13/08/2026
Guddoomiyaha Kismaayo oo Shir Guddoomiyey Shirka Guddoomiyayaasha Xaafadaha
Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada, Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed, ayaa shir guddoomiyey kulan ay yeesheen Guddoomiyayaasha Xaafadaha Degmada Kismaayo.
Shirka ayaa looga hadlay sidii sare loogu qaadi lahaa nadaafadda iyo bilicda magaalada, iyadoo xoogga la saaray sidii xaafaduhu ugaalin muuqata uga qaadan lahaayeen nadaafadda iyo hagaajinta bilicda guud ee magaalada.
Sidoo kale, shirka waxaa lagu soo qaaday sidii magaalada looga qaban lahaa xoolaha nool ee dhex mushaaxaya waddooyinka iyo goobaha dadweynaha, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara nadaafadda iyo bilicda magaalada.
Dhanka kale, Duqa Magaalada ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in guryaha ku yaalla magaalada lagu xiro nalal ku filan oo lagu iftiimiyo irdaha guryaha, si kor loogu qaado bilicda magaalada loona xoojiyo amniga iyo badqabka bulshada.
Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ayaa ugu baaqay Guddoomiyayaasha Xaafadaha inay si dhow ula shaqeeyaan bulshada, isla markaana ay door muuqda ka qaataan hirgelinta qorshayaasha nadaafadda, bilicda iyo amniga magaalada.