05/08/2026
Waxaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyey Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ( ), oo muddo laba maalmood ah ka socday magaalada Muqdisho.
Shirweynaha ayaa lagu falanqeeyey siyaasadda, madax-bannaanida, difaaca iyo amniga badaha, horumarinta dekedaha, gaadiidka badda, maalgashiga iyo kobcinta dhaqaalaha buluugga ah. Waxaana ka qeybgalay madax, mas’uuliyiin, khubaro, bahwadaag caalami ah iyo daneeyayaal ka shaqeeya arrimaha badaha.
Gunaanadkii shirka, waxaa la adkeeyey muhiimadda iskaashiga, isku-duwidda siyaasadaha iyo ilaalinta khayraadka badda Soomaaliya, si loo xaqiijiyo bad ammaan ah, dhaqaale kobcaya iyo mustaqbal waara.