CM24 TV

CM24 TV CM24 TV — Current Media 24
“Your Current, Your Media, 24/7”

16/08/2026

Aduunyo Kalmada Sheekh maxamed ismail

16/08/2026

Qiso Cajiib ah oo Hargeysa ka Dhacday — Maxuu Madaxweyne Cirro Go’aan Adag Ka Qaatay?Wasiir Abdala Sandheere

16/08/2026

Afayeenka Waan ku Taageersan Nahay Mawqafka uu ka istaagay ariinka Cumar sayd

16/08/2026

“Madaxweyne, waxaad ku fashilantay masuuliyaddii aad shacabka ugu dhaaratay; hooyo dayacantay oo meydkeeda la helay ayaa tusaale cad u ah fashilka xukuumaddaada.” Hoggaamiyaha Xisbiga KAAH, Cabdikariin Maxamed

16/08/2026

Xasan cali khayre oo ka hadlay dhibaatada dhaqaale ee aomalia so food saartay

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland Mudane Cabdiraxman Xasan Nuur ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay...
16/08/2026

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland Mudane Cabdiraxman Xasan Nuur ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafti heer sare ah oo ka socday Hay’adda World Vision International, gaar ahaan Somali Response Innovation Lab (SomRep), oo ay hoggaamiso World Vision International, isla markaana ay ku bahoobeen hay’ado caalami ah iyo kuwo maxalli ah

Waftiga waxaa hoggaaminayey Mekailah Stephens, Maareeyaha Hal-abuurka Gobolka ahna Hoggaamiyaha Somali Response Innovation Lab, iyo Liban Mohamed, Maareeyaha Somali Response Innovation Lab ee Somaliland.

Ugu horrayn La-taliyaha Mashaariicda ee Wasaaradda, Mudane Zakariye Raage, ayaa waftiga ka siiyey warbixin ku saabsan waajibaadka Wasaaradda, qorshayaasheeda iyo dadaallada lagu horumarinayo ganacsiga, gaar ahaan ganacsiyada yaryar, kuwa dhexe iyo iskaashatooyinka.

Dhankooda, waftiga World Vision International ayaa soo bandhigay shaqada iyo ujeeddooyinka Somali Response Innovation Lab, gaar ahaan hal-abuurka, xalalka cusub iyo taageerada mashaariicda ganacsiga.

Kulanka ayaa lagaga wada hadlay fursadaha iskaashi iyo xoojinta wada-shaqaynta labada dhinac, waxaana la magacaabay Guddi Dabagal iyo Isku-xidh ah oo dardargelin doona iskaashiga iyo fulinta qodobadii kulanka.

Kulanku wuxuu kusoo dhammaaday is-afgarad ku saabsan xoojinta hal-abuurka iyo horumarinta ganacsiga, gaar ahaan taageerada ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe iyo hal-abuurayaasha Somaliland. #𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗟𝗮𝗻𝗱

15/08/2026

Kalmada Sheekh Xuseen Cali Jabouti share gare khayr

15/08/2026

Madaxwayne Xasan Sheekh Oo Uu Duur Xulay Laftagareen Amaana kula dul Dhacay Qor Qoor

15/08/2026

Muda dhaw Somalia Way Ka Maarmi Doonta Dhaqaale Dunida Laga Siiyo Badalkeeda Somalia Bixin Doonta
Madaxwayne Hasan Sheekh

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐚𝐟𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐞𝐧𝐦𝐚𝐫𝐤..............................................
13/08/2026

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐚𝐟𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐞𝐧𝐦𝐚𝐫𝐤...............................................................................
𝐇𝐚𝐫𝐠𝐞𝐲𝐬𝐚, 𝟏𝟑 𝐀𝐮𝐠𝐮𝐬𝐭 𝟐𝟎𝟐𝟔 {𝐖𝐌&𝐇𝐃𝐡} –
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL 𝐌𝐝. 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐥𝐚𝐚𝐡𝐢 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Safiirka Dowladda Denmark u qaabilsan Somaliland 𝐌𝐝. 𝐒𝐭𝐞𝐞𝐧 𝐒𝐨𝐧𝐧𝐞.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xidhiidhka iyo wada-shaqaynta horumarineed ee ka dhaxaysa Somaliland iyo Denmark, gaar ahaan taageerada Denmark ay siiso Somaliland dhinacyada horumarinta, maamul-daadejinta, dimuqraadiyadda iyo xoojinta hay’addaha dawladda.

Intii uu kulanku socday, waxa si gaar ah looga wada hadlay taageerada Dowladda Denmark ee Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF), horumarinta dawladaha hoose iyo maamul-daadejinta, iyo mashaariicda muhiimka ah ee lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.

Wasiirka Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa uga mahadnaqay Dowladda Denmark taageerada joogtada ah ee ay Somaliland siiso, isaga oo si gaar ah u xusay mashaariicda laga fulinayo Sanduuqa Horumarinta Somaliland, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhismaha iyo horumarinta waddooyinka, horumarinta Dekedda Maydh iyo seerayaasha. Waxa uu tilmaamay in mashaariicdaasi ay door muhiim ah ka qaadanayaan kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Sidoo kale, Wasiirku waxa uu kulanka uga faa’iidaystay inuu sagootiyo Madaxii-hore ee Danida Somaliland 𝐌𝐫. 𝐌𝐚𝐭𝐡𝐢𝐚𝐬 , isaga oo uga mahadnaqay muddadii uu xilka hayay iyo doorkii uu ka qaatay xoojinta iskaashiga horumarineed ee Somaliland iyo Denmark. Waxa kale oo uu soo dhaweeyay masuulka cusub ee la wareegaya hoggaanka Hay’adda Danida Somaliland 𝐌𝐬𝐬. 𝐂𝐚𝐦𝐢𝐥𝐥𝐚, isaga oo u rajeeyay inuu si guul leh u guto waajibaadkiisa cusub.

Wasiir Cabdilaahi Xasan Aadan ayaa carabka ku adkeeyey sida ay Dowladda Somaliland uga go’an tahay in mashaariicda horumarineed loo fuliyo si hufan, waafaqsan qorshayaasha iyo ujeeddooyinka loo asteeyay mashruuc kasta, isla markaana lagu gaadho natiijooyin la taaban karo oo bulshada Somaliland si toos ah uga faa’iidaysato.

Waxa uu xusay in Somaliland ay diyaar u tahay inay qaaddo dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah xoojinta hufnaanta, isla-xisaabtanka, tayada iyo saamaynta mashaariicda horumarineed, si loo hubiyo in khayraadka iyo taageerada horumarineed loo adeegsado si wax-ku-ool ah oo waara. Dhinaciisa, Safiirka Dowladda Denmark Md. Steen Sonne, ayaa uga mahadnaqay Wasiirka Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha iyo Dowladda Somaliland sida ay uga go’an tahay horumarinta dalka iyo xoojinta wada-shaqaynta labada dhinac.

Safiirku waxa uu sidoo kale bogaadiyay horumarka iyo guulaha la taaban karo ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ka gaadhay dhinacyada maamulka maaliyadda iyo hirgelinta mashaariicda horumarineed, isaga oo caddeeyay sida ay Dowladda Denmark uga go’an tahay sii wadista wada-shaqaynta iyo taageerada horumarineed ee Somaliland.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad ku saabsan muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga iyo wada-shaqaynta labada dhinac, lana dardargeliyo mashaariicda horumarineed ee ka socda Somaliland, si loo xaqiijiyo natiijooyin waara oo wax-ku-ool ah, isla markaana bulshada Somaliland si toos ah uga faa’iidaysato.

=𝑾𝒂𝒃𝒊𝒍𝒍𝒂𝒂𝒉𝒊 𝑻𝒂𝒘𝒇𝒊𝒊𝒒=

Address

Hargysa
Hargeisa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when CM24 TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category