Shucayb Osman Mahamoud

Shucayb Osman Mahamoud Bogga Rasmiga Ah ee Agaasimaha Guud Wasaarada Tamarta Iyo Macdanta Jsl Dr Shucayb Osman Mahamoud

22/07/2026

Mid ka mid ah xarumaha caafimaadka ee koronto-gelinta loo sameeyey.

20/07/2026

Shirkii 4aad ee Guddida Heer Qaran ee Arrimaha Ilaalinta Deegaanka ayaanu ku qabanay maanta Hallka Wasaaradda Tamarta Iyo Macdanta JSL , iyadoo ay guddoomisey Wasaaradda Isbeddelka Cimilada iyo Ilaalinta Deegaanka JSL

19/07/2026

Waxaanu maanta guddoominay aniga iyo wasiirka wasaarada Tamarta iyo macdanta JSL shirkii laba-toddobaadlaha ahaa ee Kooxda Fulinta Mashruuca Soo Kabashada Aagga Korontadda Somaliland (SESRP), kaas oo ka qabsoomay xarunta Wasaaradda.

Waxaa maanta xarunta Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland ka qabsoomay kulan muhiim ah oo u dhexeeya...
16/07/2026

Waxaa maanta xarunta Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland ka qabsoomay kulan muhiim ah oo u dhexeeyay aniga iyo Wasiirka Wasaaradda, iyo madaxda Wasaaradda, iyo Hay'adda NIS Foundation oo uu hoggaaminayay Ku-xigeenka Country Director-ka iyo xubno kale oo ka socday hay'adda.

Kulanka ayaa lagu lafaguray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac iyo hirgelinta barnaamijyo lagu horumarinayo waaxaha tamarta iyo macdanta.

Qodobada ugu muhiimsan ee laga wada hadlay waxaa ka mid ahaa:

✅ Horumarinta iyo qaabaynta Macdan-qodayaasha Yaryar (Artisanal and Small-scale Mining – ASM).

✅ Dhiirrigelinta iyo ballaarinta isticmaalka tamarta la cusboonaysiin karo.

✅ Xoojinta amniga iyo badbaadada goobaha macdanta laga qodo.

✅ Ilaalinta deegaanka iyo hirgelinta habab waara oo macdan-qodis ah.

✅ Horumarinta maamulka iyo ilaalinta ilaha biyaha ee goobaha macdanta.

✅ Hagaajinta kaabeyaasha, gaar ahaan waddooyinka isku xira goobaha macdanta laga helo.

Labada dhinac waxay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay iskaashi joogto ah oo lagu horumarinayo ka faa'iidaysiga khayraadka dabiiciga ah si waara, kor loogu qaadayo maalgashiga, ilaalinta deegaanka, iyo horumarinta bulshada.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad lagu sii xoojinayo wada-shaqaynta iyo diyaarinta qorshe hawleed wadajir ah oo lagu hirgelinayo qodobadii laga wada hadlay.

Waxan xafiiska ku qaabilay Abwaan Axmed Saleebaan Bidde oo ka mid ah abwaaniinta Soomaaliyeed ee caanka ku noqday hal-ab...
16/07/2026

Waxan xafiiska ku qaabilay Abwaan Axmed Saleebaan Bidde oo ka mid ah abwaaniinta Soomaaliyeed ee caanka ku noqday hal-abuurka iyo curinta suugaanta kala duwan,

Abwaan axmed waxa uu sheegay in uu ku faraxsanyahay in dalkeena la ictiraafay lagana helay khayraad kala duwan,waxa uu sidoo kale soo jeediyey talooyin la xidhiidha sidii loo yarayn lahaa khilaafaadka macdanta iyo sidii looga faa'idaysan lahaa khayraadkeena dihin.

Waan uga mahadnaqayaa abwaanka talooyinka iyo Wacyigelinta uu na soo gaadhsiiyey.

16/07/2026

Booqashada weftigii ka socday Bangiga Adduunku ay ku tageen xarunta Shirkadda Korontada ee Awdal (AEC).

Waxaan maanta furey tababar farsamo oo ku saabsan Earthing iyo Lightning Protection System, kaas oo lagu xoojinayo aqoon...
16/07/2026

Waxaan maanta furey tababar farsamo oo ku saabsan Earthing iyo Lightning Protection System, kaas oo lagu xoojinayo aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha wasaarada tamarta iyo macdanta ee dhinaca badbaadada iyo ilaalinta nidaamyada korontada.

Waxaan maanta furey shir dib-u-eegis ah oo lagu qiimeynayey waxqabadkii lixdii bilood ee ugu horreeyey sannadka 2026 (Ja...
14/07/2026

Waxaan maanta furey shir dib-u-eegis ah oo lagu qiimeynayey waxqabadkii lixdii bilood ee ugu horreeyey sannadka 2026 (Janaayo–Juun). Shirka ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee Wasaaradda.

Intii uu shirku socday, madax qaybeedyada Wasaaradda ayaa soo bandhigay qorshayaashii loo dejiyey muddadaas, waxyaabihii u qabsoomay, kuwii aan u qabsoomin, iyo sababaha keenay in aan la fulin.

Sidoo kale, madax qaybeedyadu waxay soo jeediyeen talooyin iyo xalka ku aaddan caqabadaha jira, si loo dardargeliyo fulinta qorshayaasha lixda bilood ee soo socda, loona sii xoojiyo hufnaanta, isla xisaabtanka iyo tayada adeegyada ay Wasaaraddu u hayso bulshada.

Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta waxa ka go'an inay sii waddo horumarinta waxqabadkeeda, kor u qaadidda isla xisaabtanka, iyo hirgelinta qorshayaasheeda si waafaqsan himilooyinka horumarineed ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaan maanta guddoomiyay shirkii laba-toddobaadlaha ahaa ee Kooxda Fulinta Mashruuca Soo Kabashada Aagga Korontada Soma...
11/07/2026

Waxaan maanta guddoomiyay shirkii laba-toddobaadlaha ahaa ee Kooxda Fulinta Mashruuca Soo Kabashada Aagga Korontada Somaliland (SESRP), kaas oo ka qabsoomay xarunta Wasaaradda.

Ujeeddada shirka ayaa ahayd dardargelinta iyo xaqiijinta hirgelinta Mashruuca Soo Kabashada Aagga Korontada Somaliland (SESRP), kaas oo hadda ku jira marxaladda hirgelinta (Implementation Phase).

Intii uu kulanku socday, xubnahu waxay soo bandhigeen shaqooyinka qabsoomay, horumarka la sameeyey iyo caqabadaha jira ee u baahan in si wadajir ah looga gudbo, si loo dardargeliyo fulinta mashruuca.

Gabagabadii shirka, waxaan faray kooxda fulinaysa Mashruuca inay laba-jibbaaraan dadaalkooda, xoojiyaanna dabagalka iyo kormeerka qandaraaslayaasha gacanta ku haya hirgelinta mashruuca, gaar ahaan koronto-gelinta xarumaha caafimaadka iyo waxbarashada ee gobollada dalka, iyo sidoo kale koronto-ballaadhinta magaalooyinka Berbera iyo Boorama.

Marka uu dhamaado Mashruucani wuxuu door muhiim ah ka qaadan doonaa sidii bulshada Somaliland u heli lahayd koronto jaban, la isku hallayn karo, kana timaadda ilo tamareed oo nadiif ah, taas oo gacan ka gaysan doonta horumarka bulshada iyo koboca dhaqaale ee dalka.

27/06/2026

Waraysi aan siiyey BBC Somali oo aan kaga hadlay sababaha iyo ujeeddada ay Wasaaraddu u joojisay hawlihii qodista macdanta ee ka socday deegaanka Seemaal.

Address

Hargeisa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Shucayb Osman Mahamoud posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share