14/07/2025
Guddida Dacwadaha Cashuuraha ee Jamhuuriyada Somaliland, iyaga oo ku gudda jira hawlaha shaqo ee ay masuulka uga yihiin Qaranka jsl, waxay Safar shaqo ugu baxeen Degmada Boorama ee Magaalo madaxda Gobalka Awdal July 12, 2025, Guddidu waxay kulamo is barasho iyo iswaraysi ah la yeelatay Maamuleyasha Cashuuraha Barriga ee Gobalka Awdal, waxa kale oo ay Guddida Dacwadaha Cashuuraha jsl booqdeen Kastamada Gobalka Awdal.
Kulamada ay Guddida Dacwadaha Cashuuraha jsl la yeelatay madaxda Cashuuraha Barriga awdal waxa qoto dheer lagu lafa guray sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta ka dhaxaysa Waaxha Cashuuraha Barriga iyo Guddida Dacwadaha Cashuuraha, korna loogu qaadi lahaa wacyi galinta cashuur-bixiyeyaasha iyo Cashuur qaadeyaasha, si loo hirgaliyo Nidaamka Maamul Wanaaga Maaliyadeed ee Qaranka jsl. Guddida Dacwadaha Cashuuraha jsl waxay uga mahad celinayaan Madaxda Cashuuraha Barriga Awdal sida ay fahansan yihiin shaqada Guddida iyo Hirgalinta wada shaqaynta Guddida oo ay balan qaadeen.