03/07/2026
INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN.
Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii, ehelkii, qaraabadii, bahda dhaqanka Soomaaliyeed iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed geerida naxdinta leh ee ku timid, Imaam Maxamed Yuusuf Cali.
Alle ha u naxariistee, Imaam Maxamed Yuusuf Cali wuxuu muddo dheer ka soo shaqeynayey nabadeynta bulshada, xoojinta wadajirka shacabka, iyo horumarinta howlaha dhaqanka Soomaaliyeed.
Waxaan Alle SWT uga baryayaa inuu Marxuumka ku mannaysto Jannatul Firdowsa, qabrigiisana u waasiciyo, dambigiisana Allaha dhaafo, dhammaan qoyskiisa, ehelkiisa, qaraabadiisa, bahda dhaqanka Soomaaliyeed iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeedna ka siiyo samir iyo iimaan.
اللهم اغفر له وارحمه واسكنه فسيح جناتك واجعل قبره روضة من رياض الجنة. آمين.