26/05/2026
Munaasabadda barakeysan ee Ciidul Adxaa awgeed, waxaan hambalyo iyo duco u dirayaa dhammaan Ummadda Muslimiinta ah meel kasta oo ay joogaan. Ciidul Adxaa waa waqti farxad, milicsi, naxariis iyo isu soo dhowaansho bulsho. Waa munaasabad ina xasuusinaysa qiimaha iimaanka, samirka, midnimada iyo masuuliyadda ka saaran qof walba bulshada uu la nool yahay. Inta aynu damaashaadeyno farxadda ciidda, waa in aynu sidoo kale xoojinnaa jacaylka aynu u qabno dalkeenna iyo rabitaanka aynu ugu mideysan nahay horumarka iyo xasilloonida Soomaaliya.
Waxaa la joogaa waqtigii ay Soomaalidu ka hormarin lahayd danaha qaranka dano shaqsiyeed, kuwo siyaasadeed iyo kala qaybsanaan kasta oo wiiqaysa midnimada shacabka. Wadaniyad dhab ah waxay u baahan tahay nafhur iyo dadaal joogto ah, mana aha masuuliyad saaran hoggaanka oo keliya, balse waa waajib ka wada saaran dhammaan shacabka Soomaaliyeed. Qof walba waa inuu diyaar u noqdaa inuu qaybtiisa ka qaato dhismaha mustaqbal wanaagsan oo ay jiilasha dambe ku faani karaan. Soomaaliya ma badbaadin doonaan dad shisheeye, ee waxaa dhisi kara oo keliya shacabka Soomaaliyeed marka ay mideysnaadaan oo ay yeeshaan himilo qaran oo fog.
Dalal badan oo ka da’ yar Soomaaliya sida Kenya, Tanzania, Uganda iyo Rwanda ayaa maanta horumar ka sameeyay dowlad-dhiska, dhaqaalaha, kaabeyaasha iyo adeegyada bulshada. Horumarkaas kuma imaan si kadis ah, balse wuxuu ku yimid hoggaan leh aragti qaran, shacab masuul ah iyo isku duubni dhab ah oo lagu hormarinayo dalka. Soomaaliya waxay awood u leedahay inay gaarto heer ka sarreeya dalalkaas haddii aynu ka gudubno khilaafaadka joogtada ah, kana shaqeyno midnimo, wadajir iyo himilo qaran oo mideysan. Waa waajib saaran hoggaanka dalka inay abuuraan jawi ay dhalinyaradu ku heli karaan fursado, hal-abuur iyo rajo ay mustaqbalkooda kaga dhex arkaan dalkooda hooyo.
Ciidul Adxaa waxay ina baraysaa in midnimo iyo nafhur lagu gaari karo guulo waaweyn, lagana gudbi karo caqabadaha ugu adag. Waa in aynu maanta doorannaa wada shaqeyn iyo dhismaha qaranka halkii aynu ka dooran lahayn kala qaybsanaan iyo eedeyn joogto ah. Soomaaliya dib way u soo kaban kartaa, waana masuuliyad nawada saaran dhammaanteen. Ciid Mubaarak dhammaan Muslimiinta caalamka, Ilaahay hana waafajiyo nabad, xasillooni iyo barwaaqo ku baahda qoys kasta iyo dal kasta.
Hon. Sadik Warfa