xoghayaha dowladda Hoose ee degmada jowhar

xoghayaha dowladda Hoose ee degmada jowhar Kusoo Dhawoow Page ka rasmiga ah Ee Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Jowhar.

18/02/2026

OGEYSIIS MUHIIM AH

Maamulka Dowaldda hoose ee Degmada Jowhar

Waxaan dhammaan shacabka ku nool Jowhar la socodsiinaynaa in 3:00 , Insha Allah, la xirayo si loogu sameeyo dayactir muhiim ah.

Sidaas darteed, waxaa laga codsanayaa dhammaan shacabka reer Jowhar inay ka feejignaadaan isticmaalka buundada waqtigaas, isla markaana ay raacaan tilmaamaha ay bixinayaan maamulka iyo hay’adaha amniga inta dayactirku socdo.

Dhanka kale, Maamulka Dowladda Hoose ee Degmada Jowhar waxa uu idiin hambalyeynayaa bilashada bisha kheyrka iyo barakada badan ee Ramadan Kariim.
Allaha naga dhigo kuwii ka faa’iideysta fadligeeda, kana helo ajar iyo dembi dhaaf.

Mahadsanidiin.

Jowhar 09-02-2026 Guddoomiyaha Degmada Jowhar ahna Duqa Caasimadda, Mudane Cismaan Maxamed Muqtaar (Baarey), oo aay wehe...
09/02/2026

Jowhar 09-02-2026 Guddoomiyaha Degmada Jowhar ahna Duqa Caasimadda, Mudane Cismaan Maxamed Muqtaar (Baarey), oo aay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Degmada Mudane Jabriil xaraare Maxamed iyo Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Jowhar, Mudane Eng-Mohamed Abukar Ali , ayaa maanta kulan muhiim ah kula yeeshay xafiiska Dowladda Hoose Guddoomiyeyaasha afarta waaxood ee magaalada Jowhar.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta bilicda, nadaafadda iyo qurxinta guud ee magaalada Jowhar, gaar ahaan hagaajinta waddooyinka, ka hortagga qashin qubka sharci darrada ah, iyo ilaalinta goobaha danta guud.

Guddoomiyaha Degmada ayaa si gaar ah ugu boorriyey Guddoomiyeyaasha waaxyaha in ay dardargeliyaan shaqooyinka ka saaran waaxyahooda, si hufan u gutaan waajibaadkooda, una la shaqeeyaan bulshada si loo helo magaalo nadiif ah oo bilic leh.Sidoo kale waxa uu adkeeyey muhiimadda ay leedahay isla xisaabtanka iyo ka shaqeynta horumar waara oo ay ka wada qeyb qaataan maamulka iyo shacabka.

Guddoomiyaha Degmada Jowhar Ahna Duqa Caasimadda Oo Soo Gaba-gabeeyay Colaad Muddada Dheer Ka Jirtay Baarrow Weyne iyo M...
04/02/2026

Guddoomiyaha Degmada Jowhar Ahna Duqa Caasimadda Oo Soo Gaba-gabeeyay Colaad Muddada Dheer Ka Jirtay Baarrow Weyne iyo Mareerey

Jowhar 04-02-2026 Guddoomiyaha Degmada Jowhar ahna Duqa Caasimadda, Mudane Cismaan Maxamed Muqtaar Baarey, oo ay wehliyaan Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Jowhar, Mudane Eng-Mohamed Abukar Ali , Xildhibaannada Golaha Deegaanka, Odayaasha Dhaqanka iyo Culimaa’udiinka, ayaa maanta gaaray tuulada Baarrow Weyne.

Booqashadan ayaa lagu soo gaba-gabeeyay colaaddii muddada dheer ka dhex taagnayd tuulooyinka Mareerey iyo Baarrow Weyne. Intii uu socday kulanka nabadeynta, waxaa la isugu keenay odayaasha labada dhinac, waxaana ay si wadajir ah u qaateen nabad iyo is-afgarad buuxa, iyadoo sidoo kale la isku raacay in arrimaha weli harsan si wada-hadal iyo wadashaqeyn ah loo xallin doono.

Guddoomiyaha Degmada Jowhar ayaa ugu mahadceliyay bulshada labada tuulo, gaar ahaan odayaasha dhaqanka, culimaa’udiinka iyo dhammaan dadkii ka qeyb qaatay dadaallada nabadeynta, isagoo ku bogaadiyay doorkii ay ka qaateen adkeynta nabadda iyo xasilloonida deegaanka.

Ugu dambeyn, Guddoomiyuhu waxa uu si gaar ah ugu mahadceliyay Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, oo kaalin weyn ka qaatay dadaallada nabadeynta, iyo sidoo kale hey’ada IOM oo ka shaqeysa arrimaha nabadda iyo xasilloonida, kuwaa oo door muuqda ka lahaa hirgelinta heshiiskan.

Qorshe Dib-u-dhis Lagu Sameynayo Buundada Sabuun ee JowharJowhar 02-02-2026 Jowhar, Hirshabelle – Waxaa la qorsheynayaa ...
02/02/2026

Qorshe Dib-u-dhis Lagu Sameynayo Buundada Sabuun ee Jowhar

Jowhar 02-02-2026 Jowhar, Hirshabelle – Waxaa la qorsheynayaa in dib-u-dhis ballaaran lagu sameeyo Buundada Sabuun ee magaalada Jowhar, taas oo ah marin muhiim u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka, isla markaana door weyn ka qaadata maareynta biyaha iyo horumarinta deegaanka guud ahaan magaalada.

Goobta uu mashruucu ka hirgelayo ayaa waxaa booqday wafdi ka kooban Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Hirshabeelle, Maamulka Degmada Jowhar, iyo Hay’adda FAO, waxaana wehlinayay injineerro caalami ah oo si qoto dheer u sameeyay qiimeyn iyo cabbir farsamo oo la xiriira xaaladda buundada iyo kanaallada biyaha.

Injineerrada ayaa sheegay in marka mashruuca dib-u-dhisku billowdo la qorsheynayo:
Hagaajinta iyo casriyeynta albaabbada Buundada Sabuun
In guryaha ku yaalla kanaallada biyaha laga raro si loo furo marinnada biyaha
Dib-u-dayactir ballaaran oo lagu sameeyo kanaallada waaweyn si loo hubiyo socodka biyaha, loogana hortago fatahaado, isla markaana loo ilaaliyo badbaadada deegaanka

Intii booqashadu socotay, Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Hirshabeelle, Maamulka Degmada Jowhar, iyo Hay’adda FAO ayaa warbixino ka dhageystay dadka deegaanka, kuwaas oo soo bandhigay aragtidooda, baahiyahooda, iyo caqabadaha ay kala kulmaan kanaallada iyo buundada, gaar ahaan xilliyada roobabka.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Degmada Jowhar ahna Duqa Caasimadda Mudane Cismaan Maxamed Muqtaar Baarey ayaa si weyn u soo dhaweeyay qorshaha dib-u-dhiska Buundada Sabuun, isagoo ku tilmaamay mashruuc istiraatiiji ah oo wax weyn ka tari doona horumarinta kaabeyaasha magaalada, fududeynta isku socodka, iyo hagaajinta nidaamka maareynta biyaha. Guddoomiyuhu wuxuu uga mahadceliyay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Hirshabeelle iyo Hay’adda FAO doorka ay ka qaadanayaan mashruucan, isagoo bulshada deegaanka ugu baaqay inay la shaqeeyaan hay’adaha fulinaya si loo xaqiijiyo hirgelin guuleysata oo waarta.

DHAMAAD

Xafiiska Warfaafinta.
Dowladda Hoose ee Degmada Jowhar..

Jowhar 31-01-2026 Guddoomiyaha Degmada Jowhar ahna Duqa Caasimadda Mudane Cismaan Maxamed Muqtaar Baarey, oo uu wehliyo ...
31/01/2026

Jowhar 31-01-2026 Guddoomiyaha Degmada Jowhar ahna Duqa Caasimadda Mudane Cismaan Maxamed Muqtaar Baarey, oo uu wehliyo Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Jowhar Mudane Eng-Mohamed Abukar Ali , ayaa maanta ka qeyb-galay kulanka ansixinta Qorshaha Horumarinta Labaad (2aad) ee Dowladda Hirshabeelle.

Kulankan oo muhiim u ah jihaynta horumarka guud ee deegaannada Hirshabeelle, ayaa waxaa kasoo qeyb-galay Agaasimayaal Guud oo ka socday wasaaradaha Dowladda Hirshabeelle, Lataliyayaal sare, Xubno ka tirsan Golaha Deegaanka Degmada Jowhar, Ururrada Haweenka iyo Dhalinyarada, Ganacsatada magaalada Jowhar, wakiillo ka socday Bulshada Rayidka iyo sidoo kale Hey’adaha Caalamiga ah ee ka howlgala gobolka.

Intii uu socday kulanka, ayaa si qoto dheer looga dooday mudnaanta qorshaha horumarineed, caqabadaha jira iyo fursadaha lagu horumarin karo adeegyada bulshada, kaabeyaasha dhaqaalaha, dowlad wanaagga iyo ka qeybgalka bulshada. Waxaa sidoo kale la isla qaatay in qorshahani uu noqdo mid waafaqsan baahiyaha dhabta ah ee bulshada, isla markaana la xoojiyo wada-shaqeynta Dowladda, Bulshada iyo Hey’adaha ka taageera horumarka.

Guddoomiyaha Degmada Jowhar ahna Duqa Caasimadda Mudane Cismaan Maxamed Muqtaar Baarey ayaa bogaadiyey dadaallada lagu diyaariyey qorshahan, isagoo xusay in Maamulka Degmada Jowhar uu diyaar u yahay hirgelinta iyo la shaqeynta dhammaan dhinacyada ay quseyso, si loo xaqiijiyo horumar waara oo gaara bulshada.

Ugu dambeyn, kulanka ayaa kusoo dhammaaday ansixin rasmi ah oo loo sameeyay Qorshaha Horumarinta Labaad ee Dowladda Hirshabeelle, iyadoo la isku raacay in si wadajir ah looga shaqeeyo fulintiisa.

Jowhar 31-01-2026 Guddoomiyaha Degmada Jowhar ahna Duqa Caasimadda, Mudane Cismaan Maxamed Muqtaar Baarey, oo aay weheli...
31/01/2026

Jowhar 31-01-2026 Guddoomiyaha Degmada Jowhar ahna Duqa Caasimadda, Mudane Cismaan Maxamed Muqtaar Baarey, oo aay weheliyaan Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Jowhar Eng-Mohamed Abukar Ali iyo Xildhibaan Cabaas Xasan Maxamuud oo ka tirsan Golaha Deegaanka Degmada Jowhar ayaa maanta xafiiskiisa ku soo dhaweeyey saraakiil ka socotay Sector 5, gaar ahaan qaybta arrimaha bulshada.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xaaladaha bini’aadamnimo ee ka jira Degmada Jowhar, iyadoo si gaar ah looga hadlay duruufaha nololeed ee ay wajahaan bulshada nugul, barakacayaasha, iyo baahiyaha aasaasiga ah ee ka jira xaafadaha kala duwan ee degmada.

Guddoomiyaha Degmada Jowhar ayaa si faahfaahsan u soo bandhigay dadaallada ay Dowladda Hoose ka wado degmada, gaar ahaan kuwa la xiriira nabadeynta, nadaafadda, adeegyada aasaasiga ah, iyo xoojinta wada-shaqeynta hey’adaha ka shaqeeya arrimaha bulshada. Waxa uu sidoo kale adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo gargaar gaarsiinta bulshada u baahan, lana xoojiyo isku-duwidda hay’adaha samafalka iyo maamulka degmada.

Dhankooda, saraakiisha ka socotay Sector 5 ayaa uga mahadceliyey maamulka Degmada Jowhar soo dhaweynta diirran, iyagoo ballan-qaaday in ay sii xoojin doonaan taageerada ay siiyaan Degmada Jowhar, gaar ahaan dhinacyada gargaarka bini’aadamnimo, ilaalinta bulshada, iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Ugu dambeyn, kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad ku saabsan xoojinta wada-shaqeynta, wadaagista xogta, iyo hirgelinta qorshayaal wadajir ah oo wax ku ool u noqon doona wax ka qabashada baahiyaha bini’aadamnimo ee ka jira Degmada Jowhar.

Jowhar 29-01-2026 Maamulka Xaafadda Kulmis ayaa fuliyey olole nadaafadeed oo sare loogu qaadayo bilicda magaalada, kaas ...
29/01/2026

Jowhar 29-01-2026 Maamulka Xaafadda Kulmis ayaa fuliyey olole nadaafadeed oo sare loogu qaadayo bilicda magaalada, kaas oo laga hirgeliyey goobaha muhiimka ah ee xaafadda Kulmis, iyadoo laga duulayo amarka iyo dardaaranka ka soo baxay Duqa Magaalada Jowhar (Mayerka).

Ololahan ayaa diiradda lagu saaray nadiifinta waddooyinka, goobaha dadweynaha iyo xarumaha muhiimka ah, si loo hubiyo deegaan nadiif ah oo bilicsan.

Maamulka xaafadda iyo bulshada deegaanka ayaa si wadajir ah uga qeyb qaatay, iyagoo muujiyey masuuliyad iyo u hoggaansanaan amarrada maamulka sare ee degmada.

Jowhar 28-01-2026 Guddoomiyaha Degmada Jowhar ahna Duqa Caasimadda, Mudane Cismaan Maxamed Muqtaar Baarey, oo ay wehliya...
29/01/2026

Jowhar 28-01-2026 Guddoomiyaha Degmada Jowhar ahna Duqa Caasimadda, Mudane Cismaan Maxamed Muqtaar Baarey, oo ay wehliyaan Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Jowhar, Eng-Mohamed Abukar Ali Xildhibaannada Golaha Deegaanka, Odayaasha Dhaqanka iyo Culimaa’udiinka, ayaa maanta gaaray tuulada Mareerey.

Booqashadan ayaa la xiriirtay shaqaaqadii ka dhacday deegaanada Baarow Weyne iyo Mareereey, taas oo saameyn ku yeelatay nolosha bulshada labada tuulo.

Intii uu socday kulanka nabadeynta, waxaa la isla gartay in la bixiyo dhigga iyo hantidii ku gubatay colaadda, sidoo kalena loo gudbo soohin-bixin rasmi ah, si xal waara loogu helo khilaafka.

Ujeeddada heshiiskan ayaa ah in la xaqiijiyo nabad waarta, la xoojiyo is-dhexgalka bulshada, islamarkaana bulshada labada tuulo ay ku wada noolaadaan nabad iyo xasillooni.

Jowhar 24-01-2026 Guddoomiyaha Degmada Jowhar ahna Duqa Caasimadda, Mudane Cismaan Maxamed Muqtaar (Baarey), oo uu wehli...
24/01/2026

Jowhar 24-01-2026 Guddoomiyaha Degmada Jowhar ahna Duqa Caasimadda, Mudane Cismaan Maxamed Muqtaar (Baarey), oo uu wehliyo Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Jowhar, Mudane Eng-Mohamed Abukar Ali ayaa maanta ka qeyb galay kulan la xiriira xallinta khilaafaadka dhulka iyo calaamadeynta xuduudaha dhuleed ee u dhexeeya tuulooyinka Tugarey iyo Gaashanle.

Kulankan ayaa yimid kaddib markii gudi farsamo oo dhawaan loo xilsaaray arrintan ay bilaabeen dadaallo lagu xalinayo khilaafka ka taagnaa labada tuulo. Waxaa kulanka si rasmi ah uga qeyb galay xubnaha guddiga loo xilsaaray iyo odoyaasha dhaqanka ee labada dhinac ee tuulooyinka Tugarey iyo Gaashanle.

Intii uu socday kulanka, labada dhinac ee tuulooyinka Tugarey iyo Gaashanle ayaa walaayada dhuleed uu dhiibtay Dowladda Hoose ee Degmada Jowhar iyo gudiga farsamo ee loo xilsaaray

Howshan xallinta khilaafaadka dhulka iyo calaamadeynta xuduudaha dhuleed waxaa taageero farsamo iyo mid dhaqaale ku bixisay Hey’adda Shaqodoon, oo door muhiim ah ka qaadaneysa xoojinta nabadda, is-afgaradka bulshada iyo hirgelinta xalal waara oo ku saleysan wadatashi bulsho.

Mas’uuliyiinta Dowladda Hoose, guddiga farsamada iyo Hey’adda Shaqodoon ayaa si wadajir ah u ballanqaaday in la sii wadi doono dadaallada nabadeed si loo gaaro xal caddaalad ah oo waara, loona xaqiijiyo nabad iyo deris-wanaag ka dhex hanaqaada tuulooyinka Tugarey iyo Gaashanle.

Address

Jowhar
Jowhar

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when xoghayaha dowladda Hoose ee degmada jowhar posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share