Prof Ismaaciil Ducaale Cadhoome

Prof Ismaaciil Ducaale Cadhoome Bogga Rasmiga Ah ee Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Barbaarinta Iyo Sayniska Jsl Prof Ismaaciil Ducaale Yuusuf (Cadhoome)

27/08/2026

"Ha raadinnina oo keliya shaqo ee raadiya fursado aad dalkiinna iyo naftiinna wax ugu qabataan"

KHUDBADDAYDA QALIN-JABINTA DUFCADDA 23-AAD EE JAAMACADDA HARGEYSASharaf iyo farxad weyn ayay ii tahay inaan maanta idinl...
27/08/2026

KHUDBADDAYDA QALIN-JABINTA DUFCADDA 23-AAD EE JAAMACADDA HARGEYSA

Sharaf iyo farxad weyn ayay ii tahay inaan maanta idinla joogo munaasabaddan qiimaha badan ee qalin-jabinta Dufcadda 23-aad ee Jaamacadda Hargeysa.

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan ardayda maanta qalin-jabinaysa. Maanta ma aha oo keliya maalin aad shahaado qaadanaysaan, balse waa maalin lagu aqoonsanayo sannado badan oo aad geliseen dadaal, dulqaad, adkaysi, waxbarasho, imtixaano iyo cilmi-baadhis.

Waxaan si gaar ah hambalyo ugu dirayaa waalidiintiinna, qoysaskiinna, macallimiintiinna iyo maamulka Jaamacadda Hargeysa, kuwaas oo door weyn ka qaatay guushiinna.

Qalin-jabintu ma aha dhammaadka waxbarashada, balse waa bilowga masuuliyad cusub.

Waxaan idinku boorinayaa in shahaadadiinnu aanay idin noqon warqad aad ku kaydsataan oo keliya, balse ay noqoto aqoon aad bulshada iyo qarankiinna ugu adeegtaan.

Aqoontu waxay idiin furi kartaa albaab, laakiin waxaa idinka goโ€™an inaad fursaddaas ka faaโ€™iidaysataan. Waxaan idinku dhiirrigelinayaa inaad sii waddaan waxbarashada, aad la jaanqaaddaan isbeddellada dunida, aad xirfaddiinna kobcisaan, isla markaana aad noqotaan dad daacad ah oo dalkooda wax ku biiriya.

Haddii aad noqotaan macallimiin, si daacad ah wax u bara jiilka idinka dambeeya. Haddii aad noqotaan dhakhaatiir, si naxariis leh bulshada ugu adeega. Haddii aad noqotaan injineerro, aqoontiinna ugu adeegta horumarka dalka. Haddii aad noqotaan qareenno, caddaaladda ha ka teginina. Haddii aad noqotaan shaqaale dowladeed, mar walba xusuusta in xilku yahay amaan.

Waxaan sidoo kale idinku dardaarmayaa inaad noqotaan dhalinyaro fursado abuura, halkii aad shaqo oo keliya sugi lahaydeen. Hal-abuurkiinna, aqoontiinna iyo kartidiinna ku biiriya horumarka Somaliland.

H**e u socda idinkoo kalsooni leh.
H**e u socda idinkoo hadaf leh.
H**e u socda idinkoo daacadnimo leh.
H**e u socda idinkoo og in dalkiinnu idiin baahan yahay.

Anigoo ah Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL, waxaan ku faraxsanahay inaan maanta idinla wadaago farxaddan. Waxaan idiin rajaynayaa mustaqbal ifaya, guul iyo horumar.

Hambalyo dhammaantiin, hambalyo waalidiinta, hambalyo Jaamacadda Hargeysa, hambalyo Dufcadda 23-aad.

Mustaqbalkiinna dhista, dalkiinnana u adeegta.

Wassalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.

27/08/2026

Waxaan Ka Qaybgalay Xafladda Qalin-jabinta Dufcadda 23-aad ee Jaamacadda Hargeysa, oo ay ka soo Qaybgaleen Masuuliyiin Sare oo ka Tirsan Xukuumadda Somaliland.

๐๐š๐ญ๐ข๐ข๐ฃ๐š๐๐š ๐ˆ๐ฆ๐ญ๐ข๐ฑ๐š๐š๐ง๐ง๐š๐๐š ๐’๐ก๐š๐ก๐š๐š๐๐ข๐ ๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”-๐ค๐šWaxaan Golaha Wasiirrada uga xog-warramay soo saarista natiijada Imtixaan...
26/08/2026

๐๐š๐ญ๐ข๐ข๐ฃ๐š๐๐š ๐ˆ๐ฆ๐ญ๐ข๐ฑ๐š๐š๐ง๐ง๐š๐๐š ๐’๐ก๐š๐ก๐š๐š๐๐ข๐ ๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”-๐ค๐š

Waxaan Golaha Wasiirrada uga xog-warramay soo saarista natiijada Imtixaannada Shahaadiga ah ee Dugsiyada Dhexe iyo Dugsiyada Sare ee sannadka 2026-ka, kuwaas oo si rasmi ah loo shaaciyey 25/08/2026.

Waxaan Golaha la wadaagay hab-socodkii imtixaannada, sixitaanka, hubinta iyo soo-saarista natiijooyinka, anigoo xusay dadaallada ay sameeyeen Xafiiska Imtixaannada Qaranka iyo Wasaaradda Waxbarashadu, si loo xaqiijiyo in natiijooyinku ku dhisnaadaan hufnaan, caddaalad iyo eex-laโ€™aan.

Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan masuuliyiintii iyo hawlwadeennadii ka qayb qaatay hirgelinta iyo soo saarista natiijooyinkan.

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡

๐๐ซ๐จ๐Ÿ. ๐ˆ๐ฌ๐ฆ๐š๐ข๐ฅ ๐ƒ๐ฎ๐š๐ฅ๐ž๐ก ๐˜๐ฎ๐ฌ๐ฌ๐ฎ๐Ÿ
๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐–๐š๐ฑ๐›๐š๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š, ๐๐š๐ซ๐›๐š๐š๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐š๐ฒ๐ง๐ข๐ฌ๐ค๐š

25/08/2026

โ€œAad ayaan uga xumahay in Farxadda Ardayda Lacag Lagu Xidho, Tallaabo Ayaa Laga Qaadi Doonaa Cid Kasta oo Arrintan Ku Lug Lehโ€

Waraysi aan maanta siiyay Telefishanka Qaranka, oo uu qaaday Wariye Abdirahmaan Biritish ayaan kaga hadlay arrintan, anigoo caddeeyay inaanan raalli ka ahayn in farxadda ardayda lagu xidho lacag.

25/08/2026

Waxbarashada Caynaba, Saraar

Caynaba, Saraar waxaan booqday Dugsiyo h**e ardaydu wax ugu baran jireen geed hoostii. Maanta, Ilaahay mahaddii, Wasaaradda Waxbarashadu waxay dugsiyadaas ku kordhisay fasallo cusub, taas oo ardayda u abuurtay jawi waxbarasho oo wanaagsan.

24/08/2026

Waxaan maanta xadhigga ka jaray dugsi cusub oo Wasaaradda Waxbarashadu ka hirgelisay magaalada God Heeli ee Gobolka Sanaag.

Dugsigan oo wax weyn ka tari doona baahida waxbarasho ee deegaanka, waxa uu ka mid yahay dadaallada lagu horumarinayo adeegyada waxbarashada. Waxaan bulshada iyo waalidiinta God Heeli ugu baaqayaa inay ilaashadaan dugsiga, kana qayb qaataan taageerada iyo dhiirrigelinta waxbarashada ubadkooda.

Gobollada Bariga Somaliland: Waxaan Xadhigga Ka Jaray Dugsi Cusub Oo God Heeli Laga HirgeliyeyWaxaan maanta safar shaqo ...
24/08/2026

Gobollada Bariga Somaliland: Waxaan Xadhigga Ka Jaray Dugsi Cusub Oo God Heeli Laga Hirgeliyey

Waxaan maanta safar shaqo ku jooga gobollada bariga Somaliland, waxaana xadhigga ka jaray dugsi cusub oo ay Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska JSL ka hirgelisay magaalada God Heeli, oo ka tirsan Degmada Gar Adag.

Dugsigan ayaa ka mid ahaa ballanqaadyadii Madaxweynaha JSL, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, waxaana uu wax weyn ka tari doonaa baahida waxbarasho ee deegaanka, oo muddo dheer baahi weyn u qabay adeeg waxbarasho.

Waxaan ku faraxsanahay hirgelinta dugsigan, waxaanan bulshada God Heeli ugu baaqayaa inay ilaashadaan, waalidiintuna ay door muuqda ka qaataan waxbarashada iyo dhiirrigelinta ubadkooda.

Oodweyne: Waxaan hoggaaminayey wafti ballaadhan oo aan ku tagnay deegaanno ka tirsan Oodweyne, halkaas oo aan xadhigga k...
23/08/2026

Oodweyne: Waxaan hoggaaminayey wafti ballaadhan oo aan ku tagnay deegaanno ka tirsan Oodweyne, halkaas oo aan xadhigga kaga jaray toddoba dugsi oo laga hirgeliyey deegaannadaas.

Dugsiyada aan xadhigga ka jaray waxaa ka mid ah Dabagunbuur, Bali Yuusuf, Bali Cigaal, Kalabaydh, Gawaama, Bali Xaaji Diiriye iyo Boodhley Primary Schools.

Intii aanu safarka ku jirnay, si diirran ayaa naloo soo dhaweeyey. Waxaana waftiga ila socday Kooxda PIU-da ee Waxbarashada Aasaasiga ah, Agaasimaha Dugsiyada Hoose/Dhexe, Agaasimaha Waaxda Cududda Shaqaalaha, iyo masuuliyiin heer gobol iyo heer degmo ah, oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Wasaaradda Waxbarashada ee Gobolka.

Hirgelinta dugsiyadani waxay qayb ka tahay dadaallada Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska JSL ee lagu ballaadhinayo adeegyada waxbarashada, gaar ahaan deegaannada miyiga.

Insha Allaah, waxaan rajaynayaa in mashaariicdan waxbarasho ay gaadhaan dhammaan gobollada dalka, si carruurta iyo bulshada ku nool deegaannada kala duwan ay u helaan fursado waxbarasho oo tayo leh.

Address

Hargeisa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Prof Ismaaciil Ducaale Cadhoome posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category