Wasaaradda Beeraha Waraabka iyo Horumarinta Reer Miyiga Waqooyi-Bari

Wasaaradda Beeraha Waraabka iyo Horumarinta Reer Miyiga Waqooyi-Bari Official Page Ministry of Agriculture Irrigation and Rural Development Northeastern state of Somalia �

MAGACAABISLaascaanood, 31 Agoosto 2026Wasiirka Wasaaradda Beeraha, Waraabka iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Dawlad Gobole...
31/08/2026

MAGACAABIS

Laascaanood, 31 Agoosto 2026

Wasiirka Wasaaradda Beeraha, Waraabka iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, Mudane Cabdikarin Maxamuud Cabdi, (DEYR) ayaa magacaabay Guddoomiyeyaasha Xafiisyada Wasaaradda ee Degmooyinka Xudun, Boocame, Kalabaydh iyo Widhwidh.

Magacaabistan waxay qayb ka tahay xoojinta shaqada iyo adeegyada Wasaaradda ee heer degmo, gaar ahaan horumarinta wax-soo-saarka beeraha iyo taageerida bulshada reer miyiga.

Waxaan mas’uuliyiinta cusub u rajaynaynaa guul iyo inay si hufan u gutaan waajibaadkooda shaqo.

DHAMAAD
—————————————
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda Beeraha Waraabka iyo hurumarinta Reer miga Dowladda Waqooyi Bari Soomalya.

Laascaanood, 16 Agoosto 2026: Wasiirka Wasaaradda Beeraha, Waraabka iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Dowladda Waqooyi Bari...
16/08/2026

Laascaanood, 16 Agoosto 2026: Wasiirka Wasaaradda Beeraha, Waraabka iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya Mudane Abdikariim Mohmud Abdi (DEYR) ayaa ka qayb galay Shirka Isku-duwidda Arrimaha Bani’aadannimada Waqooyi Bari iyo Madaxda OCHA Soomaaliya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqaynta Dowladda Waqooyi Bari, Qaramada Midoobay iyo hay’adaha caalamiga ah, iyadoo Wasiirku wafdiga la wadaagay waxqabadka Wasaaradda, caqabadaha haysta beeraleyda Waqooyi Bari ee saameeya wax-soo-saarka dalagyada, iyo heerka wada-shaqaynta Wasaaradda iyo hay’adaha caalamiga ah.

Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo taageerada loo fidiyo waaxda beeraha, gaar ahaan kor u qaadista wax-soo-saarka beeraha, sugnaanta cuntada iyo la-qabsiga isbeddelka cimilada.

Kulanku wuxuu muhiim u yahay xoojinta iskaashiga iyo isku-duwidda dadaallada horumarineed ee lagu taageerayo bulshada iyo wax-soo-saarka beeraha ee Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya.

DHAMAAD
—————————————
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka DWBQS.

page:
https://www.facebook.com/share/1DZaCCVpdm/?mibextid=wwXIfr

Wasiirdawlaha Xafiiska Ra'iisalwasaaraha Mudane Xirsi Gaani oo Booqasho ku yimi Wasaaradda Beeraha Waqooyi Bari.Wasiirka...
04/08/2026

Wasiirdawlaha Xafiiska Ra'iisalwasaaraha Mudane Xirsi Gaani oo Booqasho ku yimi Wasaaradda Beeraha Waqooyi Bari.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha waraabka iyo horumarinta reer miyiga Mudane Cabdikariim Deyr Cabdi ayaa Xarunta dhaxe ee Wasaaradda kusoo dhaweeyey qaar kamid ah Wafdiga Raiisal wasaaraha Ee booqashada kuyimi Dawladda Waqooyi Bari.

Wasiir dawlaha Xafiiska Raiisal Wasaaraha Mudane Xirsi Gaani, Habdhawre kuxigeenka Golaha Shacabka Marwo Shara Bundubte oo kamida wafdiga Raiisal wasaaraha ayaa Xarunta dhexe ee Wasaaradda kulan shaqo kula qaatay Wasiirka, Agaasimaha Guud iyo qaar kamida Shaqaalaha wasaaradda. Ujeedka kulanka ayaa ahaa in laxoojiyo oo Kor looqaado xidhiidhka iyo wadashaqaynta Xukuumada DFS iyo Wasaarada BWHR.

Madaxda wasaaradda ayaa uga warbixiyey hawlaha socda Caqabadaha jira iyo Baahiyaha taaganba iyagoo sigaar ah ugu mahadceliyey Masuuliyantan Waqtigooda ay soo hureen.

DHAMAAD
—————————————
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka DWQS.

𝐁𝐮𝐮𝐡𝐨𝐨𝐝𝐥𝐞 :- 𝟎𝟑 𝐀𝐮𝐠𝐮𝐬𝐭 𝟐𝟎𝟐𝟔Wasiirka Wasaaradda Beeraha, Waraabka iyo Horumarinta Reer Miyiga Dowladda Waqooyi Bari Sooma...
03/08/2026

𝐁𝐮𝐮𝐡𝐨𝐨𝐝𝐥𝐞 :- 𝟎𝟑 𝐀𝐮𝐠𝐮𝐬𝐭 𝟐𝟎𝟐𝟔

Wasiirka Wasaaradda Beeraha, Waraabka iyo Horumarinta Reer Miyiga Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya, Mudane Cabdikariim Deyr Cabdi, ayaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer, wasiirka oo qayb ka ah wafdi heer sare ah oo Safar shaqo ku jooga magaalada. Buuhodle

Wafdiga waxaa hoggaaminaya Wasiirka Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Dib-u-dhiska Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ayuub Ismaaciil Yuusuf, waxaana sidoo kale ka mid ah Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Warsame Biidhaan, madaxwaynahi h**e SSC KHAATUMO Mudane Mohmed Yuosuf Jama Wasiirada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada , hawlaha guud Gadidka iyo dib udhiska iyo masuuliyiin kale.

Ujeeddada safarka ayaa ah dardargelinta mashaariicda horumarineed, xoojinta iskaashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Waqooyi Bari, iyo u kuurgelidda baahiyaha horumarineed ee bulshada Gobolka Togdheer, gaar ahaan degmada Buuhoodle.

DHAMAAD
—————————————
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Waqooyi Bari Soomalya.

31/07/2026

Wax-soo-saarka Beeraha Waqooyi Bari Somaliya

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Horumarinta Reer Miyiga Dowladda Waqooyi Bari Soomaliya ayaa munaasabaddii 30-ka Luulyo, Maalinta Aasaaska Dowladda Waqooyi Bari, ku soo bandhigtay goobta munaasabadda qaar ka mid ah wax-soo-saarka beeraha ee Waqooyi Bari.

Bandhiggan wuxuu muujinayaa dadaalka beeraleyda, fursadaha wax-soo-saarka dalka iyo muhiimadda ay leedahay horumarinta beeraha, waraabka iyo isku-filnaanshaha cuntada.

Beeruhu waa laf-dhabarta horumarka iyo isku-filnaanshaha bulshada.

27/07/2026

Laascaanood: 27-July-2026,

SHIRKA WADATASHIGA HINDISE SHARCIYEEDK XEERKA MAAMULKA DHUL BEEREEDKA IYO RUQSAD - BIXINTA DAWLADDA WAQOOYI BARI.

Wasaaradda Beeraha, Waraabka iyo Horumarinta Reer Miyiga ayaa soo qabanqaabisay Shirka Wadatashiga Hindise-Sharciyeedka Xeerka Maamulka Dhul-beereedka iyo Ruqsad-bixinta Dowladda Waqooyi Bari.
Shirkan Waxa kasoo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Mudane Cabdikariin Dayr Cabdi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Qaar kamida Shaqaalaha wasaaradda xildhibaanno, masuuliyiin kale iyo beeralay ka kala yimid deegaannada Waqooyi Bari.

Ugu horrayn waxaa lasoo bandhigay Hindise-sharciyeedka, iyadoo Beeralaydii ka qayb gashay madasha si firfircoon uga qayb qaadatay doodda, waxayna soo jeediyeen talooyin wax-ku-ool ah isla markaana bogaadiyeen sida hufan ee loo diyaariyey xeerka.

Gabagabadii shirka, Wasiir Cabdikariin Dayr ayaa ku dhawaaqay in si rasmi ah loo bilaabayo diiwaangelinta dhul-beereedka Dowladda Waqooyi Bari, isagoo adkeeyey in Wasaaraddu sii xoojin doonto wada shaqaynta ay la leedahay beeralayda. Shirkan wuxuu ahaa tallaabo muhiim u ah horumarinta maamulka dhulka, kobcinta wax-soo-saarka beeraha iyo dhismaha hannaan sharci oo waara.

Dhamaad.

Wasaaradda Beeraha Waraabka iyo Horumarinta reer Miyiha DWB ayaa berri qabanasa kulanka wada tashiga Hindise Sharciyeedk...
26/07/2026

Wasaaradda Beeraha Waraabka iyo Horumarinta reer Miyiha DWB ayaa berri qabanasa kulanka wada tashiga Hindise Sharciyeedka Xeerka Maamulka Dhul beereedka iyo Ruqsad bixinta dhul beereedka Dawladda Waqooyi Bari.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha, Waraabka iyo Horumarinta Reer Miyiga DWBS Mudane Cabdikariim Deyr Cabdi  ayaa ka qaybgalay ...
09/07/2026

Wasiirka Wasaaradda Beeraha, Waraabka iyo Horumarinta Reer Miyiga DWBS Mudane Cabdikariim Deyr Cabdi ayaa ka qaybgalay kulan laba maalmood socday oo ay yeesheen Wasaaradda Beeraha Federaalka iyo kuwa Dowlad goboleedyada, kaas oo lagu xoojinayay wada shaqeynta iyo isku duwidda horumarinta Beeraha Dalka.

Kulanka oo uu Guddoominayay Wasiirka Wasaaradda Beeraha Iyo Waraabka JFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa lagu gaaray go’aanno muhiim ah oo ay ka mid yihiin dhismaha Hanaan Qaran ee Isku duwidda Beeraha, qabashada shirar joogto ah oo lagu qiimeenayo horumarka beeraha, hirgelinta diiwaanka qaran ee beeraleeyda iyo sameynta nidaam casri ah oo lagu maareeyo xogta sugnaanta cuntada iyo nidaamka digniinta h**e-u-digidda

Sidoo kale, waxaa la isla qaatay in la xoojiyo wada shaqeynta Federaalka iyo Dowlad goboleedyada si loo dhiso hannaan qaran oo mideysan, kaas oo noqonaya xarunta laga heli doono xogta beeraha dalka, laguna dardargelinaayo horumarinta wax soosaarka iyo sugnaanta cuntada Soomaaliya.

_________

DHAMMAAD
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Xafiiska Xiriirka iyo Warbaahinta
Wasaaradda Beeraha, Waraabka iyo Horumarinta rer Miyiga DWBS.

Muqdisho: 8July:2026. Wasiirka Wasaaradda Beeraha Waraabka iyo Horumarinta reer Miyiga DWBS, Cabdikariim Maxamuud Cabdi ...
08/07/2026

Muqdisho: 8July:2026. Wasiirka Wasaaradda Beeraha Waraabka iyo Horumarinta reer Miyiga DWBS, Cabdikariim Maxamuud Cabdi ayaa ka qaybgalay shir wadatashi oo uu Guddoominayay Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, Maxamed Cabdi Xayir kana soo qeybgaleen Wasiirrada Wasaaradaha Beeraha iyo Waraabka ee Dawlad goboleedyada dalka
1. Jubaland
2. ⁠Koonfur Galbeed
3. ⁠Waqooyi Bari
4. ⁠Galmudug
5. ⁠Hirshabeele

Kulankaan ayaa diiradda lagu saaray is waafajinta siyaasadaha iyo sharciyada beeraha, horumarinta nidaamyada xogta, cilmi-baarista, adeegyada fidinta, casriyeynta waraabka iyo beeraha iyo xoojinta iskaashatooyinka beeraleyda.

Dhanka kale, kulanka waxaa looga dooday dhowr qodob oo mudnaan u leh hormarinta iyo tayeynta beeraha taasoo ay ka mid yihiin dhismaha Nidaamka Qaran ee Isku duwidda Beeraha, Diiwaanka Qaranka ee Beeraleyda, Nidaamka digniinta h**e u digidda ee khataraha, Keydka Abuurka, Kaydka Qaran ee Cuntada iyo mideynta qaab dhismeedka, siyaasadaha iyo istaraatiijiyadda beeraha.

Shirkan ayaa la filayaa inuu dardargeliyo wada shaqeynta dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada, isla markaana xoojiyo horumar waara oo ku saleysan wax soosaarka beeraha iyo sugnaanta cuntada Soomaaliya.

_________

DHAMMAAD
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Xafiiska Xiriirka bulshada iyo Warbaahinta
Wasaaradda Beeraha Waraabka iyo Horumarinta reer Miyiga DWBS.

06/07/2026

Baydhabo: Wasiirka Beeraha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Cabdikariin Dayr Cabdi oo Baydhaba uga qeyb gelaya munaasabadda caleema-saarka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa u waramay Warbaahinta Qaranka.

Dhamaad.

Address

Lasanod
Laascaanood
00000

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wasaaradda Beeraha Waraabka iyo Horumarinta Reer Miyiga Waqooyi-Bari posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share