Taliska Qeybta Guud Boliiska G.Banaadir

Taliska Qeybta Guud Boliiska G.Banaadir Boggaan waxaa iskale Taliska Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banadir.

Taliyaha Qaybta Guud ee Booliiska Gobolka Banaadir, G/Sare Mahdi Omar Muumin, ayaa qaabilay Maxamed Ciise Daahir, oo ah ...
17/08/2026

Taliyaha Qaybta Guud ee Booliiska Gobolka Banaadir, G/Sare Mahdi Omar Muumin, ayaa qaabilay Maxamed Ciise Daahir, oo ah ardaygii galay kaalinta 1-aad ee imtixaanka dugsiyada sare ee dalka.

Taliyaha ayaa kula dardaarmay, kuna bogaadiyay dadaalkiisa, isaga oo sidoo kale dhiirrigeliyay Maxamed iyo ehelkiisa, Waxa uu xusay in arday kasta oo dadaala, kaalinna ka gala Waxbarashada la maamuusi doono, si loo dhiirrigeliyo loona soo saaro jiil waxbartay oo wax tara dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

DHAMMAAD.

Waxaa la raadinayaa gabadhan yar oo ka luntay ehelkeeda, Gabadha oo lagu magacaabo SUCAADO ABDULLAHI HASSAN ayaa ka soo ...
17/08/2026

Waxaa la raadinayaa gabadhan yar oo ka luntay ehelkeeda, Gabadha oo lagu magacaabo SUCAADO ABDULLAHI HASSAN ayaa ka soo luntay Xaafadda Towfiiq ee Caasimada Muqdisho.

Haddaba, cid kasta oo aragta waxaa laga codsanayaa inay ku hagaajiso saldhigga ugu dhow ama ay soo wacdo lambarka gaaban ee Booliiska 991, si ehelkeeda loola mideeyo.

Ambad: Ciidanka Booliiska Caasimadda, Saldhigga Hilwaa, ayaa gacanta ku haya wiilkan oo  qaba xanuun dhimirka, kaas oo a...
05/08/2026

Ambad: Ciidanka Booliiska Caasimadda, Saldhigga Hilwaa, ayaa gacanta ku haya wiilkan oo qaba xanuun dhimirka, kaas oo aan awoodin inuu bixiyo xog sahli karta in lala xiriiro ehelkiisa, maadaama uu xaaladdiisa caafimaad awgeed mararka qaar miyir beelo.

Sidaa darteed, ehelkiisa ama cid kasta oo garanaysa wiilkan waxaa laga codsanayaa inay la xiriiraan Saldhigga Booliiska Hilwaa ama ay wacaan lambarka gaaban 991 si loo fududeeyo dib ula midaynta qoyskiisa.

Ciidanka Booliska Caasimadda, Saldhigga C/Casiis, ayaa gacanta ku dhigay laba eedeysane oo ku kacay falal lid ku ah ansh...
23/07/2026

Ciidanka Booliska Caasimadda, Saldhigga C/Casiis, ayaa gacanta ku dhigay laba eedeysane oo ku kacay falal lid ku ah anshaxa, dhaqanka suuban iyo qiyamka bulshada, kuwaas oo caadaysatay inay barta TikTok ku soo gudbiyaan muuqaallo dhaqan-xumo ah.

Labada eedeysane ayaa hadda ku jira gacanta Booliska, waxaana loo gudbin doonaa maxkamadda ku shaqada leh.

Dhalinyarada waxaa mar kale looga digayaa falalka anshax-xumada ah iyo inay ka feejignaadaan si qaldan u isticmaalka baraha bulshada, Qof kasta oo lagu helo falal anshax-xumo ah waxaa laga qaadi doonaa tallaabo adag oo waafaqsan sharciga.

DHAMMAAD.

Muqdisho, 21 July 2026: Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin, ayaa shir...
21/07/2026

Muqdisho, 21 July 2026: Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin, ayaa shir-guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee saraakiisha Boliska Caasimada.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta sugidda amniga, xoojinta wada-shaqeynta guud ee Hay’addaha Amniga, kor u qaadista adeegga bulshada, iyo dedejinta howlaha lagu xaqiijinayo nabadda iyo kala dambeynta caasimadda.

Taliyaha ayaa saraakiisha faray inay laba jibbaaraan dadaallada lagu ilaalinayo amniga, si hufan uga jawaabaan baahiyaha bulshada, isla markaana si joogto ah ula socdaan xaaladaha amni ee ka jirta degmooyinka ay mas’uulka ka yihiin, Waxa uu ku adkeeyay in waajibaadka loo guto si daacadnimo, isla-xisaabtan, iyo mas’uuliyad leh.

DHAMMAAD

Booliska Gobolka Banaadir Waxay baadi-goobayaan ehelka Muwaadin GeeriyoodayCiidanka Booliska Gobolka Banaadir waxay buls...
18/07/2026

Booliska Gobolka Banaadir Waxay baadi-goobayaan ehelka Muwaadin Geeriyooday

Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir waxay bulshada ka codsanayaan in laga gacan siiyo aqoonsiga iyo helitaanka ehelka muwaadin aan weli la garanayn magaciisa, kaas oo ku geeriyooday shil ka dhacay goob dhismo, Taariikhdu Markay eheed 08/09/2025, abbaaro 6:00 fiidnimo, degmada Hodan Waaxda October, Saybiyaano

Kiiska ayaa la baaray, waxaana la xiray laba eedeysane oo loo gudbiyey Maxkamadda Gobolka Banaadir, Boolisku waxay ugu baaqayaan cid kasta oo aqoonsan karta marxuumka ama taqaan ehelkiisa inay la xiriiraan saldhigga Booliska ee ugu dhow ama lambarka gaaban ee 991.

DHAMMAAD

Ambat: Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee Saldhigga Degmada Hodan ayaa gacanta ku haya Gabadhan yar oo lagu magacaabo Ni...
17/07/2026

Ambat: Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee Saldhigga Degmada Hodan ayaa gacanta ku haya Gabadhan yar oo lagu magacaabo Nimco Aadan Shiikh Gabadha ma bixin karto xog sahli karta in lala xiriiro ehelkeeda.

Waxaa lagu wargelinayaa ehelkeeda ama cid kasta oo garanaysa inay ugu yimaadaan Saldhigga Booliiska Degmada Hodan ama ay la soo xiriiraan lambarka gaaban ee 991.

DHAMMAAD

Ambat: Ciidanka Booliiska Caasimada, Saldhigga Booliska Degmada Yaaqshiid ayaa gacanta ku haya wiilkan yar oo  magaciisa...
08/07/2026

Ambat: Ciidanka Booliiska Caasimada, Saldhigga Booliska Degmada Yaaqshiid ayaa gacanta ku haya wiilkan yar oo magaciisa ku sheegay Ibrahim, Wiilku ma bixin karo xog sahli karta in lala xiriiro ehelkiisa.

Waxaa lagu wargelinayaa ehelkiisa ama cid kasta oo garanaysa inay ugu yimaadaan Saldhigga Booliska Degmada Yaaqshiid ama ay la soo xiriiraan lambarka gaaban ee 991.

DHAMMAAD

Ciidanka Booliiska Caasimadda, Saldhigga Dharkeenley, ayaa gacanta ku haya laba wiil oo yar yar oo walaalo ah oo ambatey...
06/07/2026

Ciidanka Booliiska Caasimadda, Saldhigga Dharkeenley, ayaa gacanta ku haya laba wiil oo yar yar oo walaalo ah oo ambatey, laguna kala magacaabo: Munasar Maxamed Xuseen iyo Cabdul Laadiif Maxamed Xuseen.

Wiilashan ma bixin karaan xog dhammaystiran oo sahli karta in lala xiriiro ehelladooda.

Sidaas darteed, Waxaa lagu wargelinayaa ehelladooda ama cid kasta oo garanaysa, inay sida ugu dhaqsaha badan ugu yimaadaan Saldhigga Booliiska Degmada Dharkeenley, ama ay la soo xiriiraan lambarka gaaban ee 991.

DHAMMAAD

30/06/2026

Hay'addaha amaanka waxaa mar labaad la farayaa in ay u hoggaasamaan, amarka Xeer-ilaayaha Guud Maxkamadda Ciidama Qalaska sida,

Askarigii jabiya amarka Xeer ilaalinta guud waxaa lagu qaadidoonaa talaabo sharciga waafaqsan.Hay'addaha amaanka waxaa mar labaad la farayaa in ay u hoggaasamaan, amarka Xeer-ilaayaha Guud Maxkamadda Ciidama Qalaska sida,

Askarigii jabiya amarka Xeer ilaalinta guud waxaa lagu qaadidoonaa talaabo sharciga waafaqsan.

Address

Shingani District Jubba Junction
Mogadishu
252

Telephone

+252613222293

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Taliska Qeybta Guud Boliiska G.Banaadir posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share