NMRA Somalia

Call Website Contact the organization

NMRA Somalia Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from NMRA Somalia, Government Organization, ​A Corso Somalia Street, Shangani, Mogadishu.

The Somalia Medicines & Health Products Authority ensures the quality, safety, and effecacy of medicines, biologics, medical devices, herbal medicines, food supplements, to***co products, and cosmetics marketed in Somalia.

25/09/2026
💊HAMBALYO MAALINTA DAWO-YAQAAANKA ADDUUNKA! Hay’adda Daawada iyo Agabka Caafimaadka Soomaaliya waxay hambalyo iyo bogaad...
25/09/2026

💊HAMBALYO MAALINTA DAWO-YAQAAANKA ADDUUNKA!

Hay’adda Daawada iyo Agabka Caafimaadka Soomaaliya waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa dhammaan dawo-yaqaannada Soomaaliyeed munaasabadda Maalinta Dawo-yaqaanka Adduunka.

Hay’addu waxay dawo-yaqaannada Soomaaliyeed ku dhiirrigelinaysaa inay sii xoojiyaan kaalintooda muhiimka ah ee ilaalinta badqabka bukaannada, hubinta bixinta iyo isticmaalka saxda ah ee daawooyinka, iyo horumarinta nidaamka daryeelka caafimaadka Soomaaliya.

Dawo-yaqaanku waa tiir muhiim u ah badqabka bukaanka iyo caafimaadka bulshada.

📢 OGEYSIIS DADWEYNE
20/09/2026

📢 OGEYSIIS DADWEYNE

WASIIRKA CAAFIMAADKA OO SAXIIXAY SADDEX XEER-NIDAAMIYE OO MUHIIM AH.Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulsha...
13/09/2026

WASIIRKA CAAFIMAADKA OO SAXIIXAY SADDEX XEER-NIDAAMIYE OO MUHIIM AH.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, H.E. Dr. Ali Haji AdamAbubakar, ayaa saxiixay saddex Xeer-Nidaamiye oo muhiim u ah xoojinta nidaaminta, tayada iyo badqabka daawooyinka iyo agabka caafimaadka ee dalka.

Xeer-Nidaamiyeyaasha la saxiixay ayaa kala ah:

1. Xeer-Nidaamiyaha Diiwaangelinta Daawada iyo Agabka Caafimaadka, 2026.
2. Xeer-Nidaamiyaha Xakamaynta Soo Dejinta iyo Dhoofinta Daawada iyo Agabka Caafimaadka.
3. Xeer-Nidaamiyaha Ruqsad Bixinta Goobaha lagu Sameeyo, lagu Kaydiyo ama lagu Iibiyo Daawada iyo Agabka Caafimaadka.

Xeer-Nidaamiyeyaashan ayaa muhiim u ah xoojinta nidaamka lagu hubinayo tayada, badqabka iyo waxtarka daawooyinka iyo agabka caafimaadka, iyo in la xaqiijiyo in dalka ay soo galaan, lagu kaydiyo, laguna iibiyo oo keliya daawooyin iyo agab caafimaad oo buuxiya heerarka loo baahan yahay.

Wasiirka ayaa faray Maareeyaha Hay’adda Daawada iyo Agabka Caafimaadka, Dr. Faarah Sharawe, in la xoojiyo lana dhaqan-geliyo fulinta Xeer-Nidaamiyeyaashan iyo habraacyada la xiriira, si loo gaaro hadafka Wasaaradda ee ah in shacabka Soomaaliyeed ay helaan daawo iyo agab caafimaad oo Tayo, badqab iyo waxtarba leh.

Saxiixa Xeer-Nidaamiyeyaashan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo nidaaminta iyo kormeerka daawooyinka iyo agabka caafimaadka, laguna ilaalinayo caafimaadka iyo badqabka bulshada Soomaaliyeed.

----------------

𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Madaxa Xafiiska isgaarsiinta iyo wacyigelinta hay’adda Daawada soomaaliyeed.
Abdirahman Qorsheeye
Email:[email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/share/1Bf4SSiqdT/?mibextid=wwXIfr
Twitter: https://twitter.com/NMRA_Somalia
Website: www.nmra.gov.so

📍 MOGADISHU | 10 SEPTEMBER 2026🧠 WORLD SU***DE PREVENTION DAYMaareeyaha Hay’adda Daawada iyo Agabka Caafimaadka Soomaali...
10/09/2026

📍 MOGADISHU | 10 SEPTEMBER 2026

🧠 WORLD SU***DE PREVENTION DAY

Maareeyaha Hay’adda Daawada iyo Agabka Caafimaadka Soomaaliya, DR. FARAH MOHAMED SHARAWE, ayaa ka qayb galay kulan wacyigelin ah oo lagu xusay Maalinta Caalamiga ah ee Ka-hortagga Is-dilka.

Maareeyaha Hay’adda ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wacyigelinta bulshada iyo dadaallada lagu badbaadinayo nafaha, kor loogu qaadayo caafimaadka maskaxda, lana dhiso bulsho is garab istaagta.
---------------
𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Madaxa Xafiiska isgaarsiinta iyo wacyigelinta hay’adda Daawada soomaaliyeed.
Abdurahman Qorsheeye
Email:[email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/share/1Bf4SSiqdT/?mibextid=wwXIfr
Twitter: https://twitter.com/NMRA_Somalia
Website: www.nmra.gov.so

𝐀𝐖𝐀𝐑𝐄𝐍𝐄𝐒𝐒Topic: World Su***de Prevention Day🔈 𝐌𝐞𝐞𝐭 𝐎𝐮𝐫 𝐆𝐮𝐞𝐬𝐭 𝐒𝐩𝐞𝐚𝐤𝐞𝐫Farah Mohamed SharaweMaareeyaha Hay'adda Daawada iyo...
10/09/2026

𝐀𝐖𝐀𝐑𝐄𝐍𝐄𝐒𝐒

Topic: World Su***de Prevention Day

🔈 𝐌𝐞𝐞𝐭 𝐎𝐮𝐫 𝐆𝐮𝐞𝐬𝐭 𝐒𝐩𝐞𝐚𝐤𝐞𝐫

Farah Mohamed Sharawe
Maareeyaha Hay'adda Daawada iyo Agabka Caafimaadka Soomaaliya

📍 Venue: Hodan Hospital Hall

📅 Date: 10 September 2026

🕒 Time: 3:00 PM – 6:00 PM

Theme: Changing the Narrative on Su***de – Start the Conversation

***dePreventionDay ***dePrevention

05/09/2026
WAR-SAXAAFADEED | OGEYSIIS DADWEYNEWasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ...
12/08/2026

WAR-SAXAAFADEED | OGEYSIIS DADWEYNE

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay shacabka Soomaaliyeed, shirkadaha dawooyinka iyo dhammaan hay’adaha ay khusayso ku wargelinaysaa inay xaqiijisay dukumenti been-abuur ah oo loo ekaysiiyey ruqsad rasmi ah oo lagu oggolaanayo daawooyinka la xakameeyo (Controlled Drugs), kaas oo si sharci-darro ah loogu adeegsaday magaca Wasaaradda, saxiixa iyo shaabadda rasmiga ah ee Wasiirka.

Arrintan ayaa soo baxday kadib markii shirkad gudaha dalka ka diiwaangashan oo magaceedu yahay SMARTCARE PHARMACEUTICALS COMPANY LTD ay dukumentigan u gudbisay shirkad dawooyinka iibisa oo ku taalla dalka dibaddiisa, iyadoo ka dalbanaysa daawooyinka la xakameeyo ee keeni kara qabatinka.

Sidaas darteed, si loo ogaado cida ku kacday fal-dambiyeedkan, Wasaaradda ayaa qaadday tallaabooyin sharciga waafaqsan, iyadoo arrintan u gudbinaysa hay’adaha baarista iyo garsoorka dalka, si baaritaan rasmi ah loogu sameeyo, cid kasta oo lagu helo inay ku lug leedahay samaynta, gudbinta ama adeegsiga dukumentigan been-abuurka ahna looga qaado tallaabooyinka uu sharcigu dhigayo.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada waxay mar kale adkaynaysaa in soo dejinta, kaydinta, qaybinta iyo ka ganacsiga daawooyinka la xakameeyo ay mamnuuc tahay iyadoo aan la marin habraacyada ay Wasaaraddu u dejisay si loo ilaaliyo badqabka caafimaad ee bulshada.

Wasaaraddu waxay uga digaysaa dhammaan shaqsiyaadka iyo shirkadaha samaynta, wax-ka-beddelka ama adeegsiga ruqsadaha iyo dukumentiyada aan saxda ahayn.

𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐎𝐬𝐦𝐚𝐧 𝐃𝐚𝐡𝐢𝐲𝐞
Madaxa Xafiiska isgaarsiinta iyo Wacyigalinta Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka bulshada XFS.
Email: [email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/MoHSomalia?mibextid=LQQJ4d
Twitter: https://twitter.com/MoH_Somalia
Website: www.MoH.gov.so

Address

​A Corso Somalia Street, Shangani
Mogadishu
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when NMRA Somalia posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to NMRA Somalia:

Shortcuts

Share