Hirsi Ganni

Website Contact the organization

Hirsi Ganni Minister of State in the office Prime Minister of Somalia.

Waxaan maanta booqasho ku tagay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Tanzania, anigoo hoggaaminaya wafdi ka socda Dowladda Federa...
28/08/2026

Waxaan maanta booqasho ku tagay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Tanzania, anigoo hoggaaminaya wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxaa halkaas nagu soo dhaweeyey Mudane Deus Sangu, Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha.

Booqashadani waxay qayb ka tahay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu horumarinayo, lagu casriyeynayo, laguna tayeynayo hay’adaha dowladda.

Sharaf weyn ayay noo tahay in maanta magaalada Muqdisho noogu qabsoomay shirweynaha beesha Awrtable, isla markaana si di...
20/06/2026

Sharaf weyn ayay noo tahay in maanta magaalada Muqdisho noogu qabsoomay shirweynaha beesha Awrtable, isla markaana si diirran loogu soo dhaweeyey Ugaas Omar Ugaas Geelle.

Kulankan oo ay kasoo qaybgaleen haweenka, odayaasha dhaqanka, waxgaradka, dhalinyarada iyo guud ahaan qaybaha kala duwan ee bulshada, ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta midnimada, wadajirka iyo iskaashiga beesha iyo sii xoojinta doorka qaybaha kala duwan ee beeshu ka qaadanayaan horumarka, nabadda iyo wada noolaanshaha wanaagsan.

Waxaan uga mahadcelinaynaa dhammaan intii ka qayb qaadatay qabsoomidda shirkan muhiimka ah, waxaana rajaynaynaa in uu noqdo mid horseeda midnimo, is-afgarad iyo horumar waara.

Maanta waxaan Xarunta Qaran ee Tubsan ku soo dhoweynay wafdi heer sare ah oo ka socda KOICA iyo UNDP, waxaana ka wada ha...
20/05/2026

Maanta waxaan Xarunta Qaran ee Tubsan ku soo dhoweynay wafdi heer sare ah oo ka socda KOICA iyo UNDP, waxaana ka wada hadalnay xoojinta wada-shaqaynta kahortagga fikirka xagjirka ah iyo taageerada dhallinyarada Soomaaliyeed.

Waxaan bogaadiyay taageerada ay hay’adahani siiyaan Soomaaliya, anigoo adkeeyay muhiimadda wada-shaqayn dhow oo lala yeesho Xarunta Tubsan si loo xoojiyo dadaallada lagula dagaallamayo xagjirnimada.

Waxaan maanta magaalada Muqdisho ku soo dhaweynay Ugaas Cumar Ugaas Geelle oo kamid ah isimada ugu facaweyn ee dalka Soo...
13/05/2026

Waxaan maanta magaalada Muqdisho ku soo dhaweynay Ugaas Cumar Ugaas Geelle oo kamid ah isimada ugu facaweyn ee dalka Soomaaliyeed.

Ugaas Cumar wuxuu door muuqda kasoo qaatay geeddi-socodkii dib-u-heshiisiinta iyo soo kabashada dowladnimada Soomaaliya, isaga oo kamid ahaa isimadii dhaqanka ee hormuudka ka ahaa shirarkii dib-u-heshiisiinta dalka.

Waxaan Ugaaska uga mahadcelineynaa doorkiisa waayeelnimo iyo dadaallada uu mar walba ku bixiyo ilaalinta midnimada, wadajirka, iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed.

Congratulations, Judge Warsame on your nomination as a Justice of the Supreme Court of Kenya.I have great confidence in ...
29/04/2026

Congratulations, Judge Warsame on your nomination as a Justice of the Supreme Court of Kenya.

I have great confidence in your knowledge and extensive experience in the judiciary, a field you have served with distinction for many years.

May God guide you and grant you success in carrying this responsibility. I wish you every success.

Address

Hawl Wadaag
Mogadishu
00252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hirsi Ganni posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Hirsi Ganni:

Shortcuts

Share