Ciidanka Dab-demiska Somaliland

Ciidanka Dab-demiska Somaliland This is the official page of Somaliland Fire Brigade. Bogga rasmiga ah ee ciidanka dab-demiska Somaliland.

Somaliland National fire brigade was established 2014 , and mainly its consist of young Crew and most highly skilled emergency response agency. Also Somaliland Fire Brigade is ready to work to save Lives, Property and Humanitarian service. The main goal is to provide fire protection, emergency medical care, and other critical public safety services to residents and Citizens. We are the Somali’s la

rgest fire and rescue service, committed to ensuring the safety and wellbeing of the people of Republic of Somaliland. �

03/08/2026

Saraakiil sar sare oo katirsan Ciidanka Dab-demiska Somaliland ayaa Kormeer shaqo ku tagay Xerada Ciidanka Dab-demiska ee Gobolka Sanaag.

Socdaalkan ayaa ahaa mid loogu kuur galayey habsami usocodka shaqo iyo xaaladda ciidanka.

Taliyaha Ciidanka Dab-demiska ee gobolka Sanaag ayaa halkaasi warbixin guud ku siiyey Hoggaanada Waaxaha Maaliyadda, Tababarka ciidanka iyo Farsamada, Tababarada iyo Wacyi-gellinta bulshada.

Hoggaamada ayaa guud ahaan ciidanka gobolkaasi kula dardaarmay horumarinta shaqada iyo xoojinta u adeegista bulshada.

Socdaalkan oo qaatay maalmo ayaa kusoo dhammaaday guul iyo guubaabo ciidan oo ay Ciidamada dabdemiska ee gobolka Sanaag boggaadiyeen.

Kormeerkan ayaa ah mid guud ahaan Gobolada iyo Degmooyinka dalka ay saraakiishu ku mari doonaan.

Cabdicasiis A. Cunaaye
Warbaahinta Ciidanka Dab-demiska JSL
990 Emergency Call

03/08/2026

Ciidanka Dab-demiska ayaa soo saaray Hal ku dhacday Bullaacad ku taala xaafadda Qoob dameeraad ee Degmada Gacan Libaax.

Ciidanka ayaa Hashan oo dhibaataysan ka soo samatabixiyey iyada oo Nool kadib markii ay Bullaacad dheer la duntay.

Ciidanka Dab-demiska iyo Samatabixinta JSL waxa ay farayaan dadka iska leh Geela ku dayacan hareeraha caasimadda in ay ka feejignaadaan Bullaacadaha iyo suuliyada duuga ah lana socdaa dhaq dhaqaaqa geellooda.

Cabdicasiis A. Cunaaye
Warbaahinta Ciidanka Dab-demiska JSL
990 Emergency Call

02/08/2026

Ciidanka Dab-demiska Somaliland ayaa Samatabixin u sameeyey Hooyo 70 Sanno jir ah Qol ku xidhmay.

Qoysaska jaar ayaa ciidanka ku soo war-geliyey in Hooyadan oo Da’ ah isla markaana la nool xannuunka Macaanka ay guriga ku dhex suuxday.

Hawl-galkan ayey ciidanku ka fuliyeen Xaafadda New Hargeysa ee Degmada Axmed Macalin Haaruun.

Ma jirin cid guriga kula noolayd hooyadan waxaanay sheegeen dadka jaarku in ay warwar baddan ku abuurtay markii ay albaabka furi wayday.

Ciidanka Dab-demiska ayaa ugu dambayn hooyadan oo caafimaad qabta ka soo saaray gurigaasi.

Ciidanku waxa ay bulshada ku wacyi-gellinayaan in aan Hooyooyinka Da’da ah loo ogolaan in ay kaligood guryaha ku noolaadaan si looga war hayo xaaladdooda caafimaad.

Cabdicasiis A. Cunaaye
Warbaahinta Ciidanka Dab-demiska JSL
990 Emergency Call

 : Dab xooggan oo Xalay ka kacay dhismeyaasha Kaalinta Shiidaalka ee Somaliland Fuel Station.Ciidanka Dab-demiska iyo Sa...
02/08/2026

: Dab xooggan oo Xalay ka kacay dhismeyaasha Kaalinta Shiidaalka ee Somaliland Fuel Station.

Ciidanka Dab-demiska iyo Samatabixinta JSL ayaa xalay damiyey dab weyn oo qabsaday Qolal ku yaala kaalinta Somaliland oo ku taala badhtamaha suuqa hargeysa una dhaxeeysa Dawladda Hoose Hargeysa iyo Suuqa Tiyaatarka.

Ciidanka oo adeegsanaya khibradooda daminta dabka iyo gaadiidka casriga ah ee loogu talo galay Kaalmaha iyo hawl-galada waa weyn ayaa ku guuleystay in aanu dabkaasi soo gaadhin kaalinta shiidaalka, Dawladda Hoose iyo Goobo ganacsi oo ku hareeraysnaa.

Hawl-galkan oo uu hoggaaminayey taliyaha Guud is ee Ciidamada dab-demiska Somaliland Sareeye Guuto Axmed Maxamed xasan “Sawaaxili” ayaa loo adeegsaday habka loo yaqaano (Full Turn Out) Isku imaatin wadaraysan kaasi oo ah hannaan ay guud ahaan Ciidanka Dab-demiska ee Degmooyinka Caasimadda iyo taliska guud ku wajahaayan dabkaasi.

Ciidanka ayaa si habsami leh uga hor tagay in dabkaasi uu kaalinta soo gaadho mana jirin khasaare soo gaadhay kaalintii shiidaalka.

Kaalmaha shiidaalka ayaa noqday kuwo caadaystay in habeenki ay noqdaan kuwo barxada kaydka shiidaalka dushiisa iyo Bamamka agtooda la ag dhigo gaadiid tiro baddan kuwaasi oo lagaga hoydo.

Arrintani waxa ay halis ku tahay gurmadka iyo badqabka kaalmaha shiidaalka.

Ciidanka Dab-demisku waxa ay fariin k**a dambays ah farayaan Mulkiileyaasha kaalmaha shiidaalka ee caadaystay in xilliyada habeenkii ay Kaalmahooda ka dhigaan Goob dhigaal gaadiid ah (Parking) lagaga hoydo gaadiidka in aan la aqbali doonin talaabo sharciga waafaqsana laga qaadi doono ciddii fulin wayda awaamiirta Ciidanka ee lagu xoojinayo badqabka nafaha iyo goobaha ganacsi.

Cabdicasiis A. Cunaaye
Warbaahinta Ciidanka Dab-demiska JSL
990 Emergency Call.

02/08/2026

Dab xooggan oo Xalay ka kacay dhismeyaasha Kaalinta Shiidaalka ee Somaliland Fuel Station.

Xaafadda Cakaara: Dab qabsaday guri jiingad ah.

Ciidanka Dab-demiska iyo Samatabixinta JSL ayaa maanta damiyey dab ka kacay guri jiingad ah oo ku yaala xaafadda cakaara ee degmada Axmed dhagax.

Xaafadda Cakaara oo ah goob isku raran ah Ciidanka Dab-demisku waxa ay si degdeg ah Dabkaasi uga xakameeyeen guryihii kale oo ahaa kuwo aad ugu dhaw mana jirin khasaare nafeed oo dabkaasi sababay.

Ciidanku waxa ay Bulshadda ku wacyi-gellinayaan in xilliyada ay guryaha ka sii tagayaan ay ka sii damiyaan korontada iyo guud ahaan wax kasta oo dab sababi kara.

Cabdicasiis A. Cunaaye
Warbaahinta Ciidanka Dab-demiska JSL
990 Emergency Call

Taliyaha Ciidanka Dab-demiska iyo Samatabixinta JSL Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan “Sawaaxili” ayaa maanta taliska gu...
01/08/2026

Taliyaha Ciidanka Dab-demiska iyo Samatabixinta JSL Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan “Sawaaxili” ayaa maanta taliska guud ku qaabilay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Dhulka iyo Guriyeynta Somaliland Xuseen Axmed Caydiid iyo Guddoomiyaha Hay’adda Udiyaar garowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil “Dixood”.

Ujeedka kulankan oo daarana sidii loo xoojin lahaa wadashaqaynta dhinacyada kala duwan ayaa kusoo dhammaaday jawi is af-garad.

Wasiirka iyo Guddoomiyaha ayaa taliyaha ku boggaadiyey dedaalka naf hurka leh ee ay ciidan ahaan bulshadda ugu jiraan iyo doorka muuqda ee garab istaagga shacabka.

Cabdicasiis A. Cunaaye
Warbaahinta Ciidanka Dab-demiska JSL
990 Emergency Call

Degdeg: Berbera Waxa hadda aad si rasmi ah u wici kartaa Lambarkii gurmadka degdega ahaa ee Ciidanka Dab-demiska magaala...
01/08/2026

Degdeg: Berbera Waxa hadda aad si rasmi ah u wici kartaa Lambarkii gurmadka degdega ahaa ee Ciidanka Dab-demiska magaaladda Berbera oo la hagaajiyey kadib saacaddo kooban oo ay soo wajahday cilad farsamo.

990 Shirkaddaha Telesom, Somtel iyo Soltelco
ayaa laga wici karaa haddii aad u baahato Gurmad degdeg ah.

 : Ciidanka Dab-demiska iyo samatabixinta JSL iyaga oo ka duulaya Shilalka gaadiidka iyo Badqabka Dadka isticmaala Jidka...
01/08/2026

: Ciidanka Dab-demiska iyo samatabixinta JSL iyaga oo ka duulaya Shilalka gaadiidka iyo Badqabka Dadka isticmaala Jidka hareer mara Taliska guud ee Ciidanka oo ah mid halis badan, waxa ay maanta oo ay bishu tahay 01/08/2026 ku xidheen Muraayadda badbaadada (Safety Mirror).

Muraayaddan ayaa u sahlaysa waddeyaasha isticmaalaya jidkan oo ah mid is-goys ah in ay arkaan gaadiidka kale ee kusoo jira waana muraayad loogu talo gallay goobaha qaloocan ama goolladaha si ay Darawaladu iskaga arkaan gaadiidka kale ee kusoo jira dhinaca kale.

Ciidanku waxa ay si guud ugu mahad-celinayaan maamulka Cafe Laas-geel oo ciidanka ka gacansiiyey muraayaddan badbaadada.

FG: waxa lagu war-gellinayaan Darawalada gaadiidka kala duwan ee jidkan mara in ay si taxadir leh ula socdaan kana dheegtaan muraayadan xilliyada ay goolada ama is-goyska soo galayaan.

Talaabadani waxa ay yarayn doonta ka hortagna u tahay shilalka iyo isku dhaca gaadiidka.

Cabdicasiis A. Cunaaye
Warbaahinta Ciidanka Dab-demiska JSL
990 Emergency Call

01/08/2026

Ciidanka Dab-demiska iyo samatabixinta JSL iyaga oo ka duulaya Shilalka gaadiidka iyo Badqabka Dadka isticmaala Jidka hareer mara Taliska guud ee Ciidanka oo ah mid halis badan.

waxa ay Ciidanku maanta oo ay bishu tahay 01/08/2026 ku xidheen Muraayadda badbaadada (Safety Mirror).

Cabdicasiis A. Cunaaye
Warbaahinta Ciidanka Dab-demiska JSL
990 Emergency Call

Address

Road No 1
Hargeisa

Telephone

+252636230000

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ciidanka Dab-demiska Somaliland posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Ciidanka Dab-demiska Somaliland:

Shortcuts

Share