Northeast State Parliament

Northeast State Parliament Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Northeast State Parliament, Government Official, Laascaanood.

TACSI                              انا لله وانا اليه راجعونGuddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda WBS Mudane Dr Aadan C...
21/08/2026

TACSI
انا لله وانا اليه راجعون

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda WBS Mudane Dr Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan waxa uu ka tacsiyeynayaa geerida ku timid Allaha u naxariistee marxuum Yuusuf Jibriil Garaad Cawl oo ah aabaha Madaxweyne ku xigeenka Dawladda WBS oo maanta ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Guddoomiyaha ayaa Alle uga baryay Marxuumka in uu u naxariisto, Jannatul fardawsana ka waraabiyo, ehelka oo uu ugu horreeyo Madaxweyne ku xigeenka Dawladda WBS Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl iyo guud ahaan qaraabadana samir iyo iimaan ka siiyo.

Laascaanood, 12 August 2026: Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada, ahna ku simaha guddoomiyaha Golaha Mudan...
12/08/2026

Laascaanood, 12 August 2026: Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada, ahna ku simaha guddoomiyaha Golaha Mudane Cabdirisaaq Jaamac Warsame (Salgan) ayaa shir guddoomiyay fadhiga guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Dawladda WBS.

Ajendaha fadhiga maanta waxa uu ahaa xog-waraysiga iyo Su'aala weydiinta Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda WBS iyo Ansixinta Ajendaha qabya qoraalka ah ee Kal-fadhiga 3-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda WBS.

Ugu horeyn, Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada ayaa warbixin guud ka dhagaystay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda WBS Mudane Cabdiqani Xuseen X Hiirad.

Intaa kadib, xubnaha Guddiga Joogtada ah ayaa su'aalo ka weydiiyay Wasiirka arrimaha kor u qaadista dakhliga dawladda WBS, canshuur uruurinta iyo dhammaan kaabayasha dhaqaalaha Dawladda WBS.

Ugu dambayn, Guddiga Joogtada ah ayaa ansixiyay Ajendaha qabya qoraalka ah ee Kal-fadhiga 3-aad, waxaana loo gudbin doonnaa xubnaha Golaha Wakiillada ajendaha qabyada ah, sida uu dhigayo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada qodobkiisa 20-aad.

Xafiiska Warfaafinta & Xidhiidhka Dadweynaha Golaha Wakiillada Dawladda WBS.

Laascaamood, 10 August 2026: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda WBS Mudane  Dr Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan ayaa dham...
10/08/2026

Laascaamood, 10 August 2026: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda WBS Mudane Dr Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan ayaa dhambaal Hambalyo iyo bogaadin ah u direy Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka JFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo maanta loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS.

Gudoomiye Dr Aadan Cabdullahi Aw-Xasan ayaa guddoomiyaha cusub alle uga baryey in uu u fududeeyo waajibaadka shaqo ee loo egmaday.

Xafiiska Warfaafinta & Xidhiidhka Dadweynaha Golaha Wakiillada Dawladda WBS.

04/08/2026

Hadal-jeedinta Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda WBS Mudane Dr Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan ee munaasibada xuska sanadguurada 1-aad ee Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya.

Xafiiska Warfaafinta & Xidhiidhka Dadweynaha Golaha Wakiillada Dawladda WBS.

Laascaanood, 4 August 2026: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Dr Aadan Cabdullaahi Aw-xasan oo uu wehaliyo Guddoomiy...
03/08/2026

Laascaanood, 4 August 2026: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Dr Aadan Cabdullaahi Aw-xasan oo uu wehaliyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Jaamac Warsame (Salgan) ayaa caawa ka qaybgalay munaasibada xuska sanad guursada 1-aad ee ka soo wareegtay aas-aas kii Dawaladda Waqooyi Bari Soomaaliya.

Munaasibadan xuska waxaa goobjoog ahaa isla markaana shacab weynaha Waqooyi Bari kala soo qayb galay Ra’iisul Wasaaraha DFS Mudane Xamse Cabdi Barre, Madaxweynaha Dawladda WBS MD Cabdiqaadir Axmed Aw Cali, Wafti heer Wasiirro iyo Xildhibaanno ah oo ka socday DFS.

Sidoo kale Munaasibadda waxaa qayb ka ahaa golayaasha kala duwan ee Dawladda WBS iyo marti sharaf kale oo ka socday bulshada qaybaheeda kala duwan.

Xafiiska Warfaafinta & Xidhiidhka Dadweynaha Golaha Wakiillada Dawladda WBS.

Laascaamood, 2 August 2026: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane  Dr Aadan Cabdullaahi Aw-xasan oo uu wehaliyo Guddoomi...
02/08/2026

Laascaamood, 2 August 2026: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Dr Aadan Cabdullaahi Aw-xasan oo uu wehaliyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Jaamac Warsame (Salgan) iyo Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa ka qayb galay soo dhaweynta wafdiga Ra'iisul Wasaaraha JFS Md. Xamse Cabdi Barre.

Xafiiska Warfaafinta & Xidhiidhka Dadweynaha Golaha Wakiillada Dawladda WBS.

30/07/2026

Laascaanood, 30 July 2026: Hadal jeedinta Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda WBS Mudane Dr Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan ee munaasibada xuska sanadguurada 1-aad ee Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya.

Xafiiska Warfaafinta & Xidhiidhka Dadweynaha Golaha Wakiillada Dawladda WBS.

XUSKA SANAD GUURADA 1AAD EE DAWLADDA WAQOOYI BARI SOOMAALIYA.Laascaanood, 30 July 2026: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada D...
30/07/2026

XUSKA SANAD GUURADA 1AAD EE DAWLADDA WAQOOYI BARI SOOMAALIYA.

Laascaanood, 30 July 2026: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda WBS Mudane Dr Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan oo uu wehliyo guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Jaamac Warsame (Salgan) iyo qaar kamid ah xildhibaanada Golaha ayaa maanta ka qaybgalay xuska sanad guurada koowaad ee dabaaldega Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya.

Gudoomiyaha ayaa guud ahaan shacab weynaha Waqooyi Bari ugu hambalyeeyey maalintan weyn ee xuska sanad guurada koowad ee dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya, isagoona xusay in maalintan ay shacab weynaha Waqooyi Bari u leedahay dareen gooniya oo ku dhisan midnimo iyo wada jir.

Xafiiska Warfaafinta & Xidhiidhka Dadweynaha Golaha Wakiillada Dawladda WBS.

29/07/2026

Laascaanood, 29 July 2026: Hadal jeedinta Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda WBS ee madasha Laascaanood Forum 2026.

Laascaanood, 29 July 2026: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda WBS Mudane Dr Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan  ayaa caawa ...
29/07/2026

Laascaanood, 29 July 2026: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda WBS Mudane Dr Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan ayaa caawa ka qaybgalay madasha Las'anod Forum 2026.

Madashan oo si guud loogu falanqeeyey isbadelada ka socda Geeska Afrika iyo doorka ay kuleedahay Waqooyi Bari sida horumarka, dhaqaalaha, nabadda iyo xasiloonida.

Guddoomiyaha ayaa ka jeediyey madasha qudbad dhinacyo badan taabanaysa taas oo uu kaga hadlay doorka muhiimka ah iyo deegaan ee Waqooyi Bari ku leedahay isbadalada ka socda geeska iyo sidii loola jaanqaadi lahaa isbadeladaasi si wada jir ahna loogu wajihi lahaa.

Xafiiska Warfaafinta & Xidhiidhka Dadweynaha Golaha Wakiillada Dawladda WBS.

Address

Laascaanood

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Northeast State Parliament posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share