Golaha DHalinyaradda Gobalka j.hoose ee dowlada Jubaland

Golaha DHalinyaradda Gobalka j.hoose ee dowlada Jubaland Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Golaha DHalinyaradda Gobalka j.hoose ee dowlada Jubaland, Government Organization, Kismayo.

OGEYSIIS MUHIIM AH 📢Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowlad Goboleedka Jubbaland waxay bulshada ku wargelinaysaa in...
14/05/2026

OGEYSIIS MUHIIM AH 📢
Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowlad Goboleedka Jubbaland waxay bulshada ku wargelinaysaa in la qabanayo xuska Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL.
🎯 Mawduuca sanadkaan: “Codka Dhalinyarada waa Codka Isbadalka iyo Hormarka Dalka”
📅 Taariikhda: 15 May 2026
📍 Goobta: Kulmis Hotel
Dhalinyarada Soomaaliyeed waa laf dhabarta horumarka dalka, waxaana muhiim ah in codkooda, fikirradooda iyo hal-abuurkooda la dhiirigeliyo.
Dhamaan dhalinyarada, aqoonyahanada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada waxaa lagu casuumayaa inay kasoo qeyb galaan munaasabaddaan muhiimka ah.

Hambalyo Bisha Barakaysan ee RamadaanGolaha Dhalinyarada Gobolka Jubbada Hoose waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dha...
17/02/2026

Hambalyo Bisha Barakaysan ee Ramadaan

Golaha Dhalinyarada Gobolka Jubbada Hoose waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan ummadda Muslimiinta ah , gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo shacabka reer jubbaland bilashadda bisha barakeysan ee ramadaan .

Waxaan Alle (SWT) uga baryeynaa in uu Ramadaantan nooga yeelo mid kheyr, barako, naxariis, cafis iyo dambi-dhaaf noqota, isla markaana uu naga aqbalo soonka, salaadda, ducada iyo acmaasha suuban .

Sidoo kale, waxaan shacabka Muslimiinta ah ku boorrinaynaa in ay bisha barakaysan ee Ramadaan awgeed is cafiyaan, is jeclaadaan, is garab istaagaan, kana fogaadaan colaad iyo kala qoqob, si loo helo midnimo iyo walaaltinimo dhab ah.

Ramadaan Kariim 🌙

Gudiga Abaaraha Jubbaland oo uu dhawaan magac aabay Madaxwaynaha Jubbaland Mudane Ahmed Maxamed Islaam  oo uu qayb kayah...
07/01/2026

Gudiga Abaaraha Jubbaland oo uu dhawaan magac aabay Madaxwaynaha Jubbaland Mudane Ahmed Maxamed Islaam oo uu qayb kayahay Gudoomiyaha dhalinyarada Gobalka Jubbada Hoose Ahmed khaliif Mursal ayaa Todobaadkan BIYO DHAAMIN KA FULIYEY Degaano Badan oo kamid ah Jubbaland State Sida Degmada Luuq degaanka Qooney, Buurgaabo , Degaanada Xeebaha

Gudoomiyaha dhalinyarada gobolka jubbada hoose mudane ahmed khaliif mursal ayaa ka qayb galey kulan looga hadlaayay abaa...
14/12/2025

Gudoomiyaha dhalinyarada gobolka jubbada hoose mudane ahmed khaliif mursal ayaa ka qayb galey kulan looga hadlaayay abaaraha baaxada wayne ee jubbaland ka jiro.

Gudiga Abaaraha, ahna Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dowladda Jubaland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Dhiriq oo ay weheliyaan xubnaha gudigga gurmadka abaaraha, ayaa maanta yeeshy kulankoodi labaad oo diirada lagu saaray sidii wax loogu qabanlahaa abaaraha soo-noqnoqday.

Intii uu socday kulanka waxaa lagu soo bandhigay xadiga abaaraha ka jirta deegaanada Jubaland, iyadoo dhanka kale gudigu uu iclaamiyay Soon saddex bari ah, iyo in Khamiista roob doon (isu soo bax) la sameeyo, kaas oo Alle looga dalbanayo naxariistiisa iyo inuu ka dul qaado abaarta baahsan ee ka jirta deegaanada Jubaland.

Shirka oo guud ahaan la isku weedaarsaday doorka Culimada, Ganacsatada iyo talaabooyinka ilaa hadda ay qaaday, si loo caawiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen, ayuu Guddoomiyaha Gudiga Abaaraha, ahna Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dowladda Jubaland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Dhiriq ka sheegay in abaarto ay baahsan tahay, loona baahan yahay talaabooyinka deg deg ah oo loo qaado wax ka qabashadeeda.

Guddoomiyaha dhalinyarada gobolka Jubbada Hoose, Mudane Axmed Khaliif Mursal, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 12-ka N...
12/11/2025

Guddoomiyaha dhalinyarada gobolka Jubbada Hoose, Mudane Axmed Khaliif Mursal, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 12-ka November 2025, si rasmi ah u magacaabay Guddiga Dhalinyarada Gobolka Jubbada Hoose.

Magacaabistan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo ka qaybgalka dhalinyarada horumarinta bulshada, kobcinta hogaaminta dhalinyarada, iyo dhiirrigelinta doorka ay ku leeyihiin nabadda iyo hormarka gobolka.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in guddigan cusub laga filayo inay noqdaan kuwo isku xiraya dhalinyarada, isla markaana hormuud u noqda mashaariicdda horumarineed ee gobolka ka socda.
_________________________________________________
Wixii faahfaahin ah kala xiriir:
Xafiiska Warfaafinta Dhalinyarada Gobolka Jubbada Hoose
📧 Email: [email protected]
DHAMMAAD

Macadka Jubaland Resource Centre  [ JRC  ] Waxa uu kugu  marti qaadayaa ka Soo  Qeeyb Galka, "Dood Cilmiyeed Ku  Saabsan...
30/10/2025

Macadka Jubaland Resource Centre [ JRC ] Waxa uu kugu marti qaadayaa ka Soo Qeeyb Galka, "Dood Cilmiyeed Ku Saabsan Siyaasadeynta deeqaha Caalamiga Ay Dowlada dhexe ku hayso Jubbaland Mar kasta oo Khilaaf Siyaasadeed uu dhaco"!.

Goobta waa Hoolka Daawad , Maalinta Khamiista ah 3:30PM Insha Allah.

Ka soo qeeyb galkaaga waa inoo muhiim.

Come one come all!
Ka soo qeeyb gal Wanaagsan.

OLLALE NADAAFAD OO AY SOO QABANQAABIYEEN GOLAHA DHALINYARADDA IYO URURKA HAWEENKA GOBOLKA JUBBADA HOOSE AYAA LAGA SAMEEY...
29/10/2025

OLLALE NADAAFAD OO AY SOO QABANQAABIYEEN GOLAHA DHALINYARADDA IYO URURKA HAWEENKA GOBOLKA JUBBADA HOOSE AYAA LAGA SAMEEYAY XARUNTA GOBOLKA

Maanta oo ay taariikhdu tahay 29-ka Oktoobar 2025, ayaa Golaha Dhalinyarada Gobolka Jubbada Hoose iyo Ururka Haweenka Gobolka Jubbada Hoose si wadajir ah u qabteen ollole nadaafadeed oo ballaaran, kaas oo ka dhacay xarunta maamulka gobolka jubbada hoose .
Ujeeddada ololahan ayaa ahayd in lagu dhiirrigeliyo nadaafadda deegaanka, wacyigelinta bulshada, iyo ilaalinta caafimaadka dadweynaha, si gaar ah meelaha dadku ku badan yihiin ee xarumaha dowliga ah iyo suuqyada.
Intii uu socday ololaha, dhalinyaro iyo haween iskood isu xilqaamay ayaa nadiifiyey wadooyinka, jardiinooyinka, iyo agagaarka xafiisyada maamulka, iyagoo isticmaalay agab nadaafadeed iyo oo lagu qaaday qashinka.
Mas’uuliyiinta labada urur ayaa sheegay in ololahan uu yahay bilow barnaamij joogto ah oo lagu ilaalinayo bilicda iyo nadaafadda magaalada Kismaayo, isla markaana lagu dhiirrigelinayo dhalinyarada iyo haweenka in ay door muuqda ka qaataan horumarinta deegaanka.

Ololahan ayaa ku soo dhammaaday jawi is-faham iyo niyad-wanaag leh, iyadoo lagu ballamay in toddobaadyada soo socda la sii wado hawlaha nadaafadeed ee guud ahaan magaalada.
Dhamaad
__________________________________________
Wixii faahfaahin ah kala xariir
Xafiiska warfaafinta dhalinyarada gobalka
Email: [email protected]

Golaha dhalinyaradda jubbaland oo ay horkacayaan gudomiyaha guud ee dhalinyarada jubbaland mudane farhan haji iyo gudomi...
12/10/2025

Golaha dhalinyaradda jubbaland oo ay horkacayaan gudomiyaha guud ee dhalinyarada jubbaland mudane farhan haji iyo gudomiyaha gobolka jubbada hoose mudane khaliif mursalayaa maanta qabtay kulan ay kaga soo horjeedaa duminta, faragalinta iyo ficilada guracan ee dowlada federal ah ay ku hayso dowlada Jubaland .
Dhalinyarada ayaa muujiyey dareenkooda iyo rabitaankooda ay u qabaan dowladoodo jubbaland iyagoo muujiyay isku duubni iyo wadajir

Dhalinyarada ayaa ogu baaqey dhalinyarada ee kale ee jubbaland in ay u midoobaan sidii ay uga shaqayn lahaayeen nabadda, midnimadda iyo wadajirka bulshadda jubbaland ayna meel uga soo wada jeedsadaan faragalinta dowlada dhaxe .



Camera 📷 Abdullahi kilaas

Gudoomiyaha dhalinyarada gobalka jubbada  hoose mudane Axmed khaliif mursal ayaa ka qayb galey kulan madaxwaynaha dowlad...
06/10/2025

Gudoomiyaha dhalinyarada gobalka jubbada hoose mudane Axmed khaliif mursal ayaa ka qayb galey kulan madaxwaynaha dowlada Jubaland mudane axmed maxamed islaam uu la yeeshay ururada bulshada gaar ahaan dhalinyarada iyo haweenka magaalada Kismaayo kadib safar shaqo oo uu kaga yimid dalka dibadiisa,
kulankaas oo uu madaxwaynuhu dhalinyarada la wadaagay xaalada guud dalka iyo sidii looga shaqayn lahaa hormarka dalka iyo dowlad dhis

Address

Kismayo

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Golaha DHalinyaradda Gobalka j.hoose ee dowlada Jubaland posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share