Abdallah kaarshe

Abdallah kaarshe Deputy Director General of Mogadishu port Authority

30/08/2026
21/08/2026

Waxaan u hambalyeynayaa Maareeyaha Dekedda Muqdisho Mudane Amb Mohamed Ali Nur oo lagu guddoonsiiyey abaalmarinta

“ Outstanding Excellence, Dedication and Achievement in Business 2026. ” Taas oo aay bixiso Somali Business Awards.

Abaalmarintani waa aqoonsi ka tarjumaya guulaha muuqda ee uu ku tallaabsaday Maamulka Dekedda Muqdisho.

Tacsi iyo XusuusGalabta kooxda Dekedda Sports Club ee Dekadda muqdisho ayaa ciyaaray kulankoodi ugu dambeeyay ee horyaal...
14/08/2026

Tacsi iyo Xusuus

Galabta kooxda Dekedda Sports Club ee Dekadda muqdisho ayaa ciyaaray kulankoodi ugu dambeeyay ee horyaalka, iyadoo ciyaartoyda iyo Maamulka kooxdu ay si sharaf iyo xushmad leh u xuseen Marxuum Cabdullaahi Cali Nuur, oo ahaa Maareeyihii h**e ee Dekedda Muqdisho, oo geeriyooday dhawaan.

Waxaan mar kale tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskiisa, ehelkiisa, asxaabtiisa iyo dhammaan bahda Maamulka Dekedda Muqdisho.

Alle ha u naxariisto Marxuum Cabdullaahi Cali Nuur, Janatul Firdowsana haka waraabiyo. Aamiin.

14/08/2026
Tacsi iyo DucoMaanta waxaan ka qeybgalay salaadda janaasada iyo aaska Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdullaahi Cali Nuu...
12/08/2026

Tacsi iyo Duco

Maanta waxaan ka qeybgalay salaadda janaasada iyo aaska Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdullaahi Cali Nuur, oo h**ey u soo noqday Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, kaas oo dhawaan ku geeriyooday dalka Malaysia.

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, asxaabta iyo dhammaan eheladii uu ka geeriyooday Marxuumku.

Waxaan Alle uga baryayaa inuu Marxuum Cabdullaahi Cali Nuur naxariistiisa janno ka waraabiyo, qabrigiisana u waasiciyo, kana yeelo kuwa uu ku mannaysto Jannatul Firdowsa.

Ehelkii, qoyska iyo dhammaan dadka uu ka geeriyoodayna Alle ha ka siiyo samir iyo iimaan.

10/08/2026

Hambalyo Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Shacabka jamhuuriyadda faderaalka Soomaaliya.

Maamulka Dekedda Muqdisho wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Mudane Abdulkadir Mohamed Nur oo ku guuleystay hoggaaminta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Maamulka Dekedda Muqdisho wuxuu si gaar ah u xusayaa oo uga mahadcelinayaa shaqadii wanaagsanayd iyo kaalintii muhiimka ahayd ee uu Mudanuhu ka soo qaatay horumarinta Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, iyo sidoo kale horumarka ballaaran ee ay Dekedda Muqdisho ku tallaabsatay muddadii uu xilka hayay.

Waxaan ku kalsoonahay in khibraddiisa, hoggaamintiisa iyo dadaalkiisa ay sii xoojin doonaan horumarka iyo shaqada muhiimka ah ee Golaha Shacabka iyo guud ahaan Qaranka Soomaaliyeed.

waxaan ka qayb galay Madasha Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Dekadaha & Gaadi...
05/08/2026

waxaan ka qayb galay Madasha Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Dekadaha & Gaadiidka Badda JFS.

Shirkan muhiimka ah waxaa si rasmi ah u furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Hassan Sheikh Mohamud. Shirku wuxuu diiradda saaray horumarinta dhaqaalaha buluugga ah, kobcinta dekedaha, ilaalinta khayraadka badda, iyo xoojinta iskaashiga bahda badaha Soomaaliya.

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan xildhibaannada ku guuleystay mid noqoshada Golaha 3-aad ee Golaha Wakiil...
03/08/2026

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan xildhibaannada ku guuleystay mid noqoshada Golaha 3-aad ee Golaha Wakiillada Galmudug.

Sidoo kale waxaan bogaadin iyo mahadcelin u dirayaa shacabka Galmudug oo gacantooda ku doortay matalaadooda Golaha Wakiillada.

Waxaan idiin rajeynayaa guul, tawfiiq iyo in Eebbe idinku asturo gudashada xilka iyo mas’uuliyadda culus ee shacabkiinnu idiin doorteen. Waxaan rajeynayaa inaad si daacadnimo, caddaalad iyo hufnaan leh ugu adeegtaan bulshada iyo horumarka Dowlad Goboleedka Galmudug.

Hambalyo mar kale, Allena ha idin waafajiyo gudashada waajibaadkiinna.

Address

Hamar Jajab
Mogadishu
00252

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdallah kaarshe posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share