Wasaarada Arrimaha Gudaha JSL

Wasaarada Arrimaha Gudaha JSL Waa bogga Rasmiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga JSL. This is the official page of the Ministry of Interior of the Republic of Somaliland.

๐€๐ ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐‰๐’๐‹ ๐จ๐จ ๐’๐š๐ ๐จ๐จ๐ญ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ฆ๐š๐๐š๐ฑ๐ข๐ข ๐–๐…๐ ๐„๐ž ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐,Agaasimaha Guud ee ...
30/08/2026

๐€๐ ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐‰๐’๐‹ ๐จ๐จ ๐’๐š๐ ๐จ๐จ๐ญ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ฆ๐š๐๐š๐ฑ๐ข๐ข ๐–๐…๐ ๐„๐ž ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐,

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga JSL Mudane Maxamed Cali Maxamud (Shabeel) ayaa Kulan Sagootin Ah la yeeshay madaxii Xafiiska ๐–๐…๐ Ee Somaliland Mudane khaliid Al-Qudsi.

Agaasimaha Guud ayaa Uga mahadnaqay Khaliid- Al-Qudsi Intii Uu Xafiiska Joogay iyo Shaqooyinkii muhiimka Ah Ee Uu Ka Qabtay Somaliland, waxaanu Agaasimuhu Halkaas Ku Gudoonsiiyey Hadyad Loogu Talo Galay,

Kulanka waxa Agaasimaha ku wehelinayey Masuuliyiinka socota Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga JSL.

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐‰๐’๐‹ ๐Œ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž ๐‚๐š๐›๐๐š๐ฅ๐ฅ๐ž ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐ ๐‚๐š๐ซ๐š๐› ๐š๐ฒ๐š๐š ๐ฆ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐—๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐ข๐ข๐ฌ๐š ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š ๐๐š๐š๐ญ...
27/08/2026

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐‰๐’๐‹ ๐Œ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž ๐‚๐š๐›๐๐š๐ฅ๐ฅ๐ž ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐ ๐‚๐š๐ซ๐š๐› ๐š๐ฒ๐š๐š ๐ฆ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐—๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐ข๐ข๐ฌ๐š ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š ๐๐š๐š๐ญ๐š๐ฒ ๐ก๐š๐ฒ'๐š๐๐š ๐”๐๐ƒ๐,

Kulanka ayay ujeedadiisu ahayd la wareegid qalab Xafiis waxaana munaasibada goob Joog ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska JSL Cabdi Cabdilaahi Xasan (Cabdi dheere),

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Mudane Cabdale Maxamed Carab, ayaa si wayn ugu mahad celiyay doorka iyo taagerada hay'ada UNDP, ay markasta ka gaysato Ciidanka Booliska JSL.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Cabdi Cabdilaahi Xasan ( Cabdilaahi-Dheere) ayaa sheegay in qalabka xafiis ee maanta ay la wareegeen uu wax wayn ka tari doono shaqada xafiisyada ciidanka Booliska.

Ugu dambayn waxa qalabka la kala wareegay Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Samiira Xasan Axmed oo ah madaxa hay'ada UNDP ee Somaliland

Waxa munaasibada maanta lagula wareegaayay qalabka xafiis, goob joog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Wasaarada Arrimaha gudaha iyo Amniga iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska.

๐๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ซ ๐€๐›๐๐ข ๐€๐›๐๐ข๐ฅ๐š๐ก๐ข
๐€๐ ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐›๐š๐š๐ก๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐ข๐ข๐๐ก๐ค๐š ๐ƒ๐š๐๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐„๐ž ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐š ๐€๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐‰๐’๐‹

27/08/2026

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐‰๐’๐‹ ๐Œ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž ๐‚๐š๐›๐๐š๐ฅ๐ฅ๐ž ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐ ๐‚๐š๐ซ๐š๐› ๐š๐ฒ๐š๐š ๐ฆ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐—๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐ข๐ข๐ฌ๐š ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š ๐๐š๐š๐ญ๐š๐ฒ ๐ก๐š๐ฒ'๐š๐๐š ๐”๐๐ƒ๐,

๐–๐€๐‘-๐’๐€๐—๐€๐€๐…๐€๐ƒ๐„๐„๐ƒFadhigii 73-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir-guddoominayey Madaxweyna...
26/08/2026

๐–๐€๐‘-๐’๐€๐—๐€๐€๐…๐€๐ƒ๐„๐„๐ƒ

Fadhigii 73-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada JSL.

Golaha Wasiirrada JSL waxa ay Fadhigii 73-aad ku lafa-gureen xaaladaha Amni, Ganacsiga iyo Waxbarashada dalka, iyada oo warbixinno muhiim ah laga dhegaystay Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Ganacsiga iyo Dalxiiska, iyo Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska.

๐—๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐€๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š:

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Mudane Cabdalle Maxamed Carab, ayaa Golaha la wadaagay xaaladda guud ee amniga dalka, isaga oo sheegay in guud ahaan dalka ay ka jirto xasillooni iyo amni sugan.

Wasiirku waxa uu sheegay in shaqaaqooyinkii dhawaan ka dhacay deegaanno ka mid ah Gobollada Awdal iyo Selel ay haatan soo afjarmayaan, isla markaana deegaannadaasi ay ka jirto nabad iyo xasillooni. Sidoo kale, Wasiirku waxa uu faahfaahiyey dedaallada ay Xukuumaddu hormuudka ka tahay ee lagu xoojinayo nabadda, wada-noolaanshaha, dib-u-heshiisiinta iyo is-afgaradka bulshada ku dhaqan deegaannadaasi.

Wasiirku waxa uu si adag u adkeeyey in deegaannadii ay shaqaaqooyinku ka dhaceen aan gebi ahaanba loo oggolayn qof shacab ah ama koox ah oo aan ka tirsanayn Hayโ€™adaha Amniga in ay sidato hub, nooc kasta oo uu yahayba.

Waxa kale oo uu xusay in Ciidamada Amnigu amar ku qabaan in ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan cid kasta oo arrintaas ku xad-gudubta, isla markaana ay hubka kala wareegaan.

Wasiiru-dawlaha Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Amniga JSL,  Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed ( Magaalo) Waxa uu  dhambaa...
26/08/2026

Wasiiru-dawlaha Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Amniga JSL, Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed ( Magaalo) Waxa uu dhambaal TACSI ah u dirayaa Qoyska, Qaraabada, Ehelka, Waayeelka, Uu ka Baxay marxuum Axmed Xasan Dhunkaal (Dinad) Oo Ku Geeryooday Magaalada Hargeysa Marxuumka Ayaa H**e Usoo noqday Xildhibaanadii Ugu H**eeyay Ee Somaliland iyo Masuul Qaranka Usoo Shaqeyeey Waxana Uu Marxuumka ilaahay uga baryayaa inuu janooyinkiisa ku casuumo. Qoyska iyo qarabadana samir iyo iimaan Saadiqa Ha ka siiyo.

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ฎ-๐๐š๐ฐ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐‰๐’๐‹, ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฅ๐š ๐ฒ๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐š๐ฒ ๐ฆ๐š๐๐š๐ฑ-๐๐ก๐š๐ช๐š๐ฆ๐ž๐ž๐๐ค๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐†๐š๐›๐ข๐ฅ๐ž๐ฒ. Wasiir...
22/08/2026

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ฎ-๐๐š๐ฐ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐‰๐’๐‹, ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฅ๐š ๐ฒ๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐š๐ฒ ๐ฆ๐š๐๐š๐ฑ-๐๐ก๐š๐ช๐š๐ฆ๐ž๐ž๐๐ค๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐†๐š๐›๐ข๐ฅ๐ž๐ฒ.

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Cabdirashiid Maxamed Axmed (Magaalo), oo ku sugan Gobolka Gabiley, ayaa kulan ballaadhan la qaatay madax-dhaqameedka Gobolkaasi.

Kulanka waxaa Wasiiru-dawlaha ku wehelinayay masuuliyiinta Maamulka Gobolka Gabiley iyo ka Degmada.

waxaana diiradda lagu saaray xoojinta nabadgelyada, ilaalinta xasilloonida iyo wada-shaqaynta dawladda iyo madax-dhaqameedka.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu gorfeeyay sidii loo sii adkayn lahaa nabadda iyo wadajirka bulshada, loogana hortagi lahaa wax kasta oo khalkhal gelin kara amniga iyo xasilloonida Gobolka Gabiley.

๐๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ซ ๐€๐›๐๐ข ๐€๐›๐๐ข๐ฅ๐š๐ก๐ข
๐€๐ ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐›๐š๐š๐ก๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐ข๐ข๐๐ก๐ค๐š ๐ƒ๐š๐๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐„๐ž ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐š ๐€๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐‰๐’๐‹.

๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐ข๐ข ๐€๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐†๐š๐›๐ข๐ฅ๐ž๐ฒ,  ๐จ๐จ ๐ฆ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐ช๐š๐›๐ญ๐š๐ฒ ๐ฑ๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐†๐š๐›๐ข๐ฅ๐ž๐ฒ.Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudah...
22/08/2026

๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐ข๐ข ๐€๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐†๐š๐›๐ข๐ฅ๐ž๐ฒ, ๐จ๐จ ๐ฆ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐ช๐š๐›๐ญ๐š๐ฒ ๐ฑ๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐†๐š๐›๐ข๐ฅ๐ž๐ฒ.

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga JSL, Cabdirashiid Maxamed Axmed (Magaalo), ayaa shir-guddoomiyay kulan looga hadlayay xaaladda amniga Gobolka Gabiley.

Shirka ayaa lagu lafa-guray xaaladda guud ee amniga gobolka, iyadoo diiradda lagu saaray sidii loo sii xoojin lahaa nabadgelyada, wada-shaqaynta laamaha amniga iyo maamulka gobolka, iyo sidii looga hortagi lahaa wax kasta oo khalkhal gelin kara xasilloonida bulshada.

Masuuliyiinta ka qaybgalay shirka ayaa sidoo kale ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga u dhexeeya maamulka, laamaha amniga iyo shacabka, si loo ilaaliyo nabadgelyada iyo kala dambaynta Gobolka Gabiley.

Wasiiru-dawlaha ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si joogto ah loo qiimeeyo xaaladda amniga, lana qaado tallaabooyin wax-ku-ool ah oo lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida gobolka.

๐๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ซ ๐€๐›๐๐ข ๐€๐›๐๐ข๐ฅ๐š๐ก๐ข
๐€๐ ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐›๐š๐š๐ก๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐ข๐ข๐๐ก๐ค๐š ๐ƒ๐š๐๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐„๐ž ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐š ๐€๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐‰๐’๐‹.

20/08/2026

" Ka Xukuumad ahaan Suldaan Maxamed Suldaan Saleebaan Diyaar baan u nahay in aan la shaqayno " Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga JSL Cabdale Maxamed Carab

20/08/2026

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐‰๐’๐‹ ๐Œ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž ๐‚๐š๐›๐๐š๐ฅ๐ฅ๐ž ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐ ๐‚๐š๐ซ๐š๐› ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐ž๐Ÿ๐ญ๐ข ๐ฎ๐ฎ ๐‡๐จ๐ ๐š๐š๐ฆ๐ข๐ง๐š๐š๐ฒ๐จ ๐š๐ฒ๐š๐š ๐’๐š๐š๐ค๐š ๐ƒ๐ž๐ ๐ฆ๐š๐๐š ๐ƒ๐ข๐ฅ๐š ๐ค๐š๐ ๐š ๐๐š๐ฒ๐› ๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐‚๐š๐ฅ๐ž๐ž๐ฆ๐จ-๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ค๐š ๐’๐ฎ๐ฅ๐๐š๐š๐ง ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐ ๐’๐ฎ๐ฅ๐๐š๐š๐ง ๐’๐š๐ฅ๐ž๐ž๐›๐š๐š๐ง ๐‚๐š๐ฅ๐ข,

๐’๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐ฐ๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐จ๐จ ๐ช๐š๐›๐ญ๐š๐ฒ ๐ญ๐š๐›๐š๐›๐š๐ซ ๐ค๐ฎ ๐ฌ๐š๐š๐›๐ฌ๐š๐ง ๐Œ๐š๐š๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐‡๐จ๐ ๐š๐š๐ฆ๐ข๐ง๐ญ๐š.Shaqaale waynah...
19/08/2026

๐’๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐ฐ๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐จ๐จ ๐ช๐š๐›๐ญ๐š๐ฒ ๐ญ๐š๐›๐š๐›๐š๐ซ ๐ค๐ฎ ๐ฌ๐š๐š๐›๐ฌ๐š๐ง ๐Œ๐š๐š๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐‡๐จ๐ ๐š๐š๐ฆ๐ข๐ง๐ญ๐š.

Shaqaale waynaha Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Amniga JSL, ayaa maanta loo qabtay tababar ku saabsan Maamulka iyo Hogaaminta.

Aqoon korodhsigan maanta loo qabtay shaqaalaha wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Amniga, ayaa ah mid lagu tababaraayo hanaanka toosan ee maamulka iyo Hogaaminta.

Dr. Adam oo ah khabiirka bixinaayay tababarka, ayaa shaqaalaha wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Amniga, ku dardaaray casharada iyo aqoonta ay ku qaataan Tababarka in ay ku dabaqaan shaqada, si loo helo Maamul iyo Hogaamin Toosan.

Qaar ka mid ah shaqaalaha wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Amniga, ayaa iyaguna dhinacooda balan qaaday in ay shaqadooda ku dabaqi doonaan aqoonta sare iyo tababarka ay qaateen.

๐๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ซ ๐€๐›๐๐ข ๐€๐›๐๐ข๐ฅ๐š๐ก๐ข
๐€๐ ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐›๐š๐š๐ก๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐ข๐ข๐๐ก๐ค๐š ๐ƒ๐š๐๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐„๐ž ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐š ๐€๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐‰๐’๐‹.

Address

Sha'ab , Area Hargeisa
Hargeisa
00252

Opening Hours

Monday 07:00 - 14:00
Tuesday 07:00 - 14:00
Wednesday 07:00 - 14:00
Thursday 07:00 - 14:00
Saturday 07:00 - 14:00
Sunday 07:00 - 14:00

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wasaarada Arrimaha Gudaha JSL posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Wasaarada Arrimaha Gudaha JSL:

Shortcuts

Share