Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Jubaland

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Jubaland Ministry of Justice and Constitutional Affairs- Jubaland State of Somalia

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Dowladda Jubaland ayaa maanta magaalada Kismaayo ku soo gabagabaysay tabab...
23/08/2026

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Dowladda Jubaland ayaa maanta magaalada Kismaayo ku soo gabagabaysay tababar ku saabsanaa Kor-u-qaadista Aqoonta Garyaqaannada ee Habraaca iyo Marxaladaha Dacwadda Ciqaabta, kaas oo uu bixiyay Xeer-ilaaliye Cabdishukri Maxamuud Maxamed (Golos).

Tababarka oo ka qabsoomay Hoolka Shirarka ee Wasaaradda ayaa si rasmi ah u soo xiray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdullaahi Cabdulqaadir Aadan (Qaanuuni).

Tababarada noocan ah ayay Wasaaraddu u qabataa in lagu xoojiyo aqoonta, xirfadaha iyo fahamka garyaqaannada ee habraacyada iyo marxaladaha kala duwan ee dacwadaha ciqaabta, si kor loogu qaado tayada adeegyada caddaaladda iyo ku-dhaqanka sharciga.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Dowladda Jubaland, Mudane Cabdullaahi Cabdulkadir Aadan...
13/08/2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Dowladda Jubaland, Mudane Cabdullaahi Cabdulkadir Aadan (Qaanuuni), ayaa maanta magaalada Kismaayo ku soo xiray tababarka Guddiga Hawleedka Iskaashiga Bahda Caddaaladda Jubaland.

Tababarkan ayaa lagu xoojinaayay aqoonta iyo awoodda Guddiga, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadan doona hirgelinta iyo daba-galka Axdiga Iskaashiga Bahda Caddaaladda.

Agaasime Qaanuuni ayaa kula dardaarmay xubnaha Guddiga in ay si hufan uga shaqeeyaan dhaqangelinta Axdiga, kaas oo muhiim u ah xoojinta iskaashiga, isku-duwidda iyo wada-shaqeynta hayโ€™adaha caddaaladda, si loo helo nidaam caddaaladeed oo hufan, isla-xisaabtan leh, kana jawaaba baahiyaha bulshada.

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Dowladda Jubaland ayaa maanta magaalada Kismaayo ka furtay Tababarka Guddi...
11/08/2026

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Dowladda Jubaland ayaa maanta magaalada Kismaayo ka furtay Tababarka Guddiga Hawleedka Iskaashiga Bahda Caddaaladda Jubaland.

Tababarka waxaa ka qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdullaahi Cabdulkadir Aadan (Qaanuuni), Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Batroolka Jubaland, ahna Ku-simaha Wasiirka, Mudane Maxamed Deeqow, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubaland, Mudane Maxamed Cismaan Jaamac (Jeemis) iyo Kusimaha Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Dowladda Jubaland, Mudane Cabdishukri Maxamuud Maxamed (Golos).

Ujeeddada tababarka ayaa ah in kor loo qaado aqoonta iyo awoodda xubnaha Guddiga Hawleedka Iskaashiga Bahda Caddaaladda, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadan doona hirgelinta iyo daba-galka Axdiga Iskaashiga Bahda Caddaaladda Jubaland.

Axdigan ayaa ah hannaan lagu xoojinayo iskaashiga, isku-duwidda iyo wada-shaqeynta hayโ€™adaha kala duwan ee bahda caddaaladda, iyadoo si cad loo qeexayo doorarka, waajibaadka iyo awoodaha hayโ€™adaha ay khusayso, si loo helo nidaam caddaaladeed oo hufan, isla-xisaabtan leh, kana jawaaba baahiyaha bulshada.

Agaasime Qaanuuni oo ka hadlay furitaanka tababarka, ayaa sheegay in Axdiga Iskaashiga Bahda Caddaaladda Jubaland uu muhiim u yahay xoojinta wada-shaqeynta iyo isku-duwidda bahda caddaaladda. Waxa uu tilmaamay in Guddiga Hawleedku uu door muhiim ah ka qaadan doono hirgelinta, daba-galka iyo xaqiijinta fulinta Axdiga.

=๐ƒ๐ก๐š๐ฆ๐ฆ๐š๐š๐=
Wixii faah-faahin ah kala xariir
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadwaynaha
Email. [email protected]
https://x.com/mojcajubaland
www.instagram.com/

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Jubaland, mudane Cabdiweli xuseen jaamac oo ay wehliyaan qaar ...
08/08/2026

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Jubaland, mudane Cabdiweli xuseen jaamac oo ay wehliyaan qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada Dowladda Jubaland iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Jubaland, ayaa maanta gaaray deegaanka Buula Xaaji.

Wafdiga ayaa waxaa si diirran u soo dhaweeyey maamulka deegaanka Buula Xaaji iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ujeeddada safarka ayaa ahayd in wafdigu u kuurgalo baahiyaha ka jira deegaanka, sidoo kalena ay indho-indheeyaan mashaariicda ay Dowladda Jubaland ka fulisay deegaanka, si loo hubiyo tayada mashaariicda, daah-furnaanta habka loo fuliyey, iyo in ay si dhab ah uga jawaabayaan baahiyaha iyo adeegyada ay bulshada deegaanka u baahan tahay.

Wasiirka ayaa mahadcelin ka dib la wadaagay bulshada qorshaha Wasaaradda Caddaaladda ee ku aaddan xoojinta adeegyada caddaaladda iyo sidii bulshada deegaanka loo soo gaarsiin lahaa adeegyo caddaaladeed oo hufan.

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Dowladda Jubaland, Mudane Cabdiweli Xuseen Jaamac, ayaa maanta de...
06/08/2026

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Dowladda Jubaland, Mudane Cabdiweli Xuseen Jaamac, ayaa maanta degmada Dhobley kaga qaybgalay aas qaran oo loo sameeyey Guddoomiyihii h**e ee Degmada Dhobley, Marxuum Xasan Cabdi Xaashi, oo shalay ku geeriyooday shil gaari xilli uu ku guda jiray safar shaqo oo uu ugu sii jeeday gudaha dalka Kenya.

Wasiirka ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelka, shacabka degmada Dhobley iyo guud ahaan Dowladda Jubaland, isagoo Alle uga baryey Marxuumka inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan ehelkii iyo asxaabtii uu ka baxay.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa xusay doorkii dowladnimo, hoggaamintii iyo adeegii hufnaa ee uu Marxuumku u soo qabtay bulshada iyo Dowladda Jubaland.

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Jubbaland iyo Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa maanta magaalada Kismaayo k...
30/07/2026

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Jubbaland iyo Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa maanta magaalada Kismaayo ku qabtay kulanka billaha ah ee bahda caddaaladda iyo amniga.

Kulankan ayaa waxaa ka soo qayb galay hayโ€™adaha bahwadaagta la ah labada wasaaradood, waxaana diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta hayโ€™adaha bahda caddaaladda iyo amniga, is-weydaarsiga xogaha muhiimka ah, iyo qorsheynta hawlaha mudnaanta u leh horumarinta adeegyada caddaaladda iyo amniga.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda, Mudane Cabdullaahi Cabdulqaadir Aadan (Qaanuuni), oo si rasmi ah u furay kulanka, ayaa warbixin guud ka siiyay ka qaybgalayaasha marxaladihii uu soo maray kulankan iyo waxyaabihii laga hirgeliyay. Waxa uu hoosta ka xarriiqay guulaha muhiimka ah ee ay wasaaraddu gaartay, kuwaas oo ay ugu waaweyn yihiin daadajinta adeegyada caddaaladda, Dayactirka Maxkamadda Darajada Koowaad ee Degmada Doolow, iyo hirgelinta barnaamijyo dhaqancelin ah oo laga fuliyay Xabsiga Dhexe ee Kismaayo.

๐Š๐ข๐ฌ๐ฆ๐š๐ฒ๐จ, ๐‰๐ฎ๐ฅ๐ฒ ๐Ÿ๐Ÿ—, ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”: Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Jubbaland, oo kaashanaysa Wasaaradda Amniga Gud...
29/07/2026

๐Š๐ข๐ฌ๐ฆ๐š๐ฒ๐จ, ๐‰๐ฎ๐ฅ๐ฒ ๐Ÿ๐Ÿ—, ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”: Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Jubbaland, oo kaashanaysa Wasaaradda Amniga Gudaha, ayaa si wadajir ah maanta ugu qabatay magaalada Kismaayo kulanka billaha ah ee bulshada iyo bahda caddaaladda iyo amniga.

Kulankan oo si heer sare ah loo soo agaasimay, isla markaana xambaarsanaa muhiimad weyn, ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Cabdiweli Xuseen Jaamac, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Agaasimaha Wasaaradda Ganacsiga, Taliyaha Ciidanka Asluubta, wakiillo ka socday Wasaaradda Haweenka, Hoggaanka Booliska, dhalinyarada, haweenka, ururka naafada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Kulanka ayaa maanta si gaar ah u yeeshay saamayn muuqata, iyadoo bulshada fursad loo siiyey inay si toos ah u soo bandhigaan cabashooyinka iyo caqabadaha ka jira magaalada. Arrimaha ugu waaweyn ee la isla soo qaaday waxaa ka mid ahaa daroogada, kufsiga iyo adeegyada garsoorka. Masuuliyiintii dowladda ee kulanka ka qaybgalay ayaa si hufan uga jawaabay suโ€™aalihii la weydiiyey, iyagoo ballanqaaday inay si dhow ula shaqayn doonaan bulshada, isla markaana ay qaadi doonaan tallaabooyin wax looga qabanayo cabashooyinka la soo jeediyey.

=๐ƒ๐ก๐š๐ฆ๐ฆ๐š๐š๐=
Wixii faah-faahin ah kala xariir
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadwaynaha
Email. [email protected]
https://x.com/mojcajubaland
www.instagram.com/

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Jubbaland, oo kaashanaysa Wasaaradda Amniga Gudaha, ayaa  si wadajir ah...
29/07/2026

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Jubbaland, oo kaashanaysa Wasaaradda Amniga Gudaha, ayaa si wadajir ah ugu qabatay Degmada Doolow ee Gobolka Gedo kulanka billaha ah ee bulshada iyo bahda caddaaladda iyo amniga.

Kulankan oo si joogto ah u qabsooma ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan labada wasaaradood, maamulka degmada, hayโ€™adaha amniga, bahda caddaaladda, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Kulanka billaha ah ayaa horseeday isla xisaabtan dhab ah oo u dhexeeya dowladda iyo shacabka, isagoo abuuray madal lagu falanqeeyo arrimaha amniga iyo caddaaladda, laguna dhegeysto cabashooyinka iyo talooyinka bulshada, si loo xoojiyo wada-shaqeynta, isla xisaabtanka, iyo bixinta adeegyo hufan oo waxtar u leh bulshada.

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Dowladda Jubaland ayaa maanta soo gabagabeysay tababar ku saabsan Maamulka...
23/07/2026

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Dowladda Jubaland ayaa maanta soo gabagabeysay tababar ku saabsan Maamulka Xabsiyada, kaas oo loo qabtay qaar ka mid ah saraakiisha Ciidanka Asluubta Jubaland.

Tababarkan waxaa si rasmi ah u soo xiray Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Dowladda Jubaland, Mudane Cabdiweli Xuseen Jaamac, oo ay wehliyaan Wasiir Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Naaji, iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Jubaland, Mudane Cabdikaafi Maxamed Faarax.

Mudadii uu tababarku socday, saraakiisha waxaa lagu baray mabaaโ€™diida maamulka xabsiyada, xuquuqda maxaabiista, ilaalinta amniga iyo kala dambeynta xabsiyada, anshaxa iyo hab-dhaqanka xirfadeed ee saraakiisha asluubta, maaraynta xaaladaha degdegga ah, iyo hababka casriga ah ee maamulka iyo hoggaaminta xabsiyada.

Tababarkan ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaradda ay ku xoojinayso tayada iyo xirfadaha Ciidanka Asluubta, si loo helo adeegyo xabsi oo waafaqsan sharciga, dhowrana xuquuqda aadanaha iyo heerarka caalamiga ah.

=๐ƒ๐ก๐š๐ฆ๐ฆ๐š๐š๐=
Wixii faah-faahin ah kala xariir
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadwaynaha
Email. [email protected]
https://x.com/mojcajubaland
www.instagram.com/

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Dowladda Jubaland, Mudane Cabdiweli Xuseen Jaamac, ayaa maanta qa...
18/07/2026

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Dowladda Jubaland, Mudane Cabdiweli Xuseen Jaamac, ayaa maanta qayb ka ahaa wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Jubaland, Mudane Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, oo safar dhulka ah ku gaaray degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Wafdiga ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay bartamaha magaalada Afmadow, halkaas oo ay ku qaabileen maamulka degmada iyo boqolaal ka tirsan shacabka ku dhaqan degmada.

Inta ay booqashadu socoto, Wasiir Cabdiweli ayaa si gaar ah kormeer uga samayn doona xarumaha hayโ€™adaha caddaaladda ee degmada Afmadow, isaga oo qiimeynaya adeegyada caddaaladda ee ka jira degmada iyo sida ay bulshada u gaaraan. waxa uu sidoo kale la kulmi doonaa maamulka degmada iyo masโ€™uuliyiinta hayโ€™adaha caddaaladda si loo ogaado baahiyaha jira, loona xoojiyo wada-shaqeynta iyo dadaallada lagu horumarinayo helitaanka caddaaladda ee shacabka degmada Afmadow.

Address

Ceymiska
Kismayo

Opening Hours

Monday 09:00 - 16:00
Tuesday 09:00 - 16:00
Wednesday 09:00 - 16:00
Thursday 09:00 - 16:00
Saturday 09:00 - 16:00
Sunday 09:00 - 16:00

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Jubaland posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share