ku dhaqanka sharciga.
Mar kale, Maxkamadda Gobolku waxay uga digaysaa cid kasta oo falalkan ku lug leh, iyadoo tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonta cid kasta oo been-abuur ku samaysa shaqooyinka Maxkamadda.

DHAMBAAL TACSI AHโ€Žโ€ŽINNAA LILAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN โ€Žโ€ŽGuddoomiyaha Maxkamadda Sare JSL  Aadam Xaaji Cali Axmed wa...
28/07/2026

DHAMBAAL TACSI AH
โ€Ž
โ€ŽINNAA LILAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
โ€Ž
โ€ŽGuddoomiyaha Maxkamadda Sare JSL Aadam Xaaji Cali Axmed waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo Bahda Garsoorka JSL ee uu ka baxay, AHN Garsoore Sheikh Mohamed Duale Adan oo Ka Mid ahaa Garsoorayaasha Maxkamdda Racfaanka Gobolka Sanaag ,Marxuumka ayaa Ku Geeriyooday Magaalada Hargeisa Oo Maanta lagu Aasay
Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka Ilaahay uga baryayaa in uu naxariistii Janno ka waraabiyo, bahda garsoorka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo Qaranka Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.
โ€Ž
โ€ŽAAMIIN AAMIIN AAMIIN

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL  Aadan Xaaji Cali Axmed ayaa dhaariyey laba xubnood oo ka mid noqon doona Komishanka...
28/07/2026

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL Aadan Xaaji Cali Axmed ayaa dhaariyey laba xubnood oo ka mid noqon doona Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka, kuwaas oo kala ah Cabdiraxmaan Cismaan Cabdile oo isagu ahaa xubin aan la dhaarin iyo Muna Jaamac Cali oo buuxisay xubintii uu iska casilay Muuse Jaamac Ciise, taas oo uu soo buuxiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi.

Xafiiska Warbaahinta Maxkamadda Sare

Hoolka Shirarka Maxkamadda Sare Waxa laga Daahfurey  Xafiisyada diwaangelinta heshiisyada Rahamka Bangiyada ee Maxkamadd...
25/07/2026

Hoolka Shirarka Maxkamadda Sare Waxa laga Daahfurey Xafiisyada diwaangelinta heshiisyada Rahamka Bangiyada ee Maxkamaddaha Racfaanka gobolada dalka JSL

25/07/2026

Gudoomiyaha Ururka Geasol oo soo dhaweeyay diwaangelinta heshiisyada Rahamka Bangiyada ee Maxkamaddaha Racfaanka gobolada dalka JSL

25/07/2026

Gudoomiyaha Golaha Sare ee Ururka Baananka oo ,ka hadlay diwaangelinta heshiisyada Rahamka Bangiyada ee Maxkamaddaha Racfaanka gobolada dalka JSL

25/07/2026

Xafiiska Garyaqaanka Guud oo ka hadlay diwaangelinta heshiisyada Rahamka Bangiyada ee Maxkamaddaha Racfaanka gobolada dalka JSL

25/07/2026

Gudoomiyaha Ururka Bangiyadda oo soo dhaweeyay diwaangelinta heshiisyada Rahamka Bangiyada ee Maxkamaddaha Racfaanka gobolada dalka JSL

Address

Street 1
Hargeisa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Maxkamadda Sare JSL posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Maxkamadda Sare JSL:

Shortcuts

Share