16/07/2025
ثَلاثَةُ أَعْمَالٍ لَا تَدْخُلُ الْمَوَازِينَ يَوْمَ الْقِيَامَةِ لِعِظَمِهَا:
Saddex camal oo aan miisaanka gelin Maalinta Qiyaame maxaa yeelay waa kuwo aad u weyn!
١. الْعَفْوُ عَنِ النَّاسِ: لَمْ يُحَدَّدِ الْأَجْرُ
Ajarkooda lama xadidin (waa ajar aan la koobi karin).
Aayad Qur'aan:
( فَمَنْ عَفَا وَأَصْلَحَ فَأَجْرُهُ عَلَى اللَّهِ
الشُّورَى: ٤٠) (Suuradda Ash-Shuuraa: 40)
"Ruuxii cafiya oo hagaajiya, ajarkiisu wuxuu saaran yahay Ilaahay.
٢. الصَّبْرُ: لَمْ يُحَدَّدِ الْأَجْرُ
Ajarkiisa lama xadidin, aad buu u weyn yahay.
Aayad Qur'aan:
( إِنَّمَا يُوَفَّى الصَّابِرُونَ أَجْرَهُمْ بِغَيْرِ حِسَابٍ
الزُّمَر: ١٠ )(Suuradda Az-Zumar: 10)
"Samirayaashu ajarkooda waxaa la siin doonaa iyaga oo aan xisaab la saarin."
٣. الصِّيَامُ: لَمْ يُحَدَّدِ الْأَجْرُ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ ﷺ عَنْ رَبِّهِ عَزَّ وَجَلَّ:
Ajarkiisa sidoo kale lama xadidin, Ilaahay kaliya ayaa og ajarkiisa.
( كُلُّ عَمَلِ ابْنِ آدَمَ لَهُ إِلَّا الصِّيَامَ فَإِنَّهُ لِي وَأَنَا أَجْزِي بِهِ)
Dhammaan camalka Aadanaha waa isaga leeyahay, marka laga reebo soonka – soonku waa Ilaahay u gaar, Ilaahay ayaa isagu si gaar ah u abaal marinaya).
صُومُوا، وَاصْبِرُوا، وَاصْفَحُوا
Sooma, samra, cafiyana dadka.
■ ■Maxay ka baranaynaa fasir guud:
1: cafinta dadka; ay tahay camal sare oo xitaa malaa'igta aysan cabbiri karin ajarkiisa.
2: samirka; inuu yahay dariiq jannada lagu galo iyadoo ajarka ilaahey bixinaayo si aan xadidnayn.
3: soonka; inuu yahay camal si gaar ah ilaahey u xuso oo ajarkiisa uu ilaahey si toos ah u bixinayo.
♤♤ Qofkii raba kheyr adduun iyo aakhiro ha cafiyo, ha soomo, hana samro.
اللهم اجعلنا منهم، آمين. 🤲🏼
Written by : mohamedamiin afgooye