Xisbiga Qaransoor

Xisbiga Qaransoor Ujeedka waa u hawlgelida sidii loo heli lahaa qaran awood u leh isku filnaansho dhaqaalle iyo mid amni.

 : Cabasho: Urur Siyaasaddeedka Qaransoor Wuxuu ka Cabanayaa Habraaca Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo...
29/07/2026

: Cabasho: Urur Siyaasaddeedka Qaransoor Wuxuu ka Cabanayaa Habraaca Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.

Urur Siyaasaddeedka Qaransoor wuxuu si adag u cambaaraynayaa go'aanka uu Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) uga reebay ururka ka qaybgalka hannaanka doorashada, iyadoo ururku soo buuxiyey dhammaan shuruudihii, waajibaadkii iyo habraacyadii looga baahnaa ururka.

Ururku wuxuu caddeynayaa inuu guddiga u gudbiyey liiska xiran ee musharraxiintiisa, isla markaana uu bixiyey dhammaan lacagihii iyo khidmadihii sharcigu farayey. Si kastaba ha ahaatee, waxaa la diiday codsigeena ah inaan ka qeyb galno doorashada, iyada oo aan nala siin sabab sharciyeed oo na qancin karta. Sidoo kale, waxaa cabasho u gudbiyey masuuliyiinta Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, balse cabashadaas lagama soo jawaabin, islamarkaana wax tallaabo ah lama qaadin.

Tan iyo markii ururka Qaransoor uu si cad u muujiyey walaaciisa ku saabsan madax-bannaanida, caddaaladda iyo dhexdhexaadnimada guddiga, uu la kulmay hab-dhaqan aan waafaqsanayn dastuurka iyo shuruucda dalka, kaas oo dhaawacaya sinnaanta iyo hufnaanta hannaanka doorashooyinka.

Urur Siyaasaddeedka Qaransoor wuxuu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed, daneeyayaasha siyaasadda iyo bulshada inay si dhow ula socdaan habraaca doorashooyinka dalka, waxaana caddeynaynaa in aanay dalka ka socon doorasho xor iyo xalaal ah, isla markaana loo baahan yahay isbeddel dhab ah oo lagu xaqiijinayo doorashooyin hufan, caddaalad ku dhisan, isla markaana shacabka Soomaaliyeed kalsooni ku qabaan.

07/07/2026

Guddiga doorashada keliya ma aha meesha dhibaatadu ka taagan tahay. Caqabadda ugu weyn waa isku dayga la isugu keenayo laba nidaam oo isdiiddan: awood-qaybsiga 4.5 iyo doorasho qof iyo cod ah oo ku dhisan xisbiyo badan. Labadan hannaan isma waafaqaan, waxaana loo baahan yahay hal nidaam oo cad, la isku raacsan yahay, si loo helo doorasho caddaalad ah oo sharciyad leh.

“Qaran waxaa dhisa caddaalad, kalsooni iyo wadajir; awoodduna waxay ka dhalataa codka shacabka. Sidaas awgeed, Qaransoor...
05/07/2026

“Qaran waxaa dhisa caddaalad, kalsooni iyo wadajir; awoodduna waxay ka dhalataa codka shacabka. Sidaas awgeed, Qaransoor waxay rumeysan tahay in mustaqbalka Soomaaliya oo ifiya lagu gaari karo oo keliya dowladnimo casri ah oo ku dhisan caddaalad, isla xisaabtan, sinnaan iyo matalaad dhab ah.”

01/07/2026

Hambalyo 1-da Luulyo!

Hambalyo 1-da Luulyo!Qaransoor waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed munaasabadda 1-da L...
30/06/2026

Hambalyo 1-da Luulyo!

Qaransoor waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed munaasabadda 1-da Luulyo, oo ah maalinta xorriyadda iyo midnimada Soomaaliyeed. Aynu adkeynno wadajirka, ilaalinta qaranimada iyo horumarinta dalkeenna. Ilaahay ha barakeeyo Soomaaliya, hana siiyo nabad, caddaalad iyo barwaaqo waarta. Hambalyo Ummadda Soomaaliyeed!

OGAAYSIIS MUSHARRAXNIMOAsalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.Anigoo ku kalsoon Allaah (SWT), isla markaana tixg...
30/06/2026

OGAAYSIIS MUSHARRAXNIMO

Asalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.

Anigoo ku kalsoon Allaah (SWT), isla markaana tixgelinaya baahida iyo rabitaanka bulshada, waxaan si rasmi ah ugu dhawaaqayaa inaan ahay musharrax u taagan Xubinimada Golaha Deegaanka Degmada Caabudwaaq.

"Waxaan u taaganahay inaan bulshada u adeego si daacadnimo, hufnaan iyo isla-xisaabtan ku dhisan. Hiigsigaygu waa in aan ka shaqeeyo horumarinta adeegyada bulshada, kor u qaadista waxbarashada, caafimaadka, nabadgelyada, dhalinyarada, haweenka iyo horumar waara oo ay degmada Caabudwaaq gaarto." - ayuu yiri Maxamed Cabdirashiid Ducaale, Musharaxa Golaha Deegaanka Degmada Cabudwaaq

"Waxaan si xushmad leh uga codsanayaa dhammaan shacabka reer Caabudwaaq inay igu garab istaagaan codkooda, taladooda iyo taageeradooda si aan uga wada shaqeyno mustaqbal ifaya oo degmada u horseeda horumar iyo barwaaqo." Hal-ku-dhegayga waa: "Daacadnimo, Horumar iyo Adeeg Bulsho."

Mahadsanidiin,

28/06/2026

DAAWO: Muhiimada ay leedahay inaad ogaato musharaxa aad u coddeynayso. Waxaa kuu sharaxaya Musharaxa Qaransoor ee Golaha Deegaanka Degmada Cabudwaaq Maxamed Cabdirashiid Ducaale

"Qaran aan midnimo lahayn ma yeesho sharaf waarta, xorriyad aan la dhowrina ma sii jirto."Qaran kasta oo doonaya inuu ga...
27/06/2026

"Qaran aan midnimo lahayn ma yeesho sharaf waarta, xorriyad aan la dhowrina ma sii jirto."

Qaran kasta oo doonaya inuu gaaro horumar, amni iyo karaamo caalami ah, wuxuu u baahan yahay shacab mideysan oo ka shaqeeya danta guud, kana hormariya danaha Qaranka kuwa gaarka ah. Midnimadu waa saldhigga lagu dhiso dowladnimo, lagu ilaaliyo madaxbannaanida, laguna xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta. Xorriyaddu ma aha hanti la helo oo keliya, balse waa mas'uuliyad u baahan in maalin kasta la ilaaliyo. Jiilashii h**e waxay naf iyo maal u hureen sidii Soomaaliya u noqon lahayd dal xor ah oo leh calan, dal iyo dowlad u gaar ah. Waajibka jiilasha maanta saaran waa inay ilaaliyaan dhaxalkaas iyagoo xoojinaya wadajirka, ixtiraamka sharciga, caddaaladda iyo is-aaminaadda bulshada.

Qaran xooggan waxaa lagu dhisaa muwaadiniin leh waddaniyad, daacadnimo iyo dareen mas'uuliyadeed. Marka bulshada ay mideysnaato, hay'adaha Qarankuna noqdaan kuwo hufan oo awood leh, waxaa suurtagal noqota in la helo horumar dhaqaale, amni waara iyo sumcad caalami ah. Haddaba, aynu midnimada ka dhigno astaanta Qarankeena, xorriyaddana u dhowrno si ay u noqoto dhaxal sharaf leh oo aan ugu gudbinno jiilasha soo socda. Midnimo, wadajir iyo waddaniyad ayaa ah furaha lagu xaqiijin karo sharaf waara, xorriyad la ilaaliyo iyo mustaqbal ifaya oo Soomaaliya ku naaloonayso nabad, horumar iyo barwaaqo

Dhisidda Awood Militari iyo Hay'ad Sirdoon QaranSanadkii 2020, Qaransoor waxay soo saartay Manifesto ka kooban 12 qodob ...
27/06/2026

Dhisidda Awood Militari iyo Hay'ad Sirdoon Qaran

Sanadkii 2020, Qaransoor waxay soo saartay Manifesto ka kooban 12 qodob oo saldhig u ah aragtida iyo himilada xisbiga ee dib u dhiska iyo horumarinta Qaranka Soomaaliyeed. Qodobka 3aad ee Manifestada wuxuu si gaar ah diiradda u saarayaa Dhisidda Awood Militari iyo Hay'ad Sirdoon Qaran oo tayo sare leh, xirfad leh, isla markaana u adeegta ilaalinta madaxbannaanida, amniga iyo midnimada dalka.

Ujeeddada qodobkan waa in la helo ciidan qaran oo casri ah, si wanaagsan u tababaran, una hoggaansan sharciga iyo dastuurka dalka, si uu u difaaco shacabka, xuduudaha iyo danaha Qaranka. Sidoo kale, Qaransoor waxay aaminsan tahay in hay'ad sirdoon oo hufan, xirfad leh, isla markaana ku shaqeysa isla xisaabtan ay laf-dhabar u tahay sugidda amniga gudaha iyo ka hortagga khataraha ka dhanka ah Qaranka.

Amniga iyo xasilloonidu waa tiirarka ugu muhiimsan ee lagu gaari karo horumar dhaqaale, maamul wanaagsan iyo kalsoonida shacabka. Sidaas darteed, Qaransoor waxay mudnaan gaar ah siinaysaa dhismaha hay'adaha amniga ee ku dhisan karti, daacadnimo iyo waddaniyad. Sida ay xikmaddan leedahay: "Qaran aan midnimo lahayn ma yeesho sharaf waarta, xorriyad aan la dhowrina ma sii jirto." Qaransoor waxay rumeysan tahay in qaran xooggan lagu dhiso midnimo, caddaalad, hay'ado amni oo tayo leh iyo shacab isku duuban oo wada ilaaliya jiritaanka iyo karaamada dalkooda.

Hambalyo Sanad Guurada 26-ka Juun – Maalinta Xorriyadda Qaransoor waxay si kal iyo laab ah ugu hambalyeynaysaa dhammaan ...
26/06/2026

Hambalyo Sanad Guurada 26-ka Juun – Maalinta Xorriyadda

Qaransoor waxay si kal iyo laab ah ugu hambalyeynaysaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed munaasabadda qiimaha badan ee 26-ka Juun, oo ah Maalinta Xorriyadda Soomaaliyeed. Waa maalin taariikhi ah oo xusuus iyo sharaf u leh ummadda Soomaaliyeed, kana tarjumaysa halgankii geesinimada, midnimada iyo waddaniyadda ee ay hormuudka ka ahaayeen halyeeyadii u soo halgamay ka xoroobidda gumeysiga.

26-ka Juun waxay ina xusuusinaysaa in xorriyaddu aysan ahayn hadiyad la bixiyo, balse ay tahay miro ka dhashay naf-hurid, dulqaad iyo dadaal ay sameeyeen dad u huray mustaqbalka jiilasha soo socda. Waa maalin inagu boorrinaysa ilaalinta qaranimada, adkaynta midnimada, iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed si loo dhiso dal nabdoon, horumarsan, cadaaladna ku dhisan.

"Qaran aan midnimo lahayn ma yeesho sharaf waarta, xorriyad aan la dhowrina ma sii jirto." Aynu ka dhigno maalintan fursad aan ku xoojino jacaylka dalkeenna, is-ixtiraamka, iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed. Ilaahay ha u naxariisto dhammaan halyeeyadii u soo halgamay xorriyadda dalkeenna, hana barakeeyo Soomaaliya nabad, barwaaqo iyo horumar waara.

Hambalyo 26-ka Juun! Hambalyo Ummadda Soomaaliyeed! Guul iyo Gobannimo Soomaaliyeed.

Address

Laanta Axmed Gurey Dabaqa Labaad Dhismaha Somnet Wadada Maka Al-mukarama
Mogadishu
252

Opening Hours

Monday 08:00 - 04:00
Tuesday 08:00 - 04:00
Wednesday 08:00 - 04:00
Thursday 09:00 - 03:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Telephone

+252614555333

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xisbiga Qaransoor posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Xisbiga Qaransoor:

Shortcuts

Share