Villa Somalia

Villa Somalia This is Villa Somalia, The Somali Presidential Palace page on Facebook. Villa Soomaaliya waa hoyga Madaxweynaha Umadda Soomaaliyeed.
(1063)

Villa Soomaaliya waxaa ay ka mid tahay meelaha ugu caansan Soomaaliya, waxaa ayna hoy u tahay madaxweyne kasta oo soo mara Dalkeena Soomaaliya. Villa Soomaaliya waxay ku taalaa degmada Warta-Nabadda ee magaalada Muqdisho, waxa ayna saaran tahay dhulka ugu sareeya ee magaalada.

20/08/2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay munaasabad casho sharaf ah oo lagu xusayay 15-sano guuradii dib u curashada xiriirka diblomaasiyadeed iyo saaxiibtinimada Soomaaliya iyo Türkiye.

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA 15-SANO GUURADA DIB U CURASHADA XIRIIRKA SOOMAALIYA IYO TURKIGAMuqdisho...
20/08/2026

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA 15-SANO GUURADA DIB U CURASHADA XIRIIRKA SOOMAALIYA IYO TURKIGA

Muqdisho, Agoosto, 21, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay munaasabad casho sharaf ah oo lagu xusayay 15-sano guuradii dib u curashada xiriirka diblomaasiyadeed iyo saaxiibtinimada Soomaaliya iyo Türkiye.

Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay muhiimadda booqashadii taariikhiga ahayd ee Madaxweynaha Türkiye, Recep Tayyip Erdoğan, uu Muqdisho ku yimid 19-kii Agoosto 2011, taasi oo bog cusub u furtay xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in 15-kii sano ee lasoo dhaafay iskaashiga Soomaaliya iyo Türkiye uu gaaray heer sare, isaga oo ka koobmaya dhinacyada amniga, horumarinta, waxbarashada, caafimaadka, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo taageerada bani’aadannimo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Türkiye garab istaagga ay Soomaaliya u muujiyeen, isaga oo xusay in xiriirka labada dal uu ku dhisan yahay walaaltinimo, is-ixtiraam iyo dano wadaag.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]

19/08/2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga Danjirenimo kaga guddoomay safiirro cusub oo ka socday Toddobo dal.

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO WARQADAHA AQOONSIGA KA GUDDOOMAY SAFIIRRO CUSUBMuqdisho, 19, Agoosto, 2026: Madaxweynaha J...
19/08/2026

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO WARQADAHA AQOONSIGA KA GUDDOOMAY SAFIIRRO CUSUB

Muqdisho, 19, Agoosto, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga Danjirenimo kaga guddoomay safiirro cusub oo ka socday Toddobo dal.

Safiirrada cusub ee Madaxweynaha Jamhuuriyaddu ka guddoomay warqadaha aqoonsiga ayaa kala ah:

1-Danjire Mohamed Alim – Aljeeriya
2-Danjire Joao Alfredo Dos Anjos – Brazil
3-Danjire Dr. Adarsh Swaika – Hindiya
4-Danjire Dr. Madou Diallo – Mali
5-Danjire Aung Min Oo – Myanmar
6-Danjire Danlami Ibrahim – Nigeria
7-Danjire Aqsa Nawaz – Pakistan

Madaxweynaha ayaa Danjireyaasha ka dhageystay warbixinno ku saabsan qorsheyaashooda iyo mudnaantooda ku aaddan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka ay matalaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa safiirrada cusub u rajeeyay in muddada ay xilalkooda hayaan ay kaalin wanaagsan ka qaataan xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee Soomaaliya iyo dalalkooda, gaar ahaan dhinacyada iskaashiga siyaasadeed, dhaqaalaha, horumarinta, amniga iyo arrimaha bulshada.

Dhankooda, safiirrada cusub ayaa Madaxweynaha soo gaarsiiyay farriimo iyo salaan ay ka sideen madaxda dalalkooda, iyaga oo muujiyay sida ay uga go’an tahay ka shaqeynta horumarinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo dalalka ay matalaan.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]

18/08/2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay munaasabad qado sharaf ah oo lagu maamuusay isaga iyo wafdigiisa ayaa tilmaamay in farriinta safarkiisa Galmudug uu xambaarsanaa ay ahayd xoojinta nabadda iyo midnimada dadka Soomaaliyeed.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “FARRIINTA SAFARKEYGU WAXA AY AHAYD NABAD IYO MIDNIMO”Gaalkacyo, Agoosto, 18, 2026: Madaxweynaha...
18/08/2026

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “FARRIINTA SAFARKEYGU WAXA AY AHAYD NABAD IYO MIDNIMO”

Gaalkacyo, Agoosto, 18, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay munaasabad qado sharaf ah oo lagu maamuusay isaga iyo wafdigiisa ayaa tilmaamay in farriinta safarkiisa Galmudug uu xambaarsanaa ay ahayd xoojinta nabadda iyo midnimada dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa bulshada la wadaagay warbixin ku saabsan horumarka iyo guulaha laga gaaray dhinacyada amniga, dowlad-dhiska, dhammeystirka Dastuurka iyo hirgalinta nidaamka doorashooyinka tooska ah.

Ugu dambayn, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bulshada ugu baaqay in ay garab istaagaan ajandeyaasha qaranka, isla markaana ay kaalin muuqata ka qaataan dadaallada lagu xoojinayo amniga, midnimada, dowladnimada iyo horumarka dalka.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]

18/08/2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ku tagay Dugsiga Farsamada Gacanta, Prof. Cadow ee magaalada Gaalkacyo.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KORMEERAY DUGSIGA FARSAMADA GACANTA GAALKACYOGaalkacyo, Agoosto, 18, 2026: Madaxweynaha Jamhu...
18/08/2026

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KORMEERAY DUGSIGA FARSAMADA GACANTA GAALKACYO

Gaalkacyo, Agoosto, 18, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ku tagay Dugsiga Farsamada Gacanta, Prof. Cadow ee magaalada Gaalkacyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa warbixin ka dhageystay maamulka dugsiga, isaga oo soo indha-indheeyay fasallada, goobaha tababarka, xafiisyada maamulka, guryaha deegaanka iyo qeybaha kala duwan ee xarunta, halkaasi oo ardayda lagu baro xirfado ay ka mid yihiin korontada, dhismaha guryaha, cilmiga kombiyuutarrada iyo farsamada gaadiidka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyay madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug sida mudnaanta loo siinayo hirgelinta mashaariicda waxtarka u leh bulshada, gaar ahaan kuwa lagu horumarinayo waxbarashada farsamada gacanta iyo kobcinta xirfadaha dhallinyarada.

Madaxweynaha ayaa xusay in maalgelinta xarumaha noocan oo kale ah ay door muhiim ah ka qaadanayso yaraynta shaqo la'aanta, maadaama ay dhallinyarada siinayaan aqoon iyo xirfado ay ku shaqaysan karaan, isla markaana ay ku abuuran karaan fursado shaqo oo cusub.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]

17/08/2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay isku soo bax ballaaran oo ka dhacay garoonka Kubadda cagta Cabdullaahi Ciise ee magaalada Gaalkacyo.

KUMANNAAN BULSHADA REER GAALKACYO AH OO ISUGU SOO BAXAY SOO DHOWEYNTA WAFDIGA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDAGaalkacyo, Agoos...
17/08/2026

KUMANNAAN BULSHADA REER GAALKACYO AH OO ISUGU SOO BAXAY SOO DHOWEYNTA WAFDIGA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA

Gaalkacyo, Agoosto, 17, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay isku soo bax ballaaran oo ka dhacay garoonka Kubadda cagta Cabdullaahi Ciise ee magaalada Gaalkacyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku ammaanay shacabka reer Gaalkacyo sida ay xoogga u saareen ilaalinta midnimada iyo wadajirka dhexdooda ah, isaga oo ugu baaqay in ay awooddooda isugu geeyaan adkeynta nabadda, dib u heshiisiinta bulshada iyo garab istaagga dowladnimada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay shacabka reer Gaalkacyo soo dhaweynta heerkeedu sarreeyo ee ay u fidiyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna xusay in Gaalkacyo ay tahay magaalo mideysa shacabka Soomaaliyeed loona baahanyahay in laga gudbo wax weliba oo kala qaybsanaan ah.

Booqashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee magaalada Gaalkacyo ayaa qayb ka ah safarkiisa shaqo ee nabadda iyo u kuur-galka nolosha bulshada qaar ka mid ah deegaanada dowlad goboleedka Galmudug.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]

Address

1 Presidential Palace
Mogadishu
450

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Villa Somalia posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share