Himilo Development And Research Forum HDRF

  • Home
  • Himilo Development And Research Forum HDRF

Himilo Development And Research Forum HDRF Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Himilo Development And Research Forum HDRF, Public Service, .

01/01/2026
31/12/2025
WAR-SAXAAFADEEDWasaaradda Shaqadda, Arrimaha Bulshada, Dhalinyarada iyo CiyaarahaWasiirka: Mudane Ibrahim Jamac RaygalWa...
03/12/2025

WAR-SAXAAFADEED

Wasaaradda Shaqadda, Arrimaha Bulshada, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha
Wasiirka: Mudane Ibrahim Jamac Raygal
Wasiir Ku-xigeenka: Mudane Mohamed Ali Cismaan Samatar

Madasha Horumarinta iyo Cilmi-baadhista Himilo ayaa booqasho ku tagtay Wasaaradda shaqadda, Arimaha bulshadda, Dhalinyarrada iyo Ciyaaraha iyadoo ujeedadu ahayd isbarasho iyo xoojinta hawlaha horumarinta bulshada iyo cilmi-baarista.

Waftiga Himilo waxaa si diirran u soo dhoweeyay:

Wasiirka, Mudane Ibrahim Jamac Raygal

Wasiir Ku-xigeenka, Mudane Mohamed Ali Cismaan Samatar

Waftiga Himilo waxaa ka mid ahaa:

Guddoomiyaha Madasha, Mudane Mohamed Maxamuud Ali

Xoghayaha ahna Madaxa Xiriirka, Iskaashiga Qurbajoogta iyo Hay’adaha Kale, Mudane Maxamuud Abdilahi Maxamed iyo Madaxda kale ee waaxyaha Madasha

Mas’uuliyiinta wasaaradda waxay soo bandhigeen hawlaha muhiimka ah ee ay bulshada u qabtaan, oo ay ka mid yihiin:

Horumarinta dhalinyarada iyo xirfadaha shaqo

Kobcinta shaqo-abuurka iyo adeegyada shaqada

Taageerada ciyaaraha iyo barnaamijyada kor u qaada fayo-qabka

Hawlaha horumarinta bulshada iyo adeegyada bulshada

Dhanka kale, Madasha Himilo waxay soo bandhigtay doorka ay ka qaadato:

Cilmi-baarista arrimaha bulshada iyo horumarka

Talo-bixinta ku dhisan daraasado iyo xog sugan

Wacyigelinta bulshada iyo dhalinyarada

Iskaashiga hay’adaha dowladda iyo bulshada rayidka ah

Kulanka ayaa kusoo dhamaaday iyadoo labada dhinac ay isla gartay in la xoojiyo wada-shaqaynta iyo in la dardargeliyo mashaariicda horumarinta bulshada iyo cilmi-baarista mustaqbalka.

Kulanka waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa xildhibaan ka tirsan Xildhibaanadda Sanaag, Mudane Abdifatax Hassan Aadan.

WAR-SAXAAFADEEDWasaaradda Qorshaynta, Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah – Maamulka Waqooyi BariWasiir-ku-xigeenka:...
02/12/2025

WAR-SAXAAFADEED

Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah – Maamulka Waqooyi Bari
Wasiir-ku-xigeenka: Mudane Ayuub Aadan Siciid

Maanta waxaa xarunta Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Maamulka Waqooyi Bari booqasho isbarasho ah ku tagay Guddoomiye Ku-xigeenka Madasha Himilo Development and Research Forum, Mudane Axmed Cabdi Faarax, iyo Xoghayaha Madasha, ahna Madaxa Xiriirka, Iskaashiga Qurbajoogta iyo Hay’adaha Kale, Mudane Maxamuud Cabdillaahi Maxamed.
Masuuliyiinta Madasha waxaa si sharaf leh halkaas ugu soo dhaweeyay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda, Mudane Ayuub Aadan Siciid, iyagoo kulanka ku lafaguray isbarasho guud, xog-wareysi iyo sida loo bilaabilahaa wada-shaqayn ka dhaxaysa Madasha iyo Wasaaradda.
Booqashadu waxay ku dhammaatay is-faham iyo niyad-sami, waxaana labada dhinac isla garteen muhiimadda ay leedahay wada-shaqayn joogto ah oo ku saleysan horumar, cilmi-baaris iyo iskaashi mustaqbal leh.
— DHAMMAAD —

29/11/2025

Kulanka Aqoonyahannada Gobolka Sanaag iyo Wasiir-ku-xigeenka Dhalinyarada, Ciyaaraha, Shaqada iyo Shaqaalaha ee Dawlad-Goboleedka Waqooyi Bari

Kulankan oo ay soo qaban-qaabisay Madasha Horumarinta Cilmi-baadhista ee Himillo Development and Research Forum ayaa waxaa ka qayb-galay aqoonyahanno iyo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha, Shaqada iyo Shaqaalaha ee Dawlad-Goboleedka Waqooyi Bari.

Kulanka Aqoonyahannada Gobolka Sanaag iyo Wasiir-ku-xigeenka Dhalinyarada, Ciyaaraha, Shaqada iyo Shaqaalaha ee Dawlad-G...
28/11/2025

Kulanka Aqoonyahannada Gobolka Sanaag iyo Wasiir-ku-xigeenka Dhalinyarada, Ciyaaraha, Shaqada iyo Shaqaalaha ee Dawlad-Goboleedka Waqooyi Bari

Kulankan oo ay soo qaban-qaabisay Madasha Horumarinta Cilmi-baadhista ee Himillo Development and Research Forum ayaa waxaa ka qayb-galay aqoonyahanno iyo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha, Shaqada iyo Shaqaalaha ee Dawlad-Goboleedka Waqooyi Bari.

Ujeedada kulanku waxay ahayd:
Is-barasho iyo dhisidda xiriir wada-shaqayn
Is-xogwaraysi ku saabsan baahiyaha dhallinyarada iyo bulshada
Is-weydaarsi fikir iyo kala-talo-qaadasho horumarineed

Gebogebadii kulanka waxaa lagu heshiiyey:

1. In la xoojiyo midnimada, wadajirka iyo nabadda.

2. In la taageero maamulka Dawlad-Goboleedka Waqooyi Bari, gaar ahaan arrimaha horumarinta bulshada, dhallinyarada, amniga iyo dadaallada uu maamulka waddo.

3. In la garab istaago shacabka deegaanka Galwa’ta, oo ku hawlan dhammaystirka waddada isku xidha Yube iyo Shidan, islamarkaana dawladdu ka qaadato doorkeeda muuqda.

4. In la dardar-geliyo iskaashiga maamul iyo shacab, si loo helo xal waara oo wax looga qabto caqabadaha deegaanka, sida abaaraha iyo adeegyada bulshada.

5. In la xoojiyo cilmi-baadhista iyo daraasadaha horumarineed, si go’aan-qaadashada mustaqbalka loogu saleeyo xog iyo cilmi sax ah.

6. In la sii wado kulamada noocan ah, si ay u noqdaan kuwo joogto u dhiirrigeliya wada-hadalka, midnimada iyo isku-duubnida bulshada.

Waqtiga: kulanka 27/11/20258:00 pm 🕗 Goobta: Waafi hotel Kasoo qayb galkaagu waa noo muhiim
26/11/2025

Waqtiga: kulanka 27/11/2025
8:00 pm 🕗
Goobta: Waafi hotel

Kasoo qayb galkaagu waa noo muhiim

Wasiir-kuxigeenka Dhalinyarada, Ciyaaraha, Shaqada iyo Shaqaalaha ee Maamulka Waqooyi Bari iyo aqoonyahanka gobolka oo kulmaya.

Kulanka waxa soo agasimay Madasha Himilo Development And Research Forum.

Wasiir-kuxigeenka Dhalinyarada, Ciyaaraha, Shaqada iyo Shaqaalaha ee Maamulka Waqooyi Bari iyo aqoonyahanka gobolka oo k...
20/11/2025

Wasiir-kuxigeenka Dhalinyarada, Ciyaaraha, Shaqada iyo Shaqaalaha ee Maamulka Waqooyi Bari iyo aqoonyahanka gobolka oo kulmaya.

Kulanka waxa soo agasimay Madasha Himilo Development And Research Forum.

Laascaanood, Waqooyi-Bari — Kulan ay galabta isugu yimaadeen xubnaha Madasha Himilo Development and Research Forum (HDRF...
24/10/2025

Laascaanood, Waqooyi-Bari — Kulan ay galabta isugu yimaadeen xubnaha Madasha Himilo Development and Research Forum (HDRF) ayaa lagu doortay hoggaan rasmi ah oo ka kooban:

Guddoomiye: Maxamed Maxamuud Cali
Guddoomiye Ku-xigeen: Dr. Maxamuud Cabdikariim Cali
Xoghayaha Guud: Maxamuud Cabdillaahi Maxamed
Madaxa Waaxyaha: Dr. Axmed Cabdifaarax

Ujeeddada Madasha waa horumarinta arrimaha bulshada, siyaasadda, iyo cilmi-baarista ee deegaannada Gobolka Sanaag ee hoos yimaada Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Address


Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Himilo Development And Research Forum HDRF posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

  • Want your organization to be the top-listed Government Service?

Share