Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowlada Jubbaland

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowlada Jubbaland Fadlan nagu soo biir.

Halkaan waxaad kala socon kartaan hawlaha Wasaarada xiliga ay dhacayaan, waxaan jecelnahay inaan ku kala warqaadano iskuna saxno hadba wixii aynu ku howlanahay.

13/08/2026

Muuqaal soo koobaya Xuska Maalinta Dhalinyarada Adduunka oo lagu qabtay Kismaayo.

Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Jubbaland ayaa maanta magaalada Kismaayo ku qabatay munaasabad lagu xusay...
12/08/2026

Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Jubbaland ayaa maanta magaalada Kismaayo ku qabatay munaasabad lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee Dhalinyarada, oo ku beegan 12-ka Agoosto.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowlada Jubbaland, Mudane Cabdirshiid Cabdiraxmaan Caamir, qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada Dowladda Jubbaland, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada, Mudane Abdullahi Ahmed Abdullahi, Guddoomiyaha Golaha Dhalinyarada, Guddoomiyaha Haweenka Gobolka Jubbada Hoose, Ururrada Bulshada Rayidka ah, aqoonyahanno, haween, dhalinyaro iyo marti-sharaf kale.

12-ka Agoosto, waa maalin caalami ah oo sanad walba loo asteeyo xuska iyo dhiirrigelinta doorka dhalinyarada, iyadoo ay hormuud ka tahay Qaramada Midoobay, waxaana xoogga lagu saaraa da’ayarta kaalintooda ku aaddan horumarka bulshada, nabadda iyo dhismaha mustaqbal wanaagsan.

Munaasabadda ayaa sidoo kale fursad u ahayd in lagu muujiyo muhiimadda ay leedahay in dhalinyarada la siiyo fursado ay kaga qeyb qaataan horumarka, hoggaaminta iyo go’aan-qaadashada bulshada.

πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
__________________________________________

Xafiiska Xiriirka iyo Warbaahinta
Abdullahi Hussein Kilas
[email protected]
π…πšπœπžπ›π¨π¨π€: https://www.facebook.com/MoYSjubaland?mibextid=LQQJ4d
π–πžπ›π¬π’π­πž: http://jubalandstate.so
π„π¦πšπ’π₯: [email protected]

Waaiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowlada Jubbaland, Mudane Cabdirashiid Cabdiraxmaan Caamir ayaa magacaab...
28/07/2026

Waaiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowlada Jubbaland, Mudane Cabdirashiid Cabdiraxmaan Caamir ayaa magacaabay shakhsiyaadka hoos ku xusan:

▢️ Magaca: Qays Cabdullaahi Faliir, Gudoomiyaha Dhalinyarada Degmada Doolow ee Gobalka Gedo.

▢️ Magaca: Cabdi Ibraahim Axmed, Gudoomiyaha Dhalinyarada ee Degmada Badhaadhe.

πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
__________________________________________

Xafiiska Xiriirka iyo Warbaahinta
Abdullahi Hussein Kilas
[email protected]
π…πšπœπžπ›π¨π¨π€: https://www.facebook.com/MoYSjubaland?mibextid=LQQJ4d
π–πžπ›π¬π’π­πž: http://jubalandstate.so
π„π¦πšπ’π₯: [email protected]

Gudoomiyaha Dhalinyarada Doolow iyo Gudoomiyaha Dhalinyarada Badhaadhe

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dawaladda Jubbaland Mudane Abdullahi Ahmed Abdullahi ayaa maant...
22/07/2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dawaladda Jubbaland Mudane Abdullahi Ahmed Abdullahi ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay wafdi ka socday Guddiga Shaqaalaha rayidka ah ee Dawladda Jubbaland oo kormeer shaqo ku yimid Wasaaradda.

Kulanka oo uu sidoo kale goob-joog ka ahaa Agaasimaha Waaxda Maamulka, Maaliyadda, Shaqada iyo Shaqaalaha ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dawaladda Jubbaland Mudane Maxamed Nuur Cilmi, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, horumarinta maamulka shaqaalaha iyo kor u qaadista hufnaanta adeegyada dowladda.

Kormeerkan sanadlaha ah ayaa lagu qiimeynayaa habsami u socodka shaqada wasaaradaha, maamulka shaqaalaha rayidka ah, iyo heerka ay hay’aduhu u hirgeliyaan xeerarka iyo habraacyada adeegga dowladda.

Agaasimaha Guud ayaa wafdiga la wadaagay dadaallada ay Wasaaraddu ku bixinayso tayeynta maamulka iyo horumarinta shaqaalaha, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda si loo xaqiijiyo adeeg hufan, daahfuran oo waxtar u leh bulshada.

Dhankooda, xubnaha wafdiga ayaa uga mahadceliyay Agaasimaha Guud iyo maamulka Wasaaradda soo dhaweynta diirran iyo wada-shaqeynta wanaagsan, iyagoo bogaadiyay horumarka ay Wasaaraddu ka sameysay dhinacyada maamulka iyo adeeg bixinta.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad iyo ballanqaad ku aaddan sii xoojinta wada-shaqeynta iyo horumarinta nidaamka shaqaalaha Dowladda Jubbaland.

πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
______________

Xafiiska Xiriirka iyo Warbaahinta
Abdullahi Hussein Kilas
[email protected]
π…πšπœπžπ›π¨π¨π€: https://www.facebook.com/MoYSjubaland?mibextid=LQQJ4d
π–πžπ›π¬π’π­πž: http://jubalandstate.so
π„π¦πšπ’π₯: [email protected]

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Jubbaland ayaa Guddoomiyaha Dhallinyarada Degmada Luuq ee Gobolka Gedo u...
08/07/2026

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Jubbaland ayaa Guddoomiyaha Dhallinyarada Degmada Luuq ee Gobolka Gedo u magacawday, Abuukar Aadan Cabdiraxiim (Xaaf).

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Jubaland, Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa Garoonka Kubadda Cagta ee Waamo...
03/07/2026

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Jubaland, Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa Garoonka Kubadda Cagta ee Waamo ee magaalada Kismaayo si rasmi ah uga daah-furay Horyaalka heerka koowaad ee Jubbaland.

Tartankan ayaa waxaa iska kaashaday Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowlada Jubbaland iyo Ururka Kubadda Cagta Jubbaland, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen xubno ka tirsan Goloyaasha Dowladda Jubaland.

Tartanka heerka koowaad ayaa ah mid soo jiita taageerayaal badan oo xiiseeya ciyaaraha.

πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
__________________________________________

Xafiiska Xiriirka iyo Warbaahinta
Abdullahi Hussein Kilas
[email protected]
π…πšπœπžπ›π¨π¨π€: https://www.facebook.com/MoYSjubaland?mibextid=LQQJ4d
π–πžπ›π¬π’π­πž: http://jubalandstate.so
π„π¦πšπ’π₯: [email protected]

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Jubaland, Mudane Abdullahi Ahmed Abdullahi ayaa maanta...
17/06/2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Jubaland, Mudane Abdullahi Ahmed Abdullahi ayaa maanta booqasho ku tagay Xarunta Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Dagmada Dhoobley, halkaas oo ay ku bartaan xirfadaha kala duwan ee farsamada gacanta.

Agaasimaha Guud oo ay si diiran usoo dhoweeyeen Hoggaanka Sare Dhalinyarada Dhoobley ayaa inta uu boqoashada ku jiray ayaa wax uu indho indheeyey xarunta iyo xafiisyada ay ku shaqeeyaan Ururka Dhalinyarada iyo kan Ciyaaraha ee Degmada.

Sidoo kale, Agaasimaha ayaa la kulmay Dhalinyarada Degmada asagoo kula dardaarmay in ay ka shaqeyaan iskuduubnida, midnimada, ka hortaga tahriibka iyo waxyaalaha maanka dooriyo, ayagoo dhalinyarada dhinacooda su’aalo ku waydiiyay Agaasimaha.

πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
__________________________________________

Xafiiska Xiriirka iyo Warbaahinta
Abdullahi Hussein Kilas
[email protected]
π…πšπœπžπ›π¨π¨π€: https://www.facebook.com/MoYSjubaland?mibextid=LQQJ4d
π–πžπ›π¬π’π­πž: http://jubalandstate.so
π„π¦πšπ’π₯: [email protected]

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Jubaland, Mudane Cabdirashiid Cabdiraxmaan Caamir ayaa, Mudane F...
05/06/2026

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Jubaland, Mudane Cabdirashiid Cabdiraxmaan Caamir ayaa, Mudane Fu’aad Maxamed Sheekh dib ugu magacaabey Guddoomiyaha Dhallinyarada Degmada Dhoobley muddo laba (2) sano ah, sidoo kale waxa uu Mudane Cabdifataax Cabdullaahi Haajir u magacaabey Guddoomiyaha Ururka Kubadda Cagta ee Degmada Dhoobley.

Labadan dhalinyaro waxa ay ka mid yihiin kuwa ugu firfircoon Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose.

πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
__________________________________________

Xafiiska Xiriirka iyo Warbaahinta
Abdullahi Hussein Kilas
[email protected]
π…πšπœπžπ›π¨π¨π€: https://www.facebook.com/MoYSjubaland?mibextid=LQQJ4d
π–πžπ›π¬π’π­πž: http://jubalandstate.so
π„π¦πšπ’π₯: [email protected]

Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Jubbaland oo kaashanaysa Hay’adda The Lutheran World Federation, ayaa Gar...
01/06/2026

Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Jubbaland oo kaashanaysa Hay’adda The Lutheran World Federation, ayaa Garoonka Kubadda Cagta ee Waamo ee Degmada Kismaayo ku qabatay ciyaar xiiso leh oo dhex martay labada kooxood ee Al Xayaat iyo Horyaal.

Munaasabadda xiritaanka tartanka waxaa ka qayb galay Agaasimaha Waaxda Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jubbaland, Mudane Aadan Cabdi Faarax, madaxda Hay’adda LWF, bahda ciyaaraha iyo taageerayaal fara badan oo labada dhinac kala taageerayay.

Ciyaarta oo ahayd mid aad u xiiso badan ayaa ugu dambeyn waxaa koobkii ku guuleystay kooxda Al Xayaat, oo soo bandhigtay ciyaar wanaagsan kuna mutaysatay hanashada koobka tartanka.

πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
__________________________________________

Xafiiska Xiriirka iyo Warbaahinta
Abdullahi Hussein Kilas
[email protected]
π…πšπœπžπ›π¨π¨π€: https://www.facebook.com/MoYSjubaland?mibextid=LQQJ4d
π–πžπ›π¬π’π­πž: http://jubalandstate.so
π„π¦πšπ’π₯: [email protected]

Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jubaland ayaa maanta ciyaar munaasabadeed ku qabatay degmada Luuq ee Gobolka Gedo,...
31/05/2026

Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jubaland ayaa maanta ciyaar munaasabadeed ku qabatay degmada Luuq ee Gobolka Gedo, taas oo lagu soo dhaweynayay wafdigii ballaarnaa ee uu hoggaaminayay Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Jubaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan.

Munaasabaddan ciyaareedkan waxaa ka soo qeyb galay Xildhibaano, Wasiiro, maamulka Gobolka Gedo, kan Degmada Luuq, saraakiil kala duwan, dhalinyaro iyo qeybaha bulshada.

Ciyaartan ayaa ahayd mid muujisay midnimada, wadajirka iyo doorka muhiimka ah ee ciyaaruhu ku leeyihiin isku xirka bulshada iyo dhiirrigelinta dhalinyarada.

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelineynaa dhammaan masuuliyiintii, martidii iyo shacabka ka qeyb qaatay qabsoomidda munaasabaddan qiimaha badan.

Guul, horumar iyo wadajir ayaan u rajeyneynaa shacabka Jubaland iyo guud ahaan Soomaaliya.

πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
__________________________________________

Xafiiska Xiriirka iyo Warbaahinta
Abdullahi Hussein Kilas
[email protected]
π…πšπœπžπ›π¨π¨π€: https://www.facebook.com/MoYSjubaland?mibextid=LQQJ4d
π–πžπ›π¬π’π­πž: http://jubalandstate.so
π„π¦πšπ’π₯: [email protected]

Address

Aargo, Kismaayo, Jubaland
Kismayo
0100

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowlada Jubbaland posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowlada Jubbaland:

Shortcuts

Share