23/08/2026
Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada Ciyaaraha Md yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase) oo uu weheliyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Md,Cabdilahi Maxamed Maxamuud (jiidhe) ayaa Galabta garoonka Mo Farah Stadium ee magaaladda Gabiley kaga qeyb-galay Kulanka Super Cup-ka m, kaas oo ay wada ciyaarayeen Labadda Kooxood ee Dawladda Hoose Wajaale iyo Goodir Gabiley.
Kulankan oo ahaa Final kaas oo ay ka soo qeyb-galeen Taageerayaal baddan, waxaana labadda Kooxood ay soo ban-dhigeen ciyaar aad u qurux badnayd taas oo wakhtigii ciyaarta ay ku kala baxeen 1:0, oo ay guushu ku Raacday Kooxda Goodir Gabiley.
Kulankan ayaa iyaguna waxaa ka soo qeyb-galay Badhasaabka Gobolka Gabiley, Maayarka Degmadda Gabiley, Guddoomiyaha Degmadda Wajaale, Guddoomiyaha XKCSL iyo Masuuliyiin kale.
โWADA-JIR iyo WAX-QABADโ