Banadir Hospital FMOH

Call Website Contact the organization

Banadir Hospital FMOH Banadir Hospital, founded in 1977, is a Public Referral, Teaching, and Research Hospital.

Our priority is to deliver high-quality maternal and pediatric services, ensuring the well-being of families in the community. Bogga Rasmiga ah ee Isbitaalka Hooyada Iyo Dhallaanka ee Banadir Hospital Federal Ministry of Health(FMoH)

Waxaa si guul leh ku soo dhammaaday kulan ciyaareedkii saaxiibtinimo ee dhexmaray kooxda Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaan...
16/10/2026

Waxaa si guul leh ku soo dhammaaday kulan ciyaareedkii saaxiibtinimo ee dhexmaray kooxda Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir iyo koox ka kooban Wasiirro, kaas oo ka dhacay garoonka Banadir Hospital Stadium.

Kulankan ayaa qayb ka ahaa xoojinta isdhexgalka bulshada, xiriirka wada shaqayneed iyo dhiirrigelinta ciyaaraha.

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinaynaa Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Banaadir, Dr. Muna Xuseen Xasan, iyo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, iyo dhammaan ciyaartoydii, qabanqaabiyeyaashii iyo taageerayaashii kulankan ka qayb qaatay.

15/10/2026

๐–๐š๐ฑ๐š๐š ๐ฆ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐ˆ๐ฌ๐›๐ข๐ญ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐‡๐จ๐จ๐ฒ๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ƒ๐ก๐š๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐๐š๐ง๐š๐š๐๐ข๐ซ ๐ค๐š ๐›๐ข๐ฅ๐š๐š๐›๐ฆ๐š๐ฒ ๐ญ๐š๐›๐š๐›๐š๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ซ๐ฒ๐ž๐ž๐ฅ๐ค๐š ๐€๐š๐ฌ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐ƒ๐ก๐š๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐ง๐ค๐š (๐„๐ฌ๐ฌ๐ž๐ง๐ญ๐ข๐š๐ฅ ๐๐ž๐ฐ๐›๐จ๐ซ๐ง ๐‚๐š๐ซ๐ž โ€“ ๐„๐๐‚ ๐“๐ซ๐š๐ข๐ง๐ข๐ง๐ ), ๐ค๐š๐š๐ฌ ๐จ๐จ ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐ฎ ๐ญ๐š๐ฅ๐š๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐ค๐จ๐ซ ๐ฎ ๐ช๐š๐š๐๐ข๐ฌ๐ญ๐š ๐š๐ช๐จ๐จ๐ง๐ญ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฑ๐ข๐ซ๐Ÿ๐š๐๐š๐ก๐š ๐ฌ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐œ๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐ž๐ž ๐๐š๐ซ๐ฒ๐ž๐ž๐ฅ๐ค๐š ๐๐ก๐š๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐œ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐›.
Tababarku wuxuu isugu jiraa casharro aqooneed iyo tababarro wax-ku-ool ah (Practical Sessions), iyadoo ka qaybgalayaashu ay maanta tageen qaybta Daryeelka Gaarka ah ee Dhallaanka (NICU), si ay aqoonta ay barteen ugu dabaqaan shaqada dhabta ah, una xoojiyaan xirfadahooda daryeelka dhallaanka.
Isbitaalka Banaadir waxaa ka goโ€™an horumarinta tayada adeegyada caafimaadka iyo dhisidda cududda shaqaalaha, si hooyooyinka iyo dhallaanka Soomaaliyeed loo gaarsiiyo adeeg caafimaad oo tayo leh, ammaan ah, isla markaana hufan.

Waxaa berri oo Jimce ah foodda is dari doona kooxda cuslaatay Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir iyo koox Was...
15/10/2026

Waxaa berri oo Jimce ah foodda is dari doona kooxda cuslaatay Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir iyo koox Wasiirro ah, kulan saaxiibtinimo oo xiiso badan, kaas oo lagu xoojinayo isdhexgalka bulshada, xiriirka wada shaqayneed iyo dhiirrigelinta ciyaaraha.
- Goobta: Banadir Hospital Stadium
- Taariikhda: Jimce, 16 October 2026
- Waqtiga: 7:00 PM (Habeennimo)
Yaa guusha la hoyan doona? Banaadir Hospital mise Wasiirrada?
Ha moogaanina kulankaan xiisaha badan!

Waxaa maanta Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir ka bilaabmay tababarka Daryeelka Aasaasiga ah ee Dhallaanka (Ess...
15/10/2026

Waxaa maanta Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir ka bilaabmay tababarka Daryeelka Aasaasiga ah ee Dhallaanka (Essential Newborn Care โ€“ ENC Training), kaas oo loogu talagalay kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha caafimaadka ee daryeelka dhallaanka cusub.

Tababarku wuxuu isugu jiraa casharro aqooneed iyo tababarro wax-ku-ool ah (Practical Sessions), iyadoo ka qaybgalayaashu ay maanta tageen qaybta Daryeelka Gaarka ah ee Dhallaanka (NICU), si ay aqoonta ay barteen ugu dabaqaan shaqada dhabta ah, una xoojiyaan xirfadahooda daryeelka dhallaanka.

Isbitaalka Banaadir waxaa ka goโ€™an horumarinta tayada adeegyada caafimaadka iyo dhisidda cududda shaqaalaha, si hooyooyinka iyo dhallaanka Soomaaliyeed loo gaarsiiyo adeeg caafimaad oo tayo leh, ammaan ah, isla markaana hufan.

Waxaa si guul leh uga qabsoomay Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir maalintii koowaad tababarka ๐“๐š๐ฒ๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐€๐๐ž๐ž๐ ๐ฒ๐š๐...
15/10/2026

Waxaa si guul leh uga qabsoomay Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir maalintii koowaad tababarka ๐“๐š๐ฒ๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐€๐๐ž๐ž๐ ๐ฒ๐š๐๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐š๐๐›๐š๐š๐๐š๐๐š ๐๐ฎ๐ค๐š๐š๐ง๐ค๐š (๐๐ฎ๐š๐ฅ๐ข๐ญ๐ฒ ๐จ๐Ÿ ๐‡๐ž๐š๐ฅ๐ญ๐ก๐œ๐š๐ซ๐ž ๐š๐ง๐ ๐๐š๐ญ๐ข๐ž๐ง๐ญ ๐’๐š๐Ÿ๐ž๐ญ๐ฒ), kaas oo soconaya muddada u dhexeysa 14โ€“17 Oktoobar 2026.
Tababarkan ayaa ujeeddadiisu tahay kor u qaadista tayada adeegyada caafimaadka, xoojinta badbaadada bukaannada, kobcinta aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha caafimaadka, iyo horumarinta hufnaanta adeeg-bixinta.
Isbitaalka Banaadir waxaa ka goโ€™an horumarinta tayada adeegyada caafimaadka iyo ๐๐ก๐ข๐ฌ๐ข๐๐๐š ๐œ๐ฎ๐๐ฎ๐๐๐š ๐ฌ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š, si bulshada Soomaaliyeed loo gaarsiiyo adeeg caafimaad oo tayo leh, ammaan ah, isla markaana hufan.
Tayo Adeeg, Badbaado Bukaan iyo Horumar Caafimaad oo Joogto ah!

Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeeyay tababarkii Integrated Management of Childhood Il...
12/10/2026

Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeeyay tababarkii Integrated Management of Childhood Illness (IMCI) oo socday muddo saddex maalmood ah.

Tababarkan ayaa qayb ka ahaa dadaallada joogtada ah ee maamulka Isbitaalka Banaadir ugu jiro kor u qaadista aqoonta, xirfadaha iyo karaanka shaqaalaha caafimaadka, gaar ahaan qiimeynta, kala soocidda iyo maaraynta cudurrada ku dhaca carruurta da'doodu ka yar tahay shan sano.

Intii uu tababarku socday, ka qaybgalayaashu waxay ka faa'iidaysteen casharro cilmiyeed, falanqaynta xaaladaha bukaannada iyo tababarro wax-ku-ool ah oo lagu xoojinayay xirfadaha daryeelka carruurta.

Maamulka Isbitaalka Banaadir wuxuu uga mahadcelinayaa dhammaan tababar-bixiyeyaasha iyo ka qaybgalayaasha dadaalkooda iyo ka go'naanshahooda horumarinta adeegyada caafimaadka.

Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir, Dr. Muna Hussein Hassan, ayaa maanta si rasmi ah u daahfu...
11/10/2026

Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir, Dr. Muna Hussein Hassan, ayaa maanta si rasmi ah u daahfurtay tababarka Integrated Management of Childhood Illness (IMCI), kaas oo socon doona muddo saddex maalmood ah.

Tababarkan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee maamulka Isbitaalka Banaadir ugu jiro kor u qaadista aqoonta, xirfadaha iyo karaanka shaqaalaha caafimaadka, gaar ahaan qiimeynta, ogaanshaha iyo maaraynta cudurrada ku dhaca carruurta da'doodu ka yar tahay shan sano.

Maalintii koowaad ee tababarka ayaa diiradda lagu saaray aasaaska IMCI, qiimeynta iyo kala soocidda cudurrada carruurta, iyadoo la adeegsanayo casharro cilmiyeed, falanqaynta xaaladaha bukaannada iyo habraacyada daryeelka carruurta.

Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir wuxuu mar walba u taagan yahay horumarinta aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha caafimaadka, tayeynta adeegyada iyo xaqiijinta daryeel caafimaad oo tayo leh oo ay bulshada Soomaaliyeed ka faa'iidaysato.

Dr. Muna Hussein Hassan, Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir, ahna dhakhtar takhasus u leh ...
10/10/2026

Dr. Muna Hussein Hassan, Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir, ahna dhakhtar takhasus u leh cudurrada haweenka iyo qalliinnada la xiriira, waxay bulshada xusuusinaysaa muhiimadda ay leedahay ilaalinta caafimaadka haweenka iyo in fiiro gaar ah loo yeesho isbeddel kasta oo ku yimaada naasaha.

Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir wuxuu mar walba u taagan yahay horumarinta adeegyada caafimaadka hooyada iyo dhallaanka, ka hortagga cudurrada iyo kor u qaadista wacyiga caafimaad ee bulshada.

MAALINTA WACYIGELINTA KANSARKA NAASAHA | BREAST CANCER AWARENESS!Maanta oo kale waxaa dunida laga xusaa maalinta wacyi-g...
10/10/2026

MAALINTA WACYIGELINTA KANSARKA NAASAHA | BREAST CANCER AWARENESS!

Maanta oo kale waxaa dunida laga xusaa maalinta wacyi-galinta kansarka naasaha, muhiimadda ay leedahay in la ogaado calaamadaha digniinta iyo doorka baaritaanka caafimaad ee joogtada ah..

Kansarka naasaha waa cudur u baahan wacyigelin, feejignaan iyo baaritaan caafimaad oo ku habboon. Ogaanshaha h**e wuxuu muhiim u yahay in cudurka si deg-deg ah loo qiimeeyo loona qorsheeyo daryeelka ku habboon.

Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir, oo kaashanaya Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, ayaa qaban doon...
09/10/2026

Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir, oo kaashanaya Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, ayaa qaban doona tababar ku saabsan Tayeynta Adeegyada Caafimaadka iyo Badbaadada Bukaanka (Quality of Healthcare and Patient Safety), kaas oo socon doona muddo 3 maalmood ah (Talaado ilaa Khamiis).

Tababarkan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Isbitaalka Banaadir ugu jiro kor u qaadista aqoonta, xirfadaha iyo kartida shaqaalaha caafimaadka, si loo xoojiyo tayada adeegyada, badbaadada bukaannada iyo hufnaanta shaqada.

Tababarka ayaa si gaar ah diiradda loogu saari doonaa maamulka iyo hoggaaminta adeegyada caafimaadka, wada-shaqaynta howlwadeenada, badbaadada bukaanka, hirgelinta nidaamka 5S, iyo horumarinta joogtada ah ee tayada adeegyada caafimaadka.

Waxaa sidoo kale jiri doona casharro cilmiyeed, dood-wadaag, tababarro wax-ku-ool ah (Practical Sessions) iyo qiimeyn lagu cabbirayo aqoonta iyo xirfadaha ay ka qaybgalayaashu kororsadeen.

Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir wuxuu mar walba u taagan yahay horumarinta aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha caafimaadka, tayeynta adeegyada iyo xaqiijinta daryeel caafimaad oo tayo leh, badbaado leh, kuna saleysan habraacyada casriga ah ee daryeelka bukaanka.

Address

Wadajir
Mogadishu
00100

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Banadir Hospital FMOH posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Banadir Hospital FMOH:

Shortcuts

Share