SODMA Somalia

SODMA Somalia Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from SODMA Somalia, Government Organization, Airport Road, Wadajir District, Mogadishu.

18/08/2026

WAREYSI GAAR AH.

Sidee ayay Soomaaliya ugu diyaar-garowday khatarta ka dhalan karta roobabka iyo fatahaadaha la filayo ee Super El Niรฑo?

Martida: Mahmud Macallin Cabdulle
Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA.

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐๐š๐ก๐š ๐จ๐จ ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐š๐ก๐š ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐๐š๐š๐ช๐š๐ฒ ๐ข๐ง๐š๐ฒ ๐’๐จ๐ƒ๐Œ๐€ ๐ฎ๐ ๐š ๐ƒ๐š๐ฆ๐›๐ž๐ž๐ฒ๐š๐š๐ง ๐‡๐จ๐ ๐ ๐š๐š๐ฆ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐Œ๐ฎ๐ฌ๐ข๐ข๐›๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š.Wasiirka W...
18/08/2026

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐๐š๐ก๐š ๐จ๐จ ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐š๐ก๐š ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐๐š๐š๐ช๐š๐ฒ ๐ข๐ง๐š๐ฒ ๐’๐จ๐ƒ๐Œ๐€ ๐ฎ๐ ๐š ๐ƒ๐š๐ฆ๐›๐ž๐ž๐ฒ๐š๐š๐ง ๐‡๐จ๐ ๐ ๐š๐š๐ฆ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐Œ๐ฎ๐ฌ๐ข๐ข๐›๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), oo uu wehliyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane Sadaad Maxamed Nuur Aliyow. ayaa Maanta booqasho ku yimid Xarunta Qaran ee Gurmadka Degdegga ah, waxaana Xarunta ku qaabilay Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xaaladda diyaar-garowga dalka, qorshayaasha ka jawaabista khataraha musiibooyinka iyo saadaasha Super El Niรฑo iyo saameynta ka dhalan karta.

Wasiirka ayaa sidoo kale kormeeray howlaha ka socda Xarunta iyo heerka diyaar-garowga Hayโ€™adda SoDMA ee la xiriira saameynta laga filayo Super El Niรฑo, isagoo ku boorriyey dhammaan Hayโ€™adaha iyo dhinacyada ku howlan arrimaha musiibooyinka inay SoDMA uga dambeeyaan hoggaaminta iyo isku-duwidda howlaha musiibooyinka, si loo xoojiyo wada-shaqeynta loogana fogaado isbarbar-yaac.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Wasiirka uga warbixiyey dadaallada Hayโ€™addu waddo ee lagu xoojinayo diyaar-garowga iyo ka hortagga khataraha soo socda.

Ugu dambeyn, Wasiir Cali Xoosh waxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay taxaddar iyo feejignaan, isagoo sheegay in la filayo daadad iyo fatahaado ka dhasha Super El Niรฑo, isla markaana ku baaqay in la garab istaago dadka nugul.

18/08/2026

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐๐š๐ก๐š ๐จ๐จ ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐š๐ก๐š ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐๐š๐š๐ช๐š๐ฒ ๐ข๐ง๐š๐ฒ ๐’๐จ๐ƒ๐Œ๐€ ๐ฎ๐ ๐š ๐ƒ๐š๐ฆ๐›๐ž๐ž๐ฒ๐š๐š๐ง ๐‡๐จ๐ ๐ ๐š๐š๐ฆ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐Œ๐ฎ๐ฌ๐ข๐ข๐›๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), oo uu wehliyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane Sadaad Maxamed Nuur Aliyow. ayaa booqasho ku yimid Xarunta Qaran ee Gurmadka Degdegga ah, halkaas oo uu ku qaabilay Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle.

18/08/2026

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Cali Yuusuf (Cali Xoosh), โ€œWaxaan halkaan maanta shacabka Soomaaliyeed uga gudbinayaa dhiillo muujinaysa inay jiraan daadad iyo fatahaadaha Super El Niรฑo oo dalka ku soo wajahan, waxaana shacabka Soomaaliyeed uga baaqayaa taxaddar iyo feejignaan, lana caawiyo dadka liita.โ€

17/08/2026

Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee (SoDMA) ayaa maanta deeq gargaar raashin ah u qeybisay qoysas nugul oo ku nool degmada Bardaale ee Gobolka Baay, Koonfur Galbeed Somaliya, waxaana ka faa'ideystay 1,500 oo qoys oo danyar ah.

WAREYSI GAAR AH:Sidee ayay Soomaaliya ugu diyaar-garowday khatarta ka dhalan karta roobabka iyo fatahaadaha la filayo ee...
17/08/2026

WAREYSI GAAR AH:

Sidee ayay Soomaaliya ugu diyaar-garowday khatarta ka dhalan karta roobabka iyo fatahaadaha la filayo ee Super El Niรฑo?

Waxaan si gaar ah diiradda u saari doonnaa:

Goorma ayay khatartu ugu badan tahay?

Gobolladee ayaa ugu nugul fatahaadaha?

Maxaa laga doonayaa shacabka?

Martida: Mahmud Macallin Cabdulle
Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA

Kala soco SNTV Habeen danbe, 8:00 Fiidnimo.

Maareeyaha Xarunta Qaran ee Gurmadka Degdegga ah (NEOC) ee Hayโ€™adda SoDMA, Mudane Xasan Ciise, ayaa maanta ka mid ahaa w...
16/08/2026

Maareeyaha Xarunta Qaran ee Gurmadka Degdegga ah (NEOC) ee Hayโ€™adda SoDMA, Mudane Xasan Ciise, ayaa maanta ka mid ahaa wafdi heer sare ah oo booqasho shaqo ku tagay magaalada Laascaanood, si loo qiimeeyo xaaladda baniโ€™aadannimo iyo saameynta abaaraha ka jira deegaannada Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Booqashadu waxay qayb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari, Qaramada Midoobay iyo bah-wadaagta baniโ€™aadannimada. Hayโ€™adda SoDMA waxay dhawaan deegaannada Waqooyi Bari gaarsiisay gargaar raashin oo ka badan 7000 qoys, iyadoo sidoo kale taageertay xoojinta awoodda maaraynta musiibooyinka iyo nidaamka Xarunta Gurmadka Degdegga ah ee Mamulkaas.

Maareeye Xasan Ciise, ayaa sheegay in booqashada Laascaanood lagu qiimeynayo xaaladda baniโ€™aadannimo iyo saameynta abaaraha, iyadoo la xoojinayo iskaashiga gurmadka iyo taageerada bulshada ay abaaruhu saameeyeen.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maan...
16/08/2026

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta dhexe ee Hayโ€™adda ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryan Qaasim.

Kulanka waxaa looga hadlay xoojinta wada-shaqeynta labada dhinac, is-dhaafsiga xogta iyo xaaladda baniโ€™aadannimo ee dalka, gaar ahaan xaaladaha ay wajahayaan dadka nugul ee ay saameeyeen musiibooyinka.

Masuuliyiinta Hayโ€™adda SoDMA ayaa uga warbixiyay Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka dadaallada Hayโ€™addu ku bixiso u-diyaargarowga iyo ka jawaabista musiibooyinka, iyo gurmadka baniโ€™aadannimo ee loo fidiyo bulshada ay saameeyeen xaaladaha adag.

Labada dhinac ayaa isku raacay in la xoojiyo wada-shaqeynta iyo xog-is-dhaafsiga, si loo horumariyo ka jawaabista xaaladaha baniโ€™aadannimo.

Ugu danbeyn, Guddoomiyaha Hayโ€™adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulanka ku tilmaamay mid muhiim u ah xoojinta wada-shaqeynta hayโ€™adaha dowladda iyo taageerada bulshada Soomaaliyeed ee wajahaysa xaaladaha baniโ€™aadannimo.

Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) ayaa maanta qabatay kulan lagu soo bandhigay natiijooyinka Falanqaynta ...
15/08/2026

Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) ayaa maanta qabatay kulan lagu soo bandhigay natiijooyinka Falanqaynta Dhaqaalaha Qoysaska (HEA), oo ay si wadajir ah u sameeyeen SoDMA iyo IRC.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay natiijooyinka xog-ururin laga sameeyay Beledweyne, Gaalkacyo, Hobyo, Cadaado, Galdogob, iyo Burtinle iyadoo ka qaybgalayaashu ay ka doodeen sidii natiijooyinkan loogu adeegsan lahaa qorsheynta, diyaar-garowga iyo ka jawaabista xaaladaha baniโ€™aadannimo.

Kulanka waxaa ka qayb galay hayโ€™adaha dowladda, hayโ€™adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah, waxaana xoogga lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo isku-duwidda dadaallada baniโ€™aadannimo.

Agaasimaha Waaxda Maareynta Khataraha Musiibooyinka ee SoDMA, Mudane Khadar Sheekh Maxamed Nuur, oo hoggaaminayay kulanka ayaa wuxuu xiritaankii ka sheegay in la isla meel dhigay tallaabooyinka xiga ee lagu dhammaystirayo warbixinta, iyo sidii natiijooyinka kasoo baxay loogu adeegsan lahaa qorsheynta iyo diyaar-garowga xaaladaha baniโ€™aadannimo

Address

Airport Road, Wadajir District
Mogadishu
2521

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when SODMA Somalia posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to SODMA Somalia:

Shortcuts

Share