Dr. Aden Abdullahi Aw Hassan

Dr. Aden Abdullahi Aw Hassan The Official Page of the Speaker of the House of Representatives of the North Eastern State of Somalia.

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska iyo ehelka Marxuum Qaasim Xaaji Dalqaf, oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho...
29/08/2026

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska iyo ehelka Marxuum Qaasim Xaaji Dalqaf, oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Waxaan Alle uga baryayaa marxuumka inuu ka waraabiyo Jannatul Firdawsa, qoyskiisa iyo ehelkiisana uu ka siiyo samir iyo iimaan.

Aamiin.

إنا لله وإنا إليه راجعون.waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya Ab...
21/08/2026

إنا لله وإنا إليه راجعون.

waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya Abdirashiid Yusuf Jibril, qoyskiisa iyo dhammaan eheladii uu ka geeriyooday aabbihii Marxuum Yusuf Jibril Cawl oo ku geeriyooday magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya.

Waxaan Alle SWT uga baryayaa marxuumka inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, ehelka, qaraabada iyo dhammaan qoyskiisana uu ka siiyo samir iyo iimaan.

Hambalyo Sanad-guurada 20-aad ee Galmudug.Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa shacabka iyo Dowladda Galmudug munaasab...
14/08/2026

Hambalyo Sanad-guurada 20-aad ee Galmudug.

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa shacabka iyo Dowladda Galmudug munaasabadda Xuska 20-aad ee kasoo wareegtay aas-aaska Galmudug.

Waxaan Galmudug u rajaynayaa nabad, horumar, midnimo iyo barwaaqo waarta.

Hambalyo Galmudug.

04/08/2026

Waxaan shacabka reer Waqooyi Bari Soomaaliya ugu hambalyeynayaa munaasabaddan qiimaha leh.

Xalay waxaan ka qayb galay munaasabadda xuska sannad-guurada koowaad ee ka soo wareegtay aas-aaskii Dawladda Waqooyi Bar...
04/08/2026

Xalay waxaan ka qayb galay munaasabadda xuska sannad-guurada koowaad ee ka soo wareegtay aas-aaskii Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya, oo ay kasoo qaybgaleen madaxda sare ee dalka, uu ugu horreeyo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, Madaxweynaha Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw Cali, iyo masuuliyiin kale.

Waxaan shacabka reer Waqooyi Bari Soomaaliya ugu hambalyeynayaa munaasabaddan qiimaha leh, anigoo Alle uga baryaya inuu ku gallado nabad waarta, midnimo, horumar iyo dowladnimo sugan.

03/08/2026

Xuska Sanadguurada 1aad Aasaaska Dawladda Waqooyi Bari .

Maanta waxaan sharaf weyn ii ah inaan ka qayb galo xuska sanad-guurada 1-aad ee aasaaska Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliy...
30/07/2026

Maanta waxaan sharaf weyn ii ah inaan ka qayb galo xuska sanad-guurada 1-aad ee aasaaska Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya, anigoo ay iweheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada, Mudane Cabdirisaaq Jaamac Warsame (Salgan), iyo qaar ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada.

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan shacabka Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya munaasabadda qiimaha badan ee xuska sanad-guuradan koowaad. Maalintani waxay astaan u tahay midnimo, wadajir iyo himilada ay shacabka Waqooyi Bari u mideysan yihiin.

Waxaan Alle ka baryayaa inuu inagu gallado nabad, horumar iyo dowladnimo sii xoogaysata, shacabka Waqooyi Bari waxaan u rajaynayaa sanad-guurooyin badan oo ku soo noqda barwaaqo iyo guulo.

Caawa waxaan ka qayb galay daah-furka Madasha Laascaanood (Laascaanood Forum 2026), oo sanadkeedii koowaad lagu qabtay M...
29/07/2026

Caawa waxaan ka qayb galay daah-furka Madasha Laascaanood (Laascaanood Forum 2026), oo sanadkeedii koowaad lagu qabtay Magaalada Laascaanood caasimadda Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya.

Madashan waxay muhiim u tahay is-dhaafsiga fikradaha, wada-tashiga iyo horumarinta dowladnimada.

Waxaan bogaadinayaa dhammaan qabanqaabiye-yaasha Laascaanood Forum 2026, waxaanan rajaynayaa inay noqoto madal joogto ah oo kaalin muuqata ka qaadata horumarka, nabadda, iyo mideynta bulshada Waqooyi Bari Soomaaliya.

Maanta waxaan Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ku wareejiyey 2640geed oo ay ku deeqeen Ururka ASAP, oo ay ku...
25/07/2026

Maanta waxaan Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ku wareejiyey 2640geed oo ay ku deeqeen Ururka ASAP, oo ay ku mideysan yihiin aqoonyahanno iyo khubaro ku takhasusay arrimaha deegaanka iyo ilaalinta khayraadka dabiiciga ah.

Dhirtaan waxay door muhiim ah ka qaadan doontaa dib-u-cagaaraynta deegaanka, yaraynta saameynta isbeddelka cimilada, iyo xoojinta dadaallada lagu ilaalinayo deegaanka.

Waxaan uga mahadcelinayaa Ururka ASAP deeqdan qiimaha badan, waxaana ku kalsoonahay in Wasaaradda Deegaanku si habboon u beeri doonto una daryeeli doonto dhirtaas si ay uga qayb qaadato horumarinta iyo bilicda deegaanka.

Address

Laascaanood

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr. Aden Abdullahi Aw Hassan posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share