Wasaaradda Biyaha JSL

Wasaaradda Biyaha JSL Official page Somaliland, Ministry of Water Resources Development

Wasiirka Wasaaradda Biyaha JSL oo Gaadhay Deegaanka Xamaas ee Gobolka Sanaag.Wasiirka Wasaaradda Horumarinta  Biyaha JSL...
02/09/2026

Wasiirka Wasaaradda Biyaha JSL oo Gaadhay Deegaanka Xamaas ee Gobolka Sanaag.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha JSL Mudane Maxamed Cabdimaalik Axmed oo safar shaqo ku jooga Gobolka Sanaag, ayaa gaadhay Deegaanka Xamaas, halkaas oo si diirran oo heer sare ah loogu soo dhaweeyay.

Wasiirka ayaa intii uu ku sugnaa deegaanka Xamaas soo xidhay shir nabadayn ah oo muddo uga socday beesha Cabdi-Xaamud kaas oo diiradda lagu saarayay xoojinta nabadda, wada-jirka iyo is-afgaradka bulshada.

Wasiirka ayaa bogaadiyey dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo wada noolaanshaha, isaga oo ku dhiirrigeliyey bulshada inay sii adkeeyaan midnimada, nabadgelyada iyo wada-shaqaynta.

Wasiirka Wasaaradda Biyaha JSL oo Kulan La Qaatay Madaxda Gobolka iyo Degmada CeerigaaboWasiirka Wasaaradda Horumarinta ...
02/09/2026

Wasiirka Wasaaradda Biyaha JSL oo Kulan La Qaatay Madaxda Gobolka iyo Degmada Ceerigaabo

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha JSL Mudane Maxamed Cabdimaalik Axmed oo safar shaqo iyo u kuurgelidda xaaladda biyaha u jooga magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag ayaa kulan muhiim ah la qaatay madaxda heer gobol iyo heer degmo ee Gobolka Sanaag.

๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐จ๐จ ๐ƒ๐š๐š๐ก-๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐“๐š๐›๐จ๐›๐š๐ซ ๐‹๐š๐ ๐ฎ ๐ƒ๐š๐ซ๐๐š๐ซ๐ ๐ž๐ฅ๐ข๐ง๐š๐ฒ๐จ ๐‡๐ข๐ซ๐ ๐ž๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐๐š๐ซ๐ง๐š๐š๐ฆ๐ข๐ฃ๐ค๐š ๐ˆ๐ฌ-๐ฐ๐š๐๐š ๐„๐ž ๐Œ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐—๐จ๐ ๐ญ๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข...
31/08/2026

๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐จ๐จ ๐ƒ๐š๐š๐ก-๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐“๐š๐›๐จ๐›๐š๐ซ ๐‹๐š๐ ๐ฎ ๐ƒ๐š๐ซ๐๐š๐ซ๐ ๐ž๐ฅ๐ข๐ง๐š๐ฒ๐จ ๐‡๐ข๐ซ๐ ๐ž๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐๐š๐ซ๐ง๐š๐š๐ฆ๐ข๐ฃ๐ค๐š ๐ˆ๐ฌ-๐ฐ๐š๐๐š ๐„๐ž ๐Œ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐—๐จ๐ ๐ญ๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š {๐’๐‹๐ˆ๐…๐Œ๐ˆ๐’} ๐๐šar kamida Wakaaladaha Biyaha Dalka
โ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆ
๐‡๐š๐ซ๐ ๐ž๐ข๐ฌ๐š 31 ๐€๐ฎ๐ ๐ฎ๐ฌ๐ญ, 2026 {๐–๐Œ&๐‡๐ƒ๐ก}-
Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL, ayaa maantadaah-furtay tabobar socon doona muddo saddex maalmood ah, kaas oo qayb ka ah diyaar-garowga iyo dardargelinta hirgelinta Hanaanka Is-wada Ee Maaraynta Xogta Maaliyadda Dawladda Somaliland ee loo soo gaabiyo SLI๐…๐Œ๐ˆ๐’ gaar ahaan qaybaha Dawladdaha-hoose iyo Hayโ€™addaha macaashka sameeya ee Dawladda.

Tabobarka waxa furay Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL ๐Œ๐. ๐ˆ๐ฌ๐ฆ๐š๐š๐œ๐ข๐ข๐ฅ ๐Œ๐š๐ฐ๐ฅ๐ข๐ข๐ ๐‚๐š๐›๐๐ข๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐ก๐ข
, oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dawladaha-hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka JSL ๐Œ๐. ๐‚๐š๐ฅ๐ข ๐‚๐ข๐ ๐ž ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ฎ๐ฎ๐ iyo Agaasimaha Wakaaladaha Iyo Biyo balaadhinta Ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha Jsl.

Tabobarkan oo maanta bilaabmay ayaa loo qabtay wakiillo iyo kooxo farsamo oo ka kala socda 10 hayโ€™addood, kuwaas oo loo diyaarinayo hirgelinta nidaamyada LG IFMIS iyo PE IFMIS.

Tabobarka ayaa socon doona muddo saddex maalmood ah, iyada oo muddadaas diiradda lagu saari doono kor-u-qaadista aqoonta, fahamka habraacyada shaqo iyo diyaarinta hayโ€™addaha ka hor inta aan si rasmi ah loo guda gelin wejiga hirgelinta nidaamka.

Ka qaybgalayaasha ayaa la siinayaa tabobar ku saabsan habraacyada maaliyadeed, maaraynta iyo isku-xidhka xogta, iyo adeegsiga hanaanka is-wada {Somaliland Financial Management Information System} ๐’๐‹๐…๐Œ๐ˆ๐’, si loo xaqiijiyo in kooxaha farsamo ay yeeshaan aqoonta iyo awoodda looga baahan yahay hirgelinta nidaamka.

Qaybta LG IFMIS waxa lagu diyaarinayaa Afar Degmo oo kala ah Lughaya, ๐‚๐ž๐ž๐ฅ-๐€๐Ÿ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง, ๐†๐š๐ซ-๐€๐๐š๐  ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐ฃ๐š๐š๐ฅ๐ž, halka qaybta PE IFMIS ay ku wajahantahay Wakaaladaha Biyaha Degmooyinka; ๐–๐š๐ฃ๐š๐š๐ฅ๐ž , ๐’๐š๐ฒ๐ฅ๐š๐œ, ๐‹๐š๐ฐ๐ฒ๐จ-๐œ๐š๐๐จ, ๐๐จ๐จ๐ง, ๐—๐š๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐š๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐‚๐ž๐ž๐ซ๐ข-๐ ๐š๐š๐›๐จ.

Ugu danbayn, Nidaamkan ayaa muhiim u ah kor-u-qaadista hufnaanta maaliyadeed, isla-xisaabtanka, isku-xidhnaanta xogta, tayada warbixinnada maaliyadeed iyo habsami-u-socodka hawlaha maaliyadeed ee hayโ€™addaha dawladda iyo kuwa bixiya adeegyada dadweynaha.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Biyaha JSL oo Casho Sharaf Ku Maamuusay Safiir Idiris Aadan RaageWasiir Ku-xigeenka Wasaar...
30/08/2026

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Biyaha JSL oo Casho Sharaf Ku Maamuusay Safiir Idiris Aadan Raage

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Biyaha JSL, Mukhtaar Xaaji ayaa caawa casho sharaf ku maamuusay Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Yemen, Ambassador Idiris Aadan Raage, oo dhawaan dalka dib ugu soo laabtay kaddib markii uu muddo ku xidhnaa dalka Yemen.

Munaasabadda casho sharafta ah waxaa ka qaybgalay qaar badan oo ka mid ah Wasiirrada Xukuumadda Somaliland, Agaasimayaal Guud, Maareeyayaal, Xildhibaano iyo marti-sharaf kale, kuwaas oo dhammaantood soo dhaweeyey safiirka iyo sida uu ugu soo noqday dalkiisa isagoo nabad qaba.

Intii ay munaasabadu socotay ayaa lagu bogaadiyey Ambassador Idiris Aadan Raage doorkiisii iyo adkaysigii uu muujiyey intii uu ku jiray xidhnaanshaha Yemen, iyadoo sidoo kale loo muujiyey taageero iyo garab istaag.

Munaasabaddan ayaa noqotay mid lagu muujinayo midnimada iyo taageerada loo hayo masuuliyiinta Somaliland ee gudanaya waajibaadkooda qarannimo, iyadoo si gaar ah loogu hambalyeeyey Safiir Idiris Aadan Raage soo laabashadiisa nabadgelyo.

Wasiirka Biyaha JSL oo Qaabilay Hayโ€™adda HDFWasiirka Wasaaradda Horumarinta  Biyaha JSL Mudane Maxamed Cabdimaalik Axmed...
30/08/2026

Wasiirka Biyaha JSL oo Qaabilay Hayโ€™adda HDF

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha JSL Mudane Maxamed Cabdimaalik Axmed ayaa saaka xafiiskiisa ku qaabilay Hayโ€™adda Human Development Fund (HDF), oo uu hoggaaminayay CEO-ga Guud ee HDF, Mudane Cabdiraxmaan Kaariye, iyo Country Director-ka Hayโ€™adda.

Kulanka ayaa lagaga wada hadlay xoojinta wadashaqaynta iyo iskaashiga udhaxayndoona Wasaaradda iyo Hayโ€™adda HDF, iyadoo sidoo kale diiradda lagu saaray caqabadaha iyo baahiyaha dhinaca biyaha ee dalka iyo sidii si wadajir ah wax looga qaban lahaa.

Digniin ku Saabsan Roobabka El NiรฑoWasaaradda Horumarinta  Biyaha JSL waxay Dirqysaa  digniin iyo tilmaamo la xidhiidha ...
27/08/2026

Digniin ku Saabsan Roobabka El Niรฑo

Wasaaradda Horumarinta Biyaha JSL waxay Dirqysaa digniin iyo tilmaamo la xidhiidha roobabka El Niรฑo, iyadoo masuuliyiinta Gobollada, Degmooyinka, Wakaaladaha Biyaha iyo Maamulayaasha Ilaha Biyaha ku boorrinaysa inay si wanaagsan ugu diyaar garoobaan roobabka.

Waxaa la faray in la kormeero lana diyaariyo dhaammanka, berkedaha, balliyada, ceelasha iyo kaabayaasha biyaha, si looga faaโ€™iidaysto biyaha roobka, loogana hortago khataraha iyo khasaaraha ka dhalan kara roobabka xooggan.

Roobku waa fursad marka si wanaagsan looga sii diyaar garoobo.

Wasiirka Biyaha oo Gaadhay Degmada Facawayn ee Gebo-gebo ee Gobolka TogdheerWasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha JSL M...
23/08/2026

Wasiirka Biyaha oo Gaadhay Degmada Facawayn ee Gebo-gebo ee Gobolka Togdheer

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha JSL Mudane Maxamed Cabdimaalik Axmed oo uu safarka ku wehelinayay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta ayaa gaadhay Degmada Facawayn ee Gebo-gebo ee Gobolka Togdheer halkaas oo bulshada ku dhaqan degmada ay si heer sare ah ugu soo dhaweeyeen Wasiirka iyo waftigiisa.

Kaddib soo dhawaynta Wasiirku waxa uu kulan ballaadhan la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada isaga oo ka xog-waraystay xaaladda iyo baahida biyaha ee degmada.

Wasiirku waxa uu bulshada uga mahadceliyay soo dhawaynta diirran ee ay u sameeyeen isaga iyo waftigiisa.

Intaa kaddib wasiirku waxa uu mid-mid u dul istaagay ceelasha gaagaaban ee ay degmadu ku tiirsan tahay isaga oo sidoo kale kormeeray ceel gaaban oo ay Wasaaraddu waddo kaas oo loogu talagalay in lagu daro nidaamka biyaha ee degmada.

Wasiirka ayaa bulshada u ballanqaaday in Wasaaradda Horumarinta Biyuhu sida ugu dhakhsaha badan uga jawaabi doonto baahida biyaha ee deegaanka isla markaana la sii xoojin doono dadaallada lagu xaqiijinayo helitaanka biyo ku filan oo joogto ah oo ay bulshada iyo xooluhuba ka faaโ€™iidaystaan.

Wasiirka Biyaha oo Gaadhay Magaalada Ceel-dheereWasiirka Wasaaradda Horumarinta  Biyaha JSL Mudane Maxamed Cabdimaalik A...
23/08/2026

Wasiirka Biyaha oo Gaadhay Magaalada Ceel-dheere

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha JSL Mudane Maxamed Cabdimaalik Axmed oo uu wehelinayo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waefaafinta ayaa gaadhay Magaalada Ceel-dheere ee Gobolka Togdheer isagoo qayb ka ah safarka shaqo ee uu ku marayo gobolka kaas oo diiradda lagu saarayo u kuurgalka xaaladda biyaha iyo baahiyaha bulshada.

Wasiirka iyo waftigiisa ayaa magaalada si diirran loogu soo dhaweeyay kaddibna Wasiirku waxa uu kulan la qaatay bulshada deegaanka isagoo ka waraystay xaaladda biyaha iyo caqabadaha ay kala kulmaan helitaanka biyo ku filan.

Wasiir Maxamed Cabdimaalik Axmed ayaa bulshada u sheegay in daraasad iyo sahamin lagu samayn doono Magaalada Ceel-dheere si loo ogaado khayraadka biyaha ee deegaanka loona helo xal waara oo bulshada iyo xooluhuba kaga maarmaan baahida biyaha.

Wasiirku waxa uu ballanqaaday in Wasaaraddu dadaalkeeda sii xoojin doonto si bulshada deegaanka loo gaadhsiiyo biyo ku filan oo joogto ah loogana jawaabo baahiyaha aasaasiga ah ee deegaanka.

Kormeerka Wakaaladda Biyaha BurcoWasiirka Wasaaradda Horumarinta  Biyaha JSL Mudane Maxamed Cabdimaalik Axmed oo ay wehe...
23/08/2026

Kormeerka Wakaaladda Biyaha Burco

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha JSL Mudane Maxamed Cabdimaalik Axmed oo ay weheliyaan Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Guddoomiyaha Gobolka Togdheer iyo wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa kormeer iyo u kuurgal ku sameeyay Wakaaladda Biyaha Burco kaddib safar shaqo oo maalmihii u dambeeyay ay ku marayeen Gobolka Togdheer kaas oo diiradda lagu saarayay xaaladda biyaha iyo adeegyada bulshada.

Wasiirka iyo waftigiisu waxay kormeer buuxa ku sameeyeen guud ahaan xafiisyada iyo xarumaha Wakaaladda Biyaha Burco iyagoo kulan la qaatay maamulka iyo shaqaalaha wakaaladda.

Kulankaasi ayaa lagaga dhagaystay warbixinno la xidhiidha hawlaha wakaaladda, xaaladda adeegyada biyaha, caqabadaha jira iyo qorshayaasha lagu horumarinayo adeegga biyaha ee magaalada Burco.

Wasiir Maxamed Cabdimaalik Axmed ayaa maamulka iyo shaqaalaha uga mahadceliyay dadaalka, hawlkarnimada iyo naf-hurnimada ay ugu adeegayaan qaranka iyo bulshada reer Burco, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada shaqaynta iyo tayaynta adeegyada biyaha.

Kormeerkan ayaa qayb ka ah safarka shaqo ee Wasiirka iyo waftigiisa kaas oo lagu qiimaynayo xaaladda biyaha, laguna raadinayo xalal waara oo wax looga qabanayo baahiyaha iyo caqabadaha ka jira Gobolka Togdheer.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta  Biyaha JSL Mudane Maxamed Cabdimaalik Axmed oo uu wehelinayo Guddoomiyaha Gobolka Togdh...
22/08/2026

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha JSL Mudane Maxamed Cabdimaalik Axmed oo uu wehelinayo Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Mudane Maxamuud Cali Ramaax ,Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta iyo wafti ballaadhan oo safar shaqo ku marayay Gobolka Togdheer ayaa gaadhay Deegaanka Hadhwayn.

Wasiirka ayaa kulan la qaatay bulshada deegaanka isagoo ka dhegaystay baahiyaha iyo duruufaha Biyaha ee ay wajahaan.

Wasiirku waxa uu bulshada u ballanqaaday in Wasaaraddu sida ugu dhakhsaha badan uga hawlgeli doonto sidii deegaanka looga qodi lahaa ceel-biyood, si bulshada Hadhwayn looga dulqaado biyo-laโ€™aanta loona xaqiijiyo helitaanka biyo ku filan oo waara.

Kulankan ayaa qayb ka ahaa socdaalka shaqo ee Wasiirka iyo waftigiisu ku marayaan deegaannada Gobolka Togdheer, kaas oo diiradda lagu saarayo u kuurgalka xaaladda biyaha iyo wax ka qabashada baahiyaha biyo-doonka ah ee bulshada.

Address

Pepsi Area
Hargeisa
3235657687

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wasaaradda Biyaha JSL posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Wasaaradda Biyaha JSL:

Shortcuts

Share