03/09/2026
WASAARADDA CADAALADDA, ARRIMAHA DIINTA IYO DASTUURKA DOWLADDA WAQOOYI BARI SOOMAALIYA OO 500 NUQUL OO DASTUURKA JFS AH LAGU WAREEJIYAY
Muqdisho – 2 September 2026: Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa maanta lagu wareejiyay 500 nuqul oo ka mid ah Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS).
Nuqullada Dastuurka waxaa Wasaaradda ku wareejiyay Agaasimaha Guud ee Arrimaha Dastuurka, Mudane Saalax Xiirey Kheyre, oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Arrimaha Caddaaladda, Mudane Cabdnuur Xasan Maxamed, waxaana si rasmi ah uga guddoomay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Ibraahim Ciise.
Wareejinta 500-ka nuqul ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu ballaarinayo baahinta, barashada iyo fahamka Dastuurka ee bulshada iyo hay’adaha dowladeed, iyadoo Dastuurku yahay saldhigga dowladnimada, ku dhaqanka sharciga, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo dhismaha hay’adaha qaranka.
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Ibraahim Ciise, ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka JFS dadaalka ay ku bixinayso sidii nuqullada Dastuurka loo gaarsiin lahaa Dowlad-goboleedyada dalka, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in bulshada iyo hay’adaha dowladdu ay si wanaagsan u bartaan una fahmaan Dastuurka dalka.
Kadib wareejinta nuqullada Dastuurka, Agaasimayaasha Guud iyo Wasiir Ku-xigeenka ayaa booqasho indho-indheyn ah ku tagay qaar ka mid ah xafiisyada shaqada ee Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Dastuurka Dawladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Waaxda Shuruucda iyo Heshiisyada, oo door muhiim ah ku leh diyaarinta, dib-u-eegista iyo horumarinta nidaamka sharci-dejinta.
Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya waxay sii wadi doontaa dadaallada lagu xoojinayo wacyigelinta Dastuurka, dowladnimada, ku dhaqanka sharciga iyo helitaanka caddaaladda, iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo in Dastuurka iyo shuruucda dalka ay si wanaagsan u fahmaan hay’adaha dowladeed iyo bulshada.
𝗗𝗛𝗔𝗠𝗠𝗔𝗔𝗗-
━━━━━━━━━━━━━━━━━━
𝗫𝗮𝗳𝗶𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗪𝗮𝗿𝗳𝗮𝗮𝗳𝗶𝗻𝘁𝗮 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝 𝐀𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐢𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐖𝐚𝐪𝐨𝐨𝐲𝐢 𝐁𝐚𝐫𝐢,𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚
📧 Email:
[email protected]
📘 Facebook:
https://www.facebook.com/share/1DFBCJ2HaM/