Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada - Jubaland

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada - Jubaland Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada - Jubaland, Government Organization, Ministry of Health and Human service/Jubaland, Next to Jubaland State house, Kismayo.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Jubaland, Mudane Maxamed Xuseen Maxamed, ayaa booqday Isbitaalka Badb...
05/09/2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Jubaland, Mudane Maxamed Xuseen Maxamed, ayaa booqday Isbitaalka Badbaado, isagoo u kuurgalayay horumarka iyo howlaha ka socda isbitaalka.

Booqashada waxaa ku wehelinayay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda, Mudane Maxamed Cabdiqaadir, iyo Isuduwaha Caafimaadka Degmada Kismaayo maxamed sheekh.

Masuuliyiinta ayaa kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee Isbitaalka Badbaado, waxaana Agaasimaha Isbitaalka uu warbixin ka siiyay habsami-u-socodka adeegyada caafimaadka, dhismayaasha ka socda isbitaalka iyo dardargelinta howlaha caafimaadka.

Intaa ka dib, Agaasimaha Guud ayaa ku bogaadiyay maamulka Isbitaalka Badbaado dadaallada ay ku bixinayaan horumarinta adeegyada caafimaadka iyo dardargelinta howlaha ka socda isbitaalka. Waxa uu sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo adeegyada caafimaad ee bulshada.

-------
πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
Abdiaziz Shacrawi
Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Caafimaadka.
Email: [email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/Jmoh. so
Website: www.mohjubalandstate.so.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Jubaland, Mudane Maxamed Xuseen Maxamed, ayaa maanta si rasmi ah u fu...
31/08/2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Jubaland, Mudane Maxamed Xuseen Maxamed, ayaa maanta si rasmi ah u furay shirka billaha ah ee lagu xoojinayo isku-xirka iyo wada-shaqeynta u dhexeeya Wasaaradda iyo hay’adaha bahwadaagta la ah.

Shirka oo ka dhacay xarunta dhexe ee Wasaaradda ayaa waxaa ka qeyb galay qaar ka mid ah Agaasimayaasha Waaxyaha, saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda, iyo wakiillo ka socday hay’adaha bahwadaagta la ah Wasaaradda Caafimaadka Jubaland.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga, kordhinta taageerada adeegyada caafimaadka ee Jubaland, horumarinta iyo dhameystirka adeegyada caafimaadka, dabagalka iyo ka jawaabidda cudurrada faafa, iyo is-weydaarsiga xogaha caafimaadka.

-------
πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
Abdiaziz Shacrawi
Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Caafimaadka.
Email: [email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/Jmoh. so
Website: www.mohjubalandstate.so.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowlada Jubaland, Mudane Abshir Mohamed, iyo wafdi uu h...
30/08/2026

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowlada Jubaland, Mudane Abshir Mohamed, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shalay soo gaaray Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, ayaa maanta kulan ballaaran la qaatay maamulka degmada, odayaasha dhaqanka, dhalinyarada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Wafdiga waxaa Wasiir Ku-xigeenka ku wehlinayay Isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka Gedo, mas’uuliyiin ka socday hay’adda caalamiga ah ee TrΓ²caire, iyo xubno kale.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray u kuurgalidda xaaladda guud ee bulshada ku nool Degmada Ceelwaaq, iyadoo si ballaaran looga hadlay caqabadaha iyo baahiyaha ka jira degmada, gaar ahaan adeegyada caafimaadka.

Ugu dambeyn, waxaa la isla qaatay in laga wada shaqeeyo horumarka Degmada Ceelwaaq, isla markaana laga hortago wax kasta oo caqabad ku ah nolosha bulshada reer Ceelwaaq.

-------
πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
Abdiaziz Shacrawi
Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Caafimaadka.
Email: [email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/Jmoh. so
Website: www.mohjubalandstate.so.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Jubaland, Mudane Maxamed Xuseen Maxamed, ayaa ...
29/08/2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Jubaland, Mudane Maxamed Xuseen Maxamed, ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay wafdi sare oo ka socda Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ay hoggaaminayso Maareeyaha Barnaamijka BAXNAANO, Marwo Fardowsa.

Kulanka waxaa goob joog ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Jubaland, Cabdi Cabdullaahi Raabi, iyo qaar ka mid ah Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Jubaland.

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd sidii Barnaamijka BAXNAANO qeybtiisa caafimaadka looga hirgelin lahaa gudaha Jubaland, iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo taageerada adeegyada caafimaadka ee bulshada.

-------
πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
Abdiaziz Shacrawi
Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Caafimaadka.
Email: [email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/Jmoh. so
Website: www.mohjubalandstate.so.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Jubbaland, Mudane Abshir Maxamed, iyo wafdi...
29/08/2026

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Jubbaland, Mudane Abshir Maxamed, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ku gaaray degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Wafdiga waxaa qayb ka ahaa Isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Jubbaland ee Gobolka Gedo, Dr. Ahmed Kafi Ibrahim, iyo mas’uuliyiin ka socotay hay’adda TrΓ³caire.

Wafdiga ayaa si diirran waxaa u soo dhaweeyay maamulka degmada Ceelwaaq, saraakiisha laamaha amniga, bahda caafimaadka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada degmada.

Intii ay ku sugnaayeen degmada, wafdigu waxay kulan is-xog-wareysi ah la qaateen maamulka iyo saraakiisha laamaha amniga. Kulanka kadib, waxay kormeer shaqo ku tageen Isbitaalka Guud ee Degmada Ceelwaaq, halkaas oo ay kulamo kula yeesheen maamulka iyo shaqaalaha isbitaalka oo ay gacanta ku hayso hay’adda caalamiga ah ee TrΓ³caire.

Safarka wafdiga uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Jubbaland ayaa ujeeddadiisu tahay qiimeynta xaaladda caafimaad ee degmada Ceelwaaq iyo sidii kor loogu qaadi lahaa adeegyada caafimaadka.

Inta ay degmada ku sugan yihiin, wafdigu waxay kulamo kala duwan la qaadan doonaan maamulka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada degmada.

-------
πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
Abdiaziz Shacrawi
Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Caafimaadka.
Email: [email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/Jmoh. so
Website: www.mohjubalandstate.so.

Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Qoyska  ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Jubaland, Mudane Dr M...
26/08/2026

Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Qoyska ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Jubaland, Mudane Dr Maxamed Bashir Nur , ayaa magaalada Kismaayo ugu so xiray tababar afar maalmood socday oo ku saabsan Xirmada Isku-dhafan ee Adeegyada Tallaalka, kaas oo loo qabtay qaar kamid ah shaqaalaha caafimaadka ee ka kala socda xarumaha caafimaadka ee degmooyinka Gobolka Jubbada Hoose.

Munaasabadda xiritaanka tababarka waxaa kaso qeyb galay Madaxa Keydka Tallaalka Qaranka ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Yuusuf Samaan Mokhtar, Isuduwaha Caafimaadka Gobolka Jubbada Hoose, Cabdirisaaq Saciid Jaamuus, Madaxa Tababarrada iyo Cilmi-baarista ee Jaamacadda Jazeera, Dr. Cabdiraxmaan Macallin Ibraahim. Iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Jubaland.

Intii uu socday tababarka, ka qeybgalayaasha waxaa la siiyay aqoon iyo xirfado la xiriira qorsheynta iyo maareynta adeegyada tallaalka, ilaalinta silsiladda qabow, kaydinta iyo maaraynta tallaallada, hagaajinta tayada xogta, la socodka waxqabadka adeegyada tallaalka, iyo sidii loo gaari lahaa carruurta aan helin ama ka baaqata tallaallada muhiimka ah.

Mas’uuliyiinta kala duwanoo ka hadlay munaasabadda xiritaanka ayaa ku booriyay ka qeybgalayaasha inay aqoonta iyo xirfadaha ay ka kororsadeen tababarka si wax ku ool ah ugu dabaqaan xarumaha caafimaadka ay ka shaqeeyaan, isla markaana ay xoogga saaraan kor u qaadidda tayada iyo joogtaynta adeegyada tallaalka iyo gaarista carruurta aan weli helin tallaallada muhiimka ah, gaar ahaan kuwa ku nool deegaannada ay adeegyada caafimaadku ku yar yihiin.

Tababarkan oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Jubaland iyo Jaamacadda Jazeera, ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo awoodda shaqaalaha caafimaadka iyo tayada adeegyada tallaalka, si loo kordhiyo daboolka tallaalka loogana hortago cudurrada tallaalka looga hortagi karo.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Jubaland waxay sii wadi doontaa dadaallada lagu xoojinayo adeegyada tallaalka iyo sidii ilmo kasta oo u qalma tallaalka loogu gaarsiin lahaa adeeg tayo leh, waqtigiisa ku habboon, meel kasta oo uu ku nool yahay.

-------
πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
Abdiaziz Shacrawi
Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Caafimaadka.
Email: [email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/Jmoh. so
Website: www.mohjubalandstate.so.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Jubaland, Mudane Maxamed Xuseen Maxamed, ay...
23/08/2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Jubaland, Mudane Maxamed Xuseen Maxamed, ayaa magaalada Kismaayo ka daahfuray tababar ku saabsan Xirmada Isku-dhafan ee Adeegyada Tallaalka, kaas oo loo qabanayo shaqaalaha caafimaadka ee ka kala socda xarumaha caafimaadka ee degmooyinka Gobolka Jubbada Hoose.

Munaasabadda daahfurka tababarka waxaa goob-joog ka ahaa Madaxa Keydka Tallaalka Qaranka ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Yuusuf Samaan Mokhtar; Madaxa Barnaamijka Tallaalka ee Wasaaradda Caafimaadka Jubaland, Dr. Cabdulnaasir; Isuduwaha Caafimaadka Gobolka Jubbada Hoose, Cabdirisaaq Saciid Jaamuus; Isuduwaha Caafimaadka Degmada Jamaame, Jaamac Axmed Abuukar; iyo Madaxa Tababarrada iyo Cilmi-baarista ee Jaamacadda Jazeera, Dr. Cabdiraxmaan Macallin Ibraahim.

Tababarkan, oo ay iska kaashanayaan Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Jubaland iyo Jaamacadda Jazeera, ayaa ujeeddadiisu tahay xoojinta aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha caafimaadka ee ku aaddan qorsheynta, maareynta iyo bixinta adeegyada tallaalka, kor u qaadidda tayada adeegyada, iyo sidii adeegyada tallaalka si joogto ah oo tayo leh loogu gaarsiin lahaa bulshada ku nool degmooyinka Gobolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale, tababarku wuxuu gacan ka geysanayaa xoojinta awoodda shaqaalaha caafimaadka, hagaajinta maamulka iyo kaydinta tallaallada, ilaalinta silsiladda qabow, kor u qaadidda tayada xogta tallaalka, iyo sidii loo yareyn lahaa carruurta aan helin ama ka baaqata tallaallada muhiimka ah.

-------
πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
Abdiaziz Shacrawi
Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Caafimaadka.
Email: [email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/Jmoh. so
Website: www.mohjubalandstate.so.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowlada Jubaland, Mudane Ismaaciil Axmed Garas, ayaa furay kulan ...
22/08/2026

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowlada Jubaland, Mudane Ismaaciil Axmed Garas, ayaa furay kulan wadatashi iyo is-xogwareysi ah oo Wasaaradda iyo Golaha Xirfadlayaasha Caafimaadka Jubaland ay yeesheen.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta, horumarinta xirfadlayaasha iyo tayeynta xarumaha caafimaadka Jubaland.

Golaha ayaa soo bandhigay waxqabadkiisa saddexdii bilood ee u dambeeyay iyo caqabadaha ku hor gudban horumarinta xirfadlayaasha iyo xarumaha caafimaadka, gaar ahaan diiwaangelinta, ruqsad-siinta, kormeerka iyo ilaalinta heerarka xirfadeed.

Wasiirka ayaa kula dardaarmay Golaha in la sii xoojiyo xirfadda, tayada, anshaxa iyo wada-shaqeynta, si bulshada Jubaland loo gaarsiiyo adeeg caafimaad oo tayo leh.

Kulanka ayaa ahaa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga Wasaaradda iyo Golaha, laguna horumarinayo nidaam caafimaad oo ku dhisan sharci, tayo, xirfadnimo iyo isla-xisaabtan.

-------
πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
Abdiaziz Shacrawi
Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Caafimaadka.
Email: [email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/Jmoh. so
Website: www.mohjubalandstate.so.

18/08/2026

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Dowlada Jubbaland ayaa kormeeray isbitaalka weyn ee magaalada Kismaayo & badbaado hospitaal.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Jubaland, Mudane Ismaaciil Axmed Garas, ayaa maanta booq...
18/08/2026

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Jubaland, Mudane Ismaaciil Axmed Garas, ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Isbitaalka Badbaado iyo Isbitaalka Weyn ee Kismaayo, isagoo u kuurgalay xaaladda adeegyada caafimaad iyo horumarka ka socda labada isbitaal.

Booqashada Wasiirka waxaa ku wehelinayay Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Maxamed Cabdulqaadir, Isuduwaha Caafimaadka Gobolka Jubbada Hoose Cabdirisaaq Jaamuus, iyo Isuduwaha Caafimaadka Degmada Kismaayo Maxamed Sheekh aadan.

Ugu horreyn, Wasiirka ayaa kormeer ku sameeyay Isbitaalka Badbaado, isagoo si dhow u eegay habsami-u-socodka shaqada iyo adeegyada caafimaad ee uu isbitaalku bulshada u fidiyo. Wasiirka ayaa sidoo kale warbixin ka dhageystay Agaasimaha Isbitaalka Badbaado oo ka warbixiyay xaaladda guud ee isbitaalka iyo howlaha ka socda.

Intaa kadib, Wasiirka ayaa booqday Isbitaalka Weyn ee Kismaayo, halkaas oo uu kormeer ku sameeyay dhismayaasha iyo howlaha horumarineed ee ka socda isbitaalka. Agaasimaha Isbitaalka Weyn ee Kismaayo ayaa Wasiirka warbixin ka siiyay halka ay marayaan dhismayaasha iyo howlaha muhiimka ah ee isbitaalka.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaradda Caafimaadka Jubaland ay ku dardargelinayso horumarinta kaabayaasha caafimaadka iyo tayeynta adeegyada caafimaad ee bulshada.

-------
πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
Abdiaziz Shacrawi
Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Caafimaadka.
Email: [email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/Jmoh. so
Website: www.mohjubalandstate.so.

Address

Ministry Of Health And Human Service/Jubaland, Next To Jubaland State House
Kismayo
JH09010

Opening Hours

Monday 08:00 - 16:00
Tuesday 08:00 - 16:00
Wednesday 08:00 - 16:00
Thursday 08:00 - 16:00
Saturday 08:00 - 16:00
Sunday 08:00 - 16:00

Telephone

+252614444620

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada - Jubaland posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada - Jubaland:

Shortcuts

Share