Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Dawladda Waqooyi Bari

Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Dawladda Waqooyi Bari Bogga rasmiga ah ee Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Dawladda Waqooyi Bari.

Waxaan u taagannahay horumarinta kaabayaasha badda iyo kobcinta dhaqaalaha.

KULAN LABA GEESOOD AHWasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Waqooyi Bari, Mudane Cabdulqaadir Maxamuud Ducaale...
08/08/2026

KULAN LABA GEESOOD AH

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Waqooyi Bari, Mudane Cabdulqaadir Maxamuud Ducaale, ayaa ka qayb galay kulan muhiim ah oo looga hadlay xoojinta xiriirka, isku-xirka iyo wada-shaqaynta Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee heer Federaalka iyo Wasaaradaha Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee heer Dawlad-goboleed.
Kulanka waxaa hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, waxaana ka qayb galay Wasiirrada Wasaaradaha Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee heer Dawlad-goboleed.
Waxaa sidoo kale kulanka ka qayb galay Agaasimaha Guud ee Waraadda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Waqooyi Bari, Mudane Cabdirisaaq Ciise Aar.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa isku-xirka, wada-shaqaynta iyo is-dhaafsiga khibradaha, gaar ahaan arrimaha la xiriira horumarinta dekedaha, gaadiidka badda, siyaasadaha, qorshayaasha iyo horumarinta guud ee qaybta badda.



__________________________________________________
-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta iyo xidhiidhka dadweynaha ee WDGB Waqooyi Bari.
Official Email: [email protected]
__________________________________________________

SHIRWEYNIHII 1-aad EE BADAHA SOOMAALIYAMuqdisho, 4โ€“5 Agoosto 2026Shirweynihii 1-aad ee Badaha Soomaaliya (1st Somalia Ma...
07/08/2026

SHIRWEYNIHII 1-aad EE BADAHA SOOMAALIYA

Muqdisho, 4โ€“5 Agoosto 2026

Shirweynihii 1-aad ee Badaha Soomaaliya (1st Somalia Maritime Conference) ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho intii u dhexeysay 4โ€“5 Agoosto 2026. Shirweynahan oo ahaa kii ugu horreeyay ee heer qaran ah ee si gaar ah diiradda loogu saaro arrimaha badaha Soomaaliya, wuxuu ujeeddadiisu ahayd xoojinta wada-tashiga iyo dejinta aragti mideysan oo lagu horumarinayo maamulka, amniga, ilaalinta iyo ka faa'iidaysiga khayraadka badda.
Intii uu shirku socday waxaa si qoto dheer looga dooday qodobbo ay ka mid ahaayeen: ilaalinta gobannimada iyo xuduudaha badeed, gaadiidka iyo ganacsiga badda, dhaqaalaha buluugga ah, diblumaasiyadda iyo sharciga caalamiga ah ee badaha, maalgashiga istaraatiijiga ah, iyo dhismaha hay'adaha qaran ee qaabilsan arrimaha badaha.
Shirka waxaa si rasmi ah u furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud. Waxaana ka qayb galay wasiirro ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedyada, gaar ahaan Wasiirrada Dekedaha iyo Gaadiidka Badda. Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari waxaa dhinaca siyaasadda ku matalay Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Cabdulqaadir Maxamuud Ducaale, halka dhinaca farsamada uu kaga qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Cabdirisaaq Ciise Aar. Sidoo kale waxaa ka qayb galay khubaro, ganacsato, hay'ado maaliyadeed iyo daneeyayaal kale oo ka shaqeeya horumarinta arrimaha badaha iyo xubno ka socday beesha caalamka.
Doodihii iyo falanqayntii lagu yeeshay shirka kaddib, waxaa la isku raacay qodobbo istaraatiiji ah oo saldhig u noqonaya horumarinta waaxda badaha Soomaaliya, kuwaas oo ay ugu muhiimsan yihiin:

Dejinta Istiraatiijiyadda Qaran ee Badaha, dhismaha Golaha Qaran ee Badaha, iyo casriyeynta shuruucda badaha si ay ula jaanqaadaan Dastuurka iyo xeerarka caalamiga ah.
Xoojinta Ciidanka Badda Soomaaliyeed iyo Ciidanka Ilaalada Xeebaha si loo sugo amniga biyaha dalka, madaxbannaanida iyo ilaalinta khayraadka badda.
Adkaynta iskaashiga Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada iyada oo la kobcinayo cilmi-baarista, isu-duwidda iyo wada-shaqaynta joogtada ah ee arrimaha badaha.
Mideynta diblumaasiyadda badaha, xoojinta matalaadda Soomaaliya ee hay'adaha caalamiga ah sida IMO, iyo fulinta waajibaadka caalamiga ah ee dalka.
Horumarinta dekedaha iyo gaadiidka badda, dhismaha Hay'adda Dekedaha Soomaaliyeed, casriyeynta adeegyada dekedaha, dhiirrigelinta maalgashiga iyo dib-u-eegista heshiisyada dekedaha.
Horumarinta dhaqaalaha buluugga ah iyada oo lala dagaallamayo kalluumaysiga sharci-darrada ah (IUU Fishing), la ilaalinayo deegaanka badda, lana kordhinayo ka faa'iidaysiga waara ee khayraadka badda.
Xoojinta tacliinta, cilmi-baarista iyo tayeynta khubarada badaha iyada oo la taageerayo Machadka Soomaaliyeed ee Badaha iyo dhismaha Jaamacadda Difaaca Qaranka.

__________________________________________________
-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta iyo xidhiidhka dadweynaha ee WDGB Waqooyi Bari.
Official Email: [email protected]
__________________________________________________

Ciid wanaagsan guud ahaan ummadda Soomaaliyeed,  gaar ahaan shacab ka reer Waqooyi Bari. Eebbe weyne acmaasha wanaagsan ...
27/05/2026

Ciid wanaagsan guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shacab ka reer Waqooyi Bari. Eebbe weyne acmaasha wanaagsan haynaga aqbalo aamiin.

๐Œ๐€๐ƒ๐€๐—๐–๐„๐˜๐๐€๐‡๐€ ๐ƒ๐Ž๐–๐‹๐€๐ƒDA ๐–๐€๐๐Ž๐Ž๐˜๐ˆ ๐๐€๐‘๐ˆ ๐Ž๐Ž ๐Š๐Ž๐‘๐Œ๐„๐„๐‘ ๐’๐‡๐€๐๐Ž ๐Š๐” YIMI  ๐–๐€๐’๐€๐€๐‘๐€๐ƒ๐ƒ๐€ DEKEDAHA IYO GAADIIDKA BADDA DAWLADDA WAQOOYI BA...
13/04/2026

๐Œ๐€๐ƒ๐€๐—๐–๐„๐˜๐๐€๐‡๐€ ๐ƒ๐Ž๐–๐‹๐€๐ƒDA ๐–๐€๐๐Ž๐Ž๐˜๐ˆ ๐๐€๐‘๐ˆ ๐Ž๐Ž ๐Š๐Ž๐‘๐Œ๐„๐„๐‘ ๐’๐‡๐€๐๐Ž ๐Š๐” YIMI ๐–๐€๐’๐€๐€๐‘๐€๐ƒ๐ƒ๐€ DEKEDAHA IYO GAADIIDKA BADDA DAWLADDA WAQOOYI BARI

๐‹๐š๐š๐ฌ๐œ๐š๐š๐ง๐จ๐จ๐: ๐Ÿ3, ๐€๐›๐ซ๐ข๐ข๐ฅ, ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”, ๐–ฌ๐–บ๐–ฝ๐–บ๐—‘๐—๐–พ๐—’๐—‡๐–บ๐—๐–บ ๐–ฃ๐—ˆ๐—๐—…๐–บ๐–ฝda ๐–ถ๐–บ๐—Š๐—ˆ๐—ˆ๐—’๐—‚ ๐–ก๐–บ๐—‹๐—‚ Soomaaliya ๐Œ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž ๐‚๐š๐›๐๐ข๐ช๐š๐š๐๐ข๐ซ ๐€๐ฑ๐ฆ๐ž๐ ๐€๐ฐ-๐‚๐š๐ฅ๐ข, ayaa maalinimadii maanta oo Isniin ahayd, kormeer shaqo kuyimid, xarunta guud ee Wasaarada Dekedaha iyo Gaadiidka badda Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya. Halkaas oo siweyn u gu soodhoweeyeen madaxda wasaaradda iyo sidoo kale hawlwadeenada wasaaradduba.

U gu horrayn wasiirka wasaaradda ayaa ayaa kelmedo kooban oo soodhoweyn ah kufuray munaasibadda, isla markaana madaxweyna u ga warbixiyey geeddi-socodka wasaaradda iyo halka ay hawluhu marayaan, isaga oo madaxweynaha lawadaagay qorshayaasha iyo siyaasadda wasaaradda hortibinta uleh xilligan lajoogo iyo kansoo aaddan ba.

Madaxweynaha ayaa dhankiisa kubogaadiyey madaxda wasaaradda aasaasidda xafiiskii wasaaraddu kushaqayn lahayd, isla jeertaasna kuboorriyey madaxda wasaaradda muhiimadda ay leedahay in kartida iyo awoodda u gusarraysa laysugu geeyo hirgelinta yoolasha iyo higsiga wasaaradda dekedaha.

U gu danbeyn, madaxweyna ayaa faray madaxda wasaraada iyo shaqaalahaba muhimadda ay leedahay xoojinta wadashaqynta kala dhexaysa wasaaradda hay'adaha kale ee dawladda Waqooyi Bari iyo kuwa heer federaalba, isla markaana xidhiidhka shaqo kala dhexayo wasaaradda Dekedaha iyo gaadiidka

________________
-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta iyo xidhiidhka dadweynaha ee WDGB Waqooyi Bari.
Official Email: [email protected]

Address

Wadada Weyn, Agagaarka Hotel Jidbaale
Laascaanood
252

Opening Hours

Monday 07:00 - 14:00
Tuesday 07:00 - 14:00
Wednesday 07:00 - 14:00
Thursday 07:00 - 14:00
Saturday 07:00 - 14:00
Sunday 07:00 - 14:00

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Dawladda Waqooyi Bari posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share