Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare ee Hirshabelle

  • Home
  • Somalia
  • Jowhar
  • Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare ee Hirshabelle

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare ee Hirshabelle Kusoo dhowow bogga rasmiga ah ee Wasaarada Waxbarashada Dowladda Hirshabelle.

Jowhar 28th Jun, 2026Tacsi Tiiraanyo Lehإِنَّا لِلَّٰهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَWasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo...
28/06/2026

Jowhar 28th Jun, 2026

Tacsi Tiiraanyo Leh

إِنَّا لِلَّٰهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Hirshabelle, mundane Saciid Hagar Camalow, wasiir dowlaha iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda , Agaasimah Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Hirshabelle mudane Nuur Xasan Sheekh Muuse iyo dhammaan shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada, iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Hirshabeelle, waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa ehelkii, qaraabadii, asxaabtii, bahda waxbarashada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Sheikh Mohamed Yusuf Hassan, oo ahaa Agaasimihii Taya Dhowrka Waxbarashada Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Wasaaradda Waxbarashada Hirshabelle.

Waxaan ka murugoonaynaa geerida naxdinta leh ee ku timid marxuumka, oo ahaa masuul daacad ah, karti badan, isla markaana door muuqda ka qaatay horumarinta iyo tayeynta waxbarashada Gobolka Shabeellaha Dhexe. ( Regional Quality Assurance for Middle Shabelle Region)

Waxaan Alle SWT uga baryeynaa inuu marxuumka ku mannaysto naxariistiisa, dembiyadiisana dhaafo, qabrigiisana u waasiciyo, kana waraabiyo Jannatul Firdowsa. Sidoo kale waxaan samir iyo iimaan Allaha naga siiyo leenahay dhammaan ehelka, qoyska, asxaabta iyo bahda waxbarashada ee uu ka geeriyooday.

Shiikha wuxuu ahaa mid fidiya Diinta Islaamka, Alle ha naxariisto anagane gadaashiis Alle nama fidneeyo.

Dhamaad

25/06/2026

Daawo Muuqaalka guud ee Dabaaldegga ardada Caasimadda Hirshabelle, Jowhar.

25/06/2026

Jowhar 25th June, 2026

Daawo kalmadda Duqa Caasimadda Hirshabelle, Jowhar mudane Cismaan Maxamed Mukhtar ( Baareey) uu ka jeediyay munaasabadda dabaaldegga ardada uu imtixaanka fasalka 12aad ee Dugsiyada Sare usoo idlaaday.

Dhammaad

25/06/2026

Jowhar 25th June, 2026

Daawo kalmadda Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowlad goboleedka Hirshabelle mudane Nur Hassan Sheikh Muse ee uu ka jeediyay munaasabadda dabaaldegga ardada uu imtixaanka fasalka 12aad ee Dugsiyada Sare ee Hirshabelle usoo idlaaday.

Jowhar 25th June, 2026Hambalyo! Hambalyo! Hambalyo!Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Dowlad Goboleedka Hirshabe...
25/06/2026

Jowhar 25th June, 2026

Hambalyo! Hambalyo! Hambalyo!

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Dowlad Goboleedka Hirshabelle waxay hambalyo u direysaa dhammaan ardada Fasalka 12aad ee Dugsiyada sare gaar ahaan kuwa Degmooyinka Hirshabelle oo maanta usoo idlaaday imtixaankii shahaadiga ahaa ee sannad dugsiyeedka 2025/2026.

Mas'uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada uu ugu horeeyo Agaasimaha guud ee wasaaradda Mudane Nur Hassan Sheikh Muse iyo Mas'uuliyiin ay kamid yihiin Agaasimaha Guud Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hirshabelle iyo Gudoomiyaha Degmada Jowhar Mudane Cismaan Maxamed Muqtaar Baareey, Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Jowhar, iyo Mas'uuliyiin kale ayaa farxadda kala qeyb galay ardada maanta usoo idlaaday imtixaanka Shahaadiga.

Dhamaad.

Jowhar, 20-June-2026: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa saakay fur...
20/06/2026

Jowhar, 20-June-2026:

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa saakay furay imtixaanka shahaadiga ee fasalka 12-aad ee dugsiyada Sare Dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Sannad dugsiyeedkan 2025/2026 waxaa imtixaanka u fariisatay 4,134 oo 1,596 ay yihiin gabdho.

Imtixaanka ayaa lagu galayaa 17-xarumood oo ku kala yaalo degmooyinka Hirshabeelle ee kala ah:-

1. Jowhar
2. ⁠Beledweyne
3. Matabaan
4. Bulo-burde
5. Jalalaqsi
6. Balcad
7. Warsheekh

Munaasabadda daahfurka waxaa qeyb ka ahaa wasiir Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hirshabelle, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Hirshabele, duqa magaalada Jowhar iyo mas,uuliyiin kale

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa natiijo wanaagsan u rajeeyay ardeyda Hirshabelle, isagoo qaar ka mid ardad u qeybiyay Maadada Koowaad ee Imtixaanka.

DHAMMAAD

19/06/2026

Daawo dareenka qaar ka mid ah ardayda usoo dhamaaday Imtixaanka Fasalka 8aad ee dugsiga dhexe Deegaanada Hirshabelle.

Dhamaad

18/06/2026

Daawo farxadda iyo dabaaldegga ardada usoo idlaaday imtixaanka fasalka 8aad ee dugsiga dhexe sannad dugsiyeedka 2025_2026

JOWHAR– 𝟏8/06/2026Hambalyo, dhammaan ardada  Hirshabelle Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Hirshabelle  ayaa ma...
18/06/2026

JOWHAR– 𝟏8/06/2026

Hambalyo, dhammaan ardada Hirshabelle

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Hirshabelle ayaa maanta si guul leh loo soo gabagabeysay imtixaanka fasalka 8-aad ee Dugsiga dhexe.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada mudane Nuur Xasan Sheekh Muuse, duqa Caasimadda Hirshabelle, Jowhar, mudane Cismaan Maxamed Mukhtaar, Xoghayaha Dowladda Hoose, shaqaalaha wasaaradda, kormeerayasha, macallimiinta, maamulayaasha iyo laamaha amniga, gaar ahaan booliska ayaa farxadda kala qeyb qaatay ardada iyagoo si wadajir ah ugu dabaal degay dhammaadka imtixaanka.

-𝗗𝗛𝗔𝗠𝗠𝗔𝗔𝗗-

Jowhar 17/06/2026Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Hirshabelle waxay shaacineysaa Jadwalka imtixaan...
17/06/2026

Jowhar 17/06/2026

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Hirshabelle waxay shaacineysaa Jadwalka imtixaanka shahaadiga fasalka 8aad, maalintiisa 4aad.

Guul iyo Nasiib Wacan

Dhamaad

Address

Jowhar

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare ee Hirshabelle posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share