29/06/2026
๐๐๐๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐ ๐๐๐ง๐ญ๐ข-๐๐ก๐จ๐ฐ๐ซ๐ค๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐ ๐๐ ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐๐-๐๐จ๐๐จ๐ฅ๐๐๐๐ค๐ ๐๐ข๐ซ๐ฌ๐ก๐๐๐๐๐ฅ๐ฅ๐ ๐จ๐จ ๐๐๐๐ญ๐๐ฒ ๐๐ฎ๐ฅ๐๐ง๐ค๐ ๐
๐ฎ๐ซ๐ข๐ญ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐ซ๐ข๐ฌ๐ญ๐ ๐๐ข๐ฌ๐๐๐๐๐๐๐ค๐ ๐๐๐ง๐๐-๐๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐๐๐๐๐๐๐ค๐ ๐๐๐๐
Jowhar, Soomaaliya โ 29 Juun 2026 โ Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Dowlad-goboleedka Hirshabeelle ayaa Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ku qabtay kulanka furitaanka baarista xisaabaadka sannad-maaliyadeedka 2025.
Kulankan ayaa ujeeddadiisu ahayd in lagu soo bandhigo ujeeddooyinka, baaxadda, habraaca, jadwalka baarista, iyo hababka iskaashiga ee lagu fulinayo baarista, iyadoo sidoo kalena la adkeeyay muhiimadda ay leedahay in waqtigii loogu talagalay la helo xogta iyo dukumentiyada lagu taageerayo baarista. Intii uu kulanku socday waxaa sidoo kale diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta inta lagu guda jiro hannaanka baarista.
Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Hanti-dhowraha Guud ee Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, mudane Axmed Sheekh Nuur Iidle, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, mudane Cabdullaahi Saalax Mudeey, Madax waaxeeyo iyo saraakiil ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda, iyo Xafiiska Hanti-dhowrka Guud.
Baaristan ayaa lagu eegi doonaa Xisaabaadka Sannad-maaliyadeedka 2025 ee Dowladda Hirshabeelle, iyadoo lagu samayn doono dhammaan Hay'adaha Dowladda (MDAs), si waafaqsan waajibaadka Xafiiska ee hanti-dhowrka iyo xaqiijinta maareynta hufan ee hantida guud.