02/11/2023
Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Benadir Mudane Cabdikafi Maxamuud Makaraan, Xildhibaan Abdirahmaan Mahahamed sheekh ( moobleen) Iyo Wafdi ka socday Maamulka gobolka Banaadir sida, Gudomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir Marwo Jawaahir Barqab, Agaasime Ku xigeenka Waaxda Agoonta Marwo Ilhaan aweys iyo Gabdho ka socday Xafiiska Haweenka Gobolka Banaadir. Masuuliyintaan ayaa gaaray (4) afar tuulo, Gaar ahaan Degmada Biya Cade,
Ujedada safarka ayaa ahaa in la soo xarig jaro ceel biyood iyo in la garsiiyo Deeq, Ciidanka Macawiisley taasi oo ka kobneed, Agab fara badan iyo Raashin, Isla markaana ku soo abuuray geedo ah geedihii nabada oo ay ugu deeqday hay'ada Bisha Cagaaran.
Xildhibaanka ayaa u kuur galay xalada nolaleed ee ka jirto Degaanadaas iyo degaano badan oo ku yaalo Shabellaha dhaxe.