11/07/2026
AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADDA AMNIGA DOWLADDA WAQOOYI BARI SOOMAALIYA AYAA KA QAYB GALAY SHIR KU SAABSAN QAAB-DHISMEEDKA BADQABKA IYO AMNIGA EE HAY’ADAHA CAALAMIGA AH, NGO-YADA IYO KUWA MAXALLIGA AH
Laascaanood, Waqooyi Bari Soomaaliya Sabti, 11 Luulyo 2026.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya, Mudane Maxamuud Xuseen Jibriil (Caateeye), ayaa ka qayb galay shir muhiim ah oo looga hadlay qaab-dhismeedka badqabka iyo amniga ee hay’adaha caalamiga ah, NGO-yada iyo kuwa maxalliga ah ee ka hawlgala Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya.
Shirkan oo ka dhacay Hoolka Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Laascaanood, isla markaana uu guddoomiyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Osman Aadan Xuseen, ayaa waxaa ka qayb galay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Amniga iyo Arrimaha Gudaha, Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Amniga, iyo masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Qorshaynta.
Intii uu socday shirka, waxaa lagu soo bandhigay qaab-dhismeedka badqabka iyo amniga ee hay’adaha caalamiga ah, NGO-yada iyo kuwa maxalliga ah, iyadoo lagu falanqeeyey habka ay hay’adaha dowladda ee ay khusayso uga qayb qaadanayaan hirgelinta nidaamkan.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa sheegay in muhiim ay tahay in la helo nidaam mideysan oo lagu xoojinayo badqabka iyo amniga hay’adaha ka hawlgala deegaannada Dowladda, si loo xaqiijiyo jawi ammaan ah oo ay ku shaqeeyaan hay’adaha iyo shaqaalahooda.
Shirka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyey xoojinta wada-shaqeynta iyo isku-duwidda u dhexeysa hay’adaha dowladda, hay’adaha caalamiga ah, NGO-yada iyo kuwa maxalliga ah, si loo horumariyo nidaamka amniga iyo badqabka.
Ka qaybgalayaasha ayaa isku raacay muhiimadda ay leedahay dardargelinta diyaarinta iyo hirgelinta qaab-dhismeedkan, kaas oo gacan ka geysanaya hagaajinta isku-xirka iyo wada shaqaynta dhinacyada ay khusayso.
Shirkan ayaa qayb ka ah dadaallada Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya ay ku xoojinayso nidaamka amniga, badqabka iyo isku-duwidda hawlaha hay’adaha ka shaqeeya arrimaha bani’aadannimada iyo horumarinta.
– DHAMMAAD –
Xafiiska Warfaafinta & Xidhiidhka Dadweynaha
Wasaaradda Amniga Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya