05/01/2026
Muqdisho, 5 Janaayo 2026
Waxaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho ugu soo gabagaboobay shir wada-tashi iyo is-xog-wareysi ah oo u dhexeeyay Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta Dowladda Federaalka Soomaaliya, wasaaradaha dowlad-goboleedyada dalka, iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Shirkan oo socday saddexdii maalmood ee la soo dhaafay, waxaa ka qeyb galay
Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta
Dowladda Hirshabelle Marwo Mulki Abshoow Ibraahim, iyo sidoo kale xubno ka socday Guddiga Hoosaadka Kheyraadka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Intii uu socday shirka, waxaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta wasaaradaha iyo hayโadaha ku shaqada leh, is-dhaafsiga xogaha farsamo iyo sharciyeed, iyo isku-duwidda dadaallada la xiriira horumarinta, ilaalinta, iyo maareynta kheyraadka batroolka iyo macdanta dalka.
Masโuuliyiinta ka qeyb galay shirka ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn dhow, is-faham joogto ah, iyo isku-xirnaan hayโadeed, kuwaas oo saldhig u ah hirgelinta maamul hufan, daah-furan, isla markaana masโuuliyad leh oo kheyraadka dabiiciga ah ee dalka looga faaโiideysto.
DHAMMAAD
WAAXDA WARFAAFINTA WASAARADDA BATROOLKA