21/07/2026
Wasaarada Awqaafta iyo Arimaha Diinta Dowlada Jubaland ayaa maanta kormeer ku sameysay qaybo ka mid ah madaariista Qur’aanka Xaafada Calanley ee Degmada Kismaa kuwaasoo dhawaan ay Wasaaradu aqoonsatay.
Hawlwadeenada Wasaarada oo horkacaya Agaasimaha Guud ee Wasaarada Aden Faarax Gaarane ayaa midmid oogu guur galay xaaladaha hoose ee goobahaas Diinta lagu barto, ayadoo laga diyaariyey warbixino dhameystiran.
Wasaarada ayaa wada ol’ole cusub oo lagu tayaynayo laguna sharciyaynayo goobaha lagu barto Qur’aanka Kariimka iyo culuumta kale ee Islaamka ee dhamaan deegaanada Jubaland.