23/07/2026
MUQDISHO, SOOMAALIYA
KULANKII SADDEXAAD EE WADATASHIGA XEER-NIDAAMIYAHA XAKAMAYNTA SUUQ-GEYNTA MAADOOYINKA LAGU BEDDELO CAANAHA NAASKA
Kulankii saddexaad ee wadatashiga xeer-nidaamiyaha xakamaynta suuq-geynta maadooyinka lagu beddelo caanaha naaska, oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Hay’adda Dawooyinka iyo Agabka Caafimaadka Soomaaliyeed (NMRA), Qaybta Nafaqada ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, UNICEF iyo bah-wadaagtooda, ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Kulanka waxaa goob-joog ka ahaa masuuliyiin iyo wakiillo ka socday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, Hay’adda Tayadhowrka Qaranka, Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, shirkadaha ka ganacsada caanaha iyo badeecooyinka la xiriira, iyo hay’adaha kale ee ay arrintani khusayso.
UJEEDDADA KULANKA
Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in laga wada tashado xeer-nidaamiyaha xakamaynta suuq-geynta maadooyinka lagu beddelo caanaha naaska, lana ururiyo talooyin iyo aragtiyo ka imanaya hay’adaha ay khusayso, si loo diyaariyo xeer waafaqsan heerarka caalamiga ah, una xoojiya ilaalinta nafaqada iyo caafimaadka dhallaanka, isla markaana kor loogu qaado dhiirrigelinta nuujinta caanaha naaska.
---------------
𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Madaxa Xafiiska isgaarsiinta iyo wacyigelinta hay’adda Daawada soomaaliyeed.
Abdurahman Qorsheeye
Email:[email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/share/1Bf4SSiqdT/?mibextid=wwXIfr
Twitter: https://twitter.com/NMRA_Somalia
Website: www.nmra.gov.so