SODMA Somalia

Website Contact the organization

SODMA Somalia Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from SODMA Somalia, Government Organization, Airport Road, Wadajir District, Mogadishu.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (X...
22/10/2026

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), oo uu weheliyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan la yeeshay Danjiraha Japan u fadhiya Soomaaliya, Mudane Hiroshi Matsuura.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Japan ee dhinacyada maareynta musiibooyinka, dhismaha awoodda hay’adaha iyo iskaashiga farsamo, si loo horumariyo diyaar-garowga iyo ka jawaabista musiibooyinka.

Sidoo kale, waxaa si gaar ah looga wada hadlay taageeridda dadka ku nool deegaannada ay saameeyeen xaaladaha degdegga ah, iyadoo xoogga la saarayo dadaallada soo kabashada iyo sidii bulshada loogu abuuri lahaa fursado ay ku gaaraan isku-filnaansho nololeed. Arrimaha mudnaanta la siiyay waxaa ka mid ahaa horumarinta beeraha, xoolaha iyo kaabayaasha adeegyada bulshada.

21/10/2026

Hey'adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka (SoDMA) ayaa maanta dib u howlgalisay dooman ay hey'aadu horay u geeysay degmada Baardhere si loogu diyaargaroobo loogana gaashaanto sameeynta ka dhalan kara cabsida laga qabo xaaladda Super El Niño, iyadoo 4 matoor ku wareejisay maamulka degmada Baardheere.

Hey'adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka (SoDMA)  ayaa maanta dib u howlgalisay dooman ay hey'aadu horay u geeysay  degma...
21/10/2026

Hey'adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka (SoDMA) ayaa maanta dib u howlgalisay dooman ay hey'aadu horay u geeysay degmada Baardhere si loogu diyaargaroobo loogana gaashaanto sameeynta ka dhalan kara cabsida laga qabo xaaladda Super El Niño, iyadoo 4 matoor ku wareejisay maamulka degmada Bardhere

Agaasime Abdullahi Mohamed Abdi (Abdullahi Qaran) oo kamid ah masuuliyiinta Hey'adda SoDMA ayaa munaasabad kooban oo ka dhacday jiinka wabiga jubba waxa uu ku wareejiyay doomankii dib loo howlgaliyay iyo matooradoodii maamulka degmada Baardheere .

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), ayaa magaalada Baardheeree ku qabatay kulan deg-deg ah oo...
21/10/2026

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), ayaa magaalada Baardheeree ku qabatay kulan deg-deg ah oo ah isku duwidda iyo u diyaargarowga Super El Niño kula yeelatay hay’adaha gargaarka iyo samatabbixinta iyadoo baardheere ay kamid tahay magaalooyinka khatara ugu jira saameeynta Super El Niño.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta u-diyaargarowga Super El Niño, gaar ahaan khataraha fatahaadaha iyo roobabka xooggan, iyo tallaabooyinka h**e ee lagu yareyn karo saameyntooda.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta iskaashiga, diyaarinta goobihii h**e logu qorsheeyay in la geeyo dadka ay sameeyso Super El Niño, isku-duwidda howlaha iyo diyaarinta gurmadka iyadoo mudnaanta la siinayo bulshada ku nool goobaha halista ah.

Ugu danbeyn, Agaasime Abdullahi Qaran oo kamid ah masuuliyiinta Hey'adda SoDMa ayaa adkeeyay muhiimadda diyaarinta goobaha loogu talagalay in la geeyo dadka ay sameeyso Super El Niño, wacyigelinta bulshada iyo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo kuwa gargaarka si loo yareeyo khasaaraha ka dhalan kara Super El Niño ee Degmada Baardheere.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay wehliyaan Agaasi...
21/10/2026

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Abdulkadir Ali, iyo Sarreeye Gaas Maxamed Cali Bariise oo ka tirsan Xarunta Isku-duwidda Hawlgallada Wadajirka ah (JOCC), ayaa ka qaybgalay kulan aqoon-is-weydaarsi farsamo oo ku saabsan diyaar-garowga fatahaadaha, samatabbixinta bulshada iyo ilaalinta hantida iyo ilaha nololeed.

Aqoon-is-weydaarsiga waxaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqaynta hay’adaha rayidka ah iyo ciidamada amniga, gaar ahaan iskaashiga rayidka iyo militariga (CIMIC), qorsheynta waddooyinka daadgureynta, gaadiidka gurmadka, taageeridda dadka nugul iyo ilaalinta kaabeyaasha muhiimka ah.

Ugu danbeyn, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo diyaar-garowga fatahaadaha, lana mideeyo dadaallada hay’adaha ay khusayso si loo badbaadiyo nolosha dadka, loo ilaaliyo hantida iyo ilaha nololeed, loona yareeyo saameynta musiibooyinka. Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyey baahida loo qabo iskaashi iyo isku-duwid joogto ah, si bulshada khatarta ku jirta loogu helo gurmad degdeg ah.

WAR-BIXINTA TODDOBAADLAHA EE DIGNIINAHA KHARTA FATAHAADAHA. Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), gaar ...
19/10/2026

WAR-BIXINTA TODDOBAADLAHA EE DIGNIINAHA KHARTA FATAHAADAHA.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), gaar ahaan Xarunta Qaran ee Digniinaha Halis-wadareedka (NMHEWC), waxay soo saartay war-bixinta todobaadlaha ee Digniinaha khataraha ka imaankara halista fatahaadaha iyo Gobolada ay saameyn karto.

War-bixintani waxay soo bandhigaysaa talooyin iyo digniino ku socda bulshooyinka ku nool Gobolada Jaantuuska ku cad.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan la yeeshay ...
19/10/2026

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan la yeeshay Agaasimaha Gurmadka Degdegga ah ee Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO), Rein Paulsen, Wakiilka FAO ee Soomaaliya, Etienne Peterschmitt, iyo wakiillo ka socday Dowladda Norway, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u-diyaargarowga El Niño, digniinaha h**e iyo tallaabooyinka degdegga ah ee looga hortagayo saameynta musiibooyinka.

Intii uu kulanku socday, waxaa laga wada hadlay sidii digniinaha h**e loogu xiriirin lahaa tallaabooyin degdeg ah oo isku-duuban, si loo badbaadiyo nolosha dadka, loo ilaaliyo hab-nololeedka bulshada, loona yareeyo saameynta fatahaadaha iyo khataraha kale ee la xiriira El Niño.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay abaabulka dhaqaale iyo taageero dheeraad ah oo wax looga qabanayo baahiyaha bani’aadantinimo ee taagan, iyadoo la xoojinayo maalgelinta muddada fog ee u-diyaargarowga musiibooyinka, yareynta khataraha iyo dhismaha adkeysiga bulshada.

Ugu Danbeyn, Guddoomiyaha SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa xaqiijiyay sida ay Hay’addu uga go’an tahay hoggaaminta dowladda ee maareynta khataraha musiibooyinka, xoojinta isku-duwidda iyo horumarinta iskaashiga ay la leeyahay hay’adaha caalamiga ah iyo bahwadaagta kale, si loo xaqiijiyo gurmad waqtigiisa ku habboon iyo awood dowladeed oo wax ku ool ah.

18/10/2026

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Galmudug, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Diiriye Makaawi, oo maanta booqasho ku yimid xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), ayaa sheegay in roobabkii ka da’ay deegaannada Galmudug ay saameeyeen in ka badan 20,000 oo qoys.

18/10/2026

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta Hay’adda, ayaa faahfaahin ka bixiyey saameynta roobabkii ka da’ay dalka, gaar ahaan deegaannada Dowlad-goboleedka Galmudug.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa guddoomiyay ...
17/10/2026

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa guddoomiyay shir degdeg ah oo looga hadlay xaaladda El Niño iyo saameynta ay ku yeelan karto dalka.

Shirka ayaa lagu qabtay Xarunta Hawlgallada Gurmadka Degdegga ah ee Qaranka (NEOC), iyadoo diiradda lagu saaray xaaladda El Niño iyo dadaallada loogu diyaar garoobayo ka hortagga iyo yareynta saameynta ay ku yeelan karto bulshada Soomaaliyeed

Address

Airport Road, Wadajir District
Mogadishu
2521

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when SODMA Somalia posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to SODMA Somalia:

Shortcuts

Share