02/05/2026
Golayaashii aynu sharci dajinta u samaysannay haddii ay iyagu sharci jabin ka shaqaynayaan yaa sharciga Ilaalinaya?
Odayaashii se aynu u guurtida ka dhigannay haddii ay gurrac u shaqaynayaan oo dantooda uun eeganayaan bulshadii maxaa u dan? Xisbiyadii ay ahayd in ay xukuumadda la xisaabtamaan oo ay xeerarka dalka ku ilaaliyaan, dhaliisheedana toosiyaan haddii ay xukuumadda lafteedii ka ag dhawaadeen oo aanay dhawaaqa bulshada kor u qaadi karin yaa xukuumadda la xisaabtamaya oo qaladaadkeeda sheegaya? Xukuumadda lafteedii kooxo ka mid ahi haddiiba ay sharcigii waddanka u yaallay kolba dhankii u wanaagsan ka eegayaan maxaa bulshada u naf ah?
Mudane madaxwayne waxaad ballan qaadday oo aad caddaysay in aanay doorasho dib u dhici doonin haddii aad kursiga timaaddo. Timid oo Ilaahay kugu guuleeye ka dhabee ballantii aad bulshada u qaadday oo sidaad shalay u aaminsanayd “korodhsiimo kasta oo timaadda xukuumadda ayaa ka masuul ah” masuuliyadda dib u dhacan aduu qaado, ama xalkeeda keen oo yaanay doorashadu dib u dhicin!
Madaxwayne bulshadu way baraarugtay oo golayaal marmarsiiyo gacan ku rimis ah raadinaya, iyo kuwa dontooda eeganaya oo abaal tirsanaya toona uma dulqaadan karaan ee doorashada xiligii farsamo ee komishinku codsaday yaanay dhaafin oo haloo tixgaliyo.
Madaxwayne waad ogtahay oo waddankeenna waxyaabaha ragaadiyey waxaa kow ka ah doorashooyinka dib u dhaca ee doorashaba doorasho kale dib u riixdo, xog ogaalna waad u tahay oo muddo badan ayaad xukumaysay mid ka mid ah golayaashan, mucaaridna waad u ahayd oo hagardaamada iyo niyad jabka ay bulshadu ka qaadday doorasho dib u dhacda iyo muddo kardhin marmarsiiyo lagu keenay waad garanaysaa oo waad ogsoontahay.
Ugu dambayn mudane madaxwayne waxaad haysataa fursad fiican oo aad mustaqbalkaaga siysaasadeed iyo mustaqbalka waddankeennaba ku badbaadin karto, sidii aad ballan qaadyo h**eba uga rumaysay tanna uga rumee, oo yaanay doorashadu dib u dhicin, qaybna haka noqon oo ha aqbalin muddo kordhinta intaa leeg ee dhaawacaysa hannaanka geeddi socodka doorashooyinka dalka.
Madaxwayne waxaan rajaynayaa inay taariikhda kuu gasho madaxwaynihii ugu horreeyey ee muddo kordhin bilaa sabab ah diiday, ee doorashada xilligeedii ku qabtay! Haddii se ay dhacdo oo ay hirgasho muddo kordhintaa shirqoolka laguugu maleegayaa waxay kugu noqon doontaa dhaawac siyaasadeed oo aanad hadda iyo hadhaw toona ka soo waaqsan doonin.