28/04/2026
WAR-SAXAAFADEED
Xisbiga Baarsare Party wuxuu si rasmi ah u soo dhaweynayaa talooyinka iyo soo jeedinta qiimaha leh ee ay madax dhaqameedka Soomaaliyeed u gudbiyeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Xisbigu wuxuu aaminsan yahay in talooyinkaasi ay ka turjumayaan rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay door muhiim ah ka ciyaari karaan xoojinta dowladnimada, nabadda iyo wadajirka ummadda.
Iyadoo la tixgelinayo in dalka uu ku jiro dhammaadka muddo-xileedka hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xisbiga Baarsare Party wuxuu si cad u adkaynayaa muhiimadda ay leedahay in dalka laga qabto doorasho loo dhan yahay, hufan oo waqtigeeda ku dhacda, si loo xaqiijiyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed iyo kala dambeyn siyaasadeed oo waarta.
Baarsare Party waxay ugu baaqaysaa hay’adaha dowladda in ay si dhab ah u tixgeliyaan talooyinkaas, loona beddelo ficil muuqda oo horseeda horumar waara iyo kalsooni buuxda oo shacabka dhexdiisa ah.
Ugu dambeyn, Xisbiga Baarsare Party wuxuu mar walba garab taagan yahay dadaallada lagu xaqiijinayo midnimo, cadaalad iyo mustaqbal wanaagsan oo ay wadaagaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed.
DHAMAAD