Wasaaradda Duulista Hawada Dawladda Waqooyi Bari Somalia

Wasaaradda Duulista Hawada Dawladda Waqooyi Bari Somalia Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Wasaaradda Duulista Hawada Dawladda Waqooyi Bari Somalia, Government Organization, Dhinaca Bari ee Saldhiga dhexe, Laascaanood.

13/07/2026

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya Mudane Ahmed Abdi Shire ( Ahmed Shire ) ayaa si diirran loogu soo dhoweeyey Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Laascaanood.

Soo dhoweynta wasiirka waxaa ka qayb galay xubno ka tirsan Golaha Wakiillada, masuuliyiin ka tirsan xukuumadda, iyo dhammaan hawlwadeennada Wasaaradda Duulista Hawada Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya.

Wasiirka ayaa la filayaa inuu kulammo la yeesho madaxda dowladda iyo masuuliyiinta wasaaradda, isagoo ka wada hadli doona arrimo la xiriira horumarinta duulista hawada, adeegyada garoomada diyaaradaha, iyo qorshayaasha wasaaradda ee xilligan.

12 Luulyo 2026 | LaascaanoodWasiirka Wasaaradda Duulista Hawada ee Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya, Axmed Cabdi Shire (...
12/07/2026

12 Luulyo 2026 | Laascaanood
Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada ee Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya, Axmed Cabdi Shire ( Ahmed Shire ), ayaa maanta kusoo wajahan caasimadda Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya ee Laascaanood, kaddib safar shaqo oo uu ku maqnaa dibadda.

Wasiirka ayaa maalmihii u dambeeyay safarro shaqo ku tagay dalka Mareykanka iyo caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho, halkaas oo uu kulamo iyo hawlo shaqo ku soo qaatay.

Wasaaradda Duulista Hawada Dawladda Waqooyi Bari Somalia

Hambalyada Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya ee Munaasabadda 26-da JuunWasiirka Wasaa...
26/06/2026

Hambalyada Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya ee Munaasabadda 26-da Juun

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya, Mudane Axmed Cabdi Shire, wuxuu hambalyo u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya, munaasabadda qiimaha badan ee 26-da Juun, oo ku beegan sannad-guuradii xorriyaddii gobolladii Waqooyi ee Soomaaliya.

Munaasabaddan taariikhiga ahi waa maalin lagu xusuusto halgankii geesiyaashii Soomaaliyeed ee horseeday gobannimada iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed.

Wasiirku wuxuu si gaar ah u xusayaa shacabka Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya oo taariikh ahaan caan ku ahaa gumaysi diid iyo difaacidda dhulkooda. Iyadoo gumaystuhu kala kulmay bilowgiiba iska caabin adag iyo difaac geesinimo leh oo ay bulshada deegaannadu muujiyeen markii uu isku dayay inuu kusoo fido dhulkan.

Ugu dambayn, Wasiirku wuxuu Alle uga baryayaa shacabka Soomaaliyeed midnimo, nabad waarta, horumar iyo barwaaqo.

๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐ข๐ข ๐“๐จ๐๐จ๐›๐š๐š๐๐ฅ๐š๐ก๐š ๐ž๐ž ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐ข๐ฌ๐ญ๐š ๐‡๐š๐ฐ๐š๐๐š ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐ ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ž๐ž๐๐ค๐š ๐–๐š๐ช๐จ๐จ๐ฒ๐ข ๐๐š๐ซ๐ข, ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐šโ€”โ€”โ€”โ€”โ€”โ€”๐‹๐š๐š๐ฌ๐œ๐š๐ง๐จ๐จ๐, 24 June ...
24/06/2026

๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐ข๐ข ๐“๐จ๐๐จ๐›๐š๐š๐๐ฅ๐š๐ก๐š ๐ž๐ž ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐ข๐ฌ๐ญ๐š ๐‡๐š๐ฐ๐š๐๐š ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐ ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ž๐ž๐๐ค๐š ๐–๐š๐ช๐จ๐จ๐ฒ๐ข ๐๐š๐ซ๐ข, ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š
โ€”โ€”โ€”โ€”โ€”โ€”

๐‹๐š๐š๐ฌ๐œ๐š๐ง๐จ๐จ๐, 24 June 2026: Waxaa maanta si habsami leh u qabsoomay shirka toddobaadlaha ah ee Wasaaradda Duulista Hawada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, kaas oo uu shir guddoominayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada, Mudane Sayid Abdullahi Gahnug.

Shirka waxaa sidoo kale ka qaybgalay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda, Agaasimayaasha Waaxyaha kala duwan iyo Madax qaybeedyada Wasaaradda.

Ajandaha shirka ayaa diiradda lagu saaray qodobbadan:

1. Warbixin guud oo ku saabsan waxyaabihii u hirgalay Wasaaradda toddobaadkan.
2. Qorsheynta iyo dardargelinta hawlaha shaqo ee garoomada diyaaradaha.
3. Kor u qaadista amniga garoomada iyo kobcinta aqoonta hawl wadeennada ka hawlgala garoomada.

Intii uu shirku socday, waxaa si qoto dheer loo dhegeystay warbixinno ku saabsan hawlaha shaqo ee Wasaaradda u qabsoomay muddadii toddobaadka ahayd, iyadoo sidoo kale la falanqeeyey qorshayaasha lagu horumarinayo adeegyada iyo hawlaha garoomada diyaaradaha.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa ku adkeeyey masuuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda inay sii laba jibbaaraan dadaallada ay ugu jiraan horumarinta adeegyada duulista hawada, kor u qaadista amniga garoomada, iyo tayeynta aqoonta hawl wadeennada si loo hubiyo adeeg hufan oo waafaqsan heerarka shaqo ee loo dejiyey.

Ugu dambayn, shirka waxaa lagu soo gabagabeeyey is afgarad iyo go'aamo wax ku ool ah oo lagu xoojinayo dardargelinta hawlaha shaqo, horumarinta garoomada diyaaradaha, iyo kor u qaadista tayada adeegyada ay Wasaaraddu u hayso bulshada.

-๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐Œ๐€๐€๐ƒ-

---

๐‘ฟ๐’‚๐’‡๐’Š๐’Š๐’”๐’Œ๐’‚ ๐‘พ๐’‚๐’“๐’‡๐’‚๐’‚๐’‡๐’Š๐’๐’•๐’‚ ๐’Š๐’š๐’ ๐‘ฟ๐’Š๐’…๐’‰๐’Š๐’Š๐’…๐’‰๐’Œ๐’‚ ๐‘ซ๐’‚๐’…๐’˜๐’†๐’š๐’๐’‚๐’‰๐’‚
๐‘พ๐’‚๐’”๐’‚๐’‚๐’“๐’‚๐’…๐’…๐’‚ ๐‘ซ๐’–๐’–๐’๐’Š๐’”๐’•๐’‚ ๐‘ฏ๐’‚๐’˜๐’‚๐’…๐’‚
๐‘ซ๐’๐’˜๐’๐’‚๐’…-๐‘ฎ๐’๐’ƒ๐’๐’๐’†๐’†๐’…๐’Œ๐’‚ ๐‘พ๐’‚๐’’๐’๐’๐’š๐’Š ๐‘ฉ๐’‚๐’“๐’Š ๐‘บ๐’๐’๐’Ž๐’‚๐’‚๐’๐’Š๐’š๐’‚.

Agaasimaha guud ee wasaaradda duulista hawada dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya Axmed Cabdulahi Gaxnug (Sayid) ayaa ka qa...
06/06/2026

Agaasimaha guud ee wasaaradda duulista hawada dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya Axmed Cabdulahi Gaxnug (Sayid) ayaa ka qaybgalay shirka Guddiga Hayโ€™adaha Dardargelinta Dakhliga ee Dawladda Woqooyi Bari Soomaaliya, oo ka qabsoomay Xarunta Wasaaradda Arimaha Gudaha ee DWS.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta dakhliga, iyo u diyaar-garowga Kulanka Wadatashiga Dawladda iyo Ganacsatada ee ku saabsan kor u qaadista dakhliga.

______________Dhamaad______________
Wasaaradda Duulista Hawada Dawladda Waqooyi Bari Somalia

๐—–๐—œ๐—œ๐—— ๐—”๐—Ÿ-๐—”๐——๐—ซ๐—” ๐— ๐—จ๐—•๐—”๐—ฅ๐—”๐—ž ๐ŸŒ™โœจWasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya ๐™ˆ๐™ช๐™™๐™–๐™ฃ๐™š ๐™–๐™๐™ข๐™š๐™™ ๐˜ผ๐™—๐™™๐™ž ๐™Ž๐™๐™ž๐™ง๐™š (Ahm...
27/05/2026

๐—–๐—œ๐—œ๐—— ๐—”๐—Ÿ-๐—”๐——๐—ซ๐—” ๐— ๐—จ๐—•๐—”๐—ฅ๐—”๐—ž ๐ŸŒ™โœจ

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya ๐™ˆ๐™ช๐™™๐™–๐™ฃ๐™š ๐™–๐™๐™ข๐™š๐™™ ๐˜ผ๐™—๐™™๐™ž ๐™Ž๐™๐™ž๐™ง๐™š (Ahmed Shire) ayaa hambalyo iyo bogaadin u diraya dhammaan shacabka Soomaaliyeed munaasabadda barakeysan ee Ciidul Adxa.

Waxaan Alle uga baryeynaa inuu ciiddan ciideeda nagu gaarsiiyo nabad, barwaaqo iyo horumar, isla markaana uu inaga aqbalo acmaasha wanaagsan.

๐—–๐—ถ๐—ถ๐—ฑ ๐˜„๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐—ด๐˜€๐—ฎ๐—ป!

________Dhamaad________
Wasaaradda Duulista Hawada Dawladda Waqooyi Bari Somalia

DAAHFURKA AQOON IS-WAYDAARSIGA QORSHAHA IS-BEDELKA QARANKA (NTP)Laascaanood,waqooyi bari,Soomaaliya -23 may 2026:Agaasim...
24/05/2026

DAAHFURKA AQOON IS-WAYDAARSIGA QORSHAHA IS-BEDELKA QARANKA (NTP)

Laascaanood,waqooyi bari,Soomaaliya -23 may 2026:

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Duulista Hawada Dawladda Waqooyi Bari Somalia, mudane Ahmed Abdilahi Gahnug (Sayid) iyo agaasimaha waaxda qorshaynta, mudane, Jaamac gurxan ayaa ka qayb galay aqoon is-waydaarsi ku saabsan qorshaha is-beddelka qaranka (NTP 2025-2029),oo ay magaalada laascaanood ku qabatay wasaaradda qorshaynta Dowladda federaalka Soomaaliya.

Kulankan oo soconaya muddo saddex maalmood ah, ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta wada - shaqaynta qorshaynta,mideynta mudnaanta horumarineed, iyo dardar gelinta, hirgalinta qorshaha is-bedelka Qaranka.

Kulanka waxaa goob-joog ka ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda qorsheynta Dowladda federaalka Soomaaliya, mudane Abdifatah hareed,agaasimaha waaxda qorshaynta Dowladda federaalka Soomaaliya, wasiir ku-xigeenka wasaaradda qorshaynta Dowlad gobaleedka waqooyi bari iyo agaasimaha wasaaradda qorshaynta Dowlad gobaleedka waqooyi bari Soomaaliya.

Wasaaradda duulista iyo hawada Dowladda waqooyi bari ayaa xoojisay doorkeeda ku aadan ka qayb qaadashada qorshaynta iyo horumarinta adeegyada muhiimka ah ee dalka .

--------- DHAMAAD---------

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA DUULISTA IYO HAWADA WAQOOYI BARI.

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Dawladda Waqooyi Bari Somalia mudane  Ahmed Abdii shire oo uu weheli wasiirka maaliy...
22/05/2026

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Dawladda Waqooyi Bari Somalia mudane Ahmed Abdii shire oo uu weheli wasiirka maaliya mudane abdiqani xuseen hiirad,oo ku guda jira socdaal shaqo oo ay ku joogaan dalka maraykanka,ayaa soo qabanqaabiyay shirka nabada iyo horumarka maamulka waqooyi bari oo dhacaya 23 may 2026.

Socdaalka wasiirrada ayaa ujeedkiisu yahay dar-dar galinta shaqooyinka maamulka .

Inta uu socdaalku socdo, wasiirradu waxay kulamo kala duwan la qaadan doonaan qurba joogta, qaybaha kala duwan ee bulshada, heer gobol iyo heer degmaba.

Iyadoo kulamadaas diirada lagu saarayo adkaynta midnimada,garab istaaga maamulka iyo ka shaqaynta horumarka deegaanka.

Xafiiska warfaafinta wasaaradda duulista iyo hawada.

----Dhamaad----

๐—Ÿ๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ฐ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ผ๐—ผ๐—ฑ, ๐Ÿญ๐Ÿฎ ๐— ๐—ฎ๐˜† ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐ŸฒWaxaan maanta lagu soo dhoweyey xarunta Wasaaradda Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Duulista Hawad...
12/05/2026

๐—Ÿ๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ฐ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ผ๐—ผ๐—ฑ, ๐Ÿญ๐Ÿฎ ๐— ๐—ฎ๐˜† ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฒ

Waxaan maanta lagu soo dhoweyey xarunta Wasaaradda Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Duulista Hawada Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliyaa Mudane Axmed Cabdulahi Gaxnug (Sayid).

Soo dhoweynta waxaa qayb ka ahaa Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda, Lataliyaha Sare ee Arrimaha Amniga iyo Badbaadada Garoomada, Mareeyaha Garoonka Laascaanood, agaasimayaasha waaxyaha iyo hawlwadeennada Wasaaradda.

Masuuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaraddu waxay Agaasimaha cusub u rajeeyeen shaqo gudasho wanaagsan, iyagoo muujiyey inay si buuxda ula shaqayn doonaan si loo horumariyo adeegyada duulista hawada iyo tayada shaqo ee Wasaaradda.

Dhanka kale, Agaasimaha cusub ayaa usoo bandhigay qorshihiisa shaqo ee lagu hagayo Wasaaradda muddada soo socota. Qorshahaasi wuxuu diiradda saarayaa horumarinta nidaamka shaqo, xoojinta wada shaqaynta gudaha Wasaaradda, kor u qaadista tayada adeegyada duulista hawada, dardargelinta arrimaha badbaadada iyo amniga garoomada, iyo hirgelinta hannaan casri ah oo wax ku ool u ah adeegyada Wasaaradda.

___ DHAMMAAD ___

Address

Dhinaca Bari Ee Saldhiga Dhexe
Laascaanood
000

Opening Hours

Monday 08:00 - 04:00
Tuesday 08:00 - 04:00
Wednesday 08:00 - 04:00
Thursday 08:00 - 04:00
Saturday 08:00 - 04:00
Sunday 08:00 - 04:00

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wasaaradda Duulista Hawada Dawladda Waqooyi Bari Somalia posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share