12/05/2026
SHIRKA WADATASHIGA IYO ANSIXINTA SIYAASADDA QARAN EE GURIYEYNTA OO MAANTA MUQDIAHO LAGU SOO XERAY.
MUQDIAHO | -12 - MAY - 2026 - Shirka Wadatashiga iyo ansixinta Siyaasadda Qaran Ee Guriyeynta, ayaa maanta lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Muqdisho, shirka oo labadii maalmood ee la soo dhaafay socday ayaa waxaa maanta si rasmi ah u soo xeray Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane Salah Axmed Jaamac.
Shirkaan ayaa mudadii uu socday lagu falanqeeyay, loguna dooday Siyaasadda Qaran ee Guriyeynta dalka, waxaana ka qaybgalay Wasaaradaha Hawlaha Guud, Dib u Dhiska & Guriyeynta ee Dowladda Federaalka iyo Wasaaradaha la midka ah ee Dowlad Goboleedyada dalka.
Mudane Mohamud Hassan Barise, Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Hirshabeelle, ayaa u mahadceliyay Wasaaradda Hawlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo dhammaan cid kasta oo gacan ka geysatay qabsoomidda shirka ansixinta Siyaasadda Qaran ee Guriyeynta Dalka.
Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud ee XFS, Mudane Ayub Ismail Yusuf , oo gabagabadii shirka ka hadlay, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka goโan tahay hirgelinta iyo miro-dhalinta Siyaasadda Qaran ee Guriyeynta dalka.
Ugu dambayn, Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo soo xiray shirka, ayaa u jeediyay mahadcelin guud dhammaan ka qaybgalayaasha, isagoo si gaar ah u bogaadiyay Wasaaradda Hawlaha Guud ee XFS dadaalka iyo waqtiga ay gelisay diyaarinta Siyaasadda Qaran ee Guriyeynta dalka.
-๐๐๐๐๐๐๐๐-
__________________________________________
Xafiiska Warfaafฤฑnta & Xiriirka Warbaahinta, Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle.
E-mail: [email protected]
https://www.facebook.com/share/1Xc4QJGDCF/