16/03/2026
Ciidanka Socdaalka iyo Ilaalada Xuduudaha ayaa qabatay kulan Affur Wadareed ah oo ay ka soo qaybgaleen xubno ka tirsan jaaliyadaha ajaanibta ah ee ku nool kana shaqeeya Jamhuuriyadda Somaliland.
Kulankan ayaa lagu qabtay Taliska Ciidanka Socdaalka, iyadoo ujeeddadiisu ahayd in la xoojiyo iskaashiga, isfahanka, iyo wada shaqaynta ka dhexaysa Ciidanka Socdaalka iyo dadka ajaanibta ah ee ku nool dalka Jamhuuriyadda somaliland.
Kulanka waxaa ka soo qayb galay Masuuliyin ka socday Madaxda dawladda Somaliland, ganacsatada ajaanibta ah, shaqaalaha samafalka, xubnaha sarsare ee jaaliyadaha ku dhaqan somaliland iyo xirfadlayaal kala duwan. Munaasabadda ayaa sidoo kale noqotay fursad ay dadku ku kulmaan, Isku bartaan jaaliyadaha kala duwan ee dalka, isla markaana isku dhaafsadaan fikrado, sidoo kalena looga wada shaqayn laha Amniga.
Taliyaha Ciidanka Socdaalka iyo Ilaalada xuduudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye Guuto: Maxamed Xuseen Faarax Xiirane oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la xoojiyo wada shaqaynta u dhaxaysa hay’adaha dowladda iyo jaaliyadaha ajaanibta ah. Waxa uu sidoo kale tilmaamay kaalinta muhiimka ah ee ay ajaanibtu ka qaataan horumarinta ganacsiga, waxbarashada, caafimaadka iyo hawlaha bani’aadantinimo ee dalka.
Taliyuhu waxa uu ku dhiiri galiyay dadka ajaanibta ah in ay mar walba ilaaliyaan isla markaana xaq-dhawraan nidaamka, shuruucda dalka iyo xeerarka socdaalka, isla markaana ay hubiyaan in dukumeentiyadoodu sax yihiin markasta.
Kulankan Affur wadareedka ah ayaa muujinaya dhaqanka soo dhawaynta iyo wada noolaanshaha ee ay Jamhuuriyadda Somaliland la wadaagto bulshada caalamka.
Munaasabadda ayaa ku soo dhammaatay affur iyo wada sheekaysi dhex maray masuuliyiinta ciidanka socdaalka iyo martidii ka soo qaybgashay.