Marwa Sahra Cumar Xasan

Call Website Contact the organization

Marwa Sahra Cumar Xasan Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS , Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa maanta xarigga ka jaray xarun...
03/06/2026

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS , Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa maanta xarigga ka jaray xarunta cusub oo lagu daaweynayo isku furanka haweenka (Fistula), taas oo laga hirgeliyey Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir.

Munaasabadda xarig-jarka oo lagu qabtay xarunta cusub ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin Wasiirka Caafimaadka, wakiillo ka socday Mama Sahra Foundation oo ah hay’adda Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Banaadir, Kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka, agaasimeyaasha isbitaallada dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay, hay’adda SWDC iyo hay’adaha kale ee taageera horumarinta caafimaadka Soomaaliya.

Xaruntan cusub ayaa ah mid si heer sare ah loo qalabeeyey, waxaana dhismaheeda, qalabeynteeda iyo furitaankeedaba hirgeliayay Mama Sahra Foundation, oo ka shaqeysa taageeridda adeegyada caafimaadka iyo daryeelka bulshada.

Intii ay munaasabaddu socotay, Wasiirka Caafimaadka ayaa kormeer ku sameeyey qeybaha kala duwan ee xarunta cusub

Ugu horreyn, Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Banaadir, Dr. Muna Xuseen Xasan, ayaa ka hadashay munaasabadda, iyadoo sheegtay in maanta ay tahay maalin muhiim ah oo muddo dheer la sugayey.
Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa sheegay in furitaanka xaruntan uu qeyb ka yahay dadaallada lagu ballaarinayo adeegyada caafimaadka dalka.

Wasiirka waxa uu si gaar ah ugu mahadceliyey Mama Sahra Foundation, isagoo ku ammaanay kaalinta weyn ee ay ka qaadatay dhismaha, qalabeynta iyo hirgelinta xaruntan cusub ee loogu adeegi doono bulshada Soomaaliyeed.

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan munaasabadda barakeysan ee...
26/05/2026

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan munaasabadda barakeysan ee Ciidul-Adxa. Ciiddu waa maalin weyn oo xambaarsan qiime diini ah, isla markaana muujinaysa isku duubni, iscafis, walaaltinimo iyo garab istaagga dadka tabaaleysan.

Waxaan Alle SWT ka baryayaa inuu naga aqbalo cibaadada iyo camalka suuban, innagana yeelo kuwii ku gaara ciidan ciideeda nabad, caafimaad iyo barwaaqo.

Sidoo kale, waxaan hambalyo gaar ah u dirayaa walaalaheenna Soomaaliyeed ee sanadkan gudanaya waajibaadka Xajka. Waxaan Alle uga baryayaa inuu ka aqbalo acmaashooda wanaagsan.

Ugu dambayn, waxaan ku baaqayaa in aynu sii xoojino midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, isla markaana aynu garab istaagno walaalaheenna Soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha iyo duruufaha nololeed ee adag. Alle ha inaga yeelo kuwa isku naxariista, isku gurmada.

28/04/2026

Maanta waxaan booqday deegaanka Jaziira, halkaas oo aan qado u sameeyay carruur agoon ah oo aan daryeelkooda gacanta ku hayo. Waqti qiimo leh ayaan la qaatay carruurta, anigoo ka waraystay xaaladooda nololeed.

Booqashadani waxay ii ahayd mid qalbigayga si gaar ah u taabatay, waxayna qayb ka tahay dadaalladayda joogtada ah ee aan ugu jiro garab istaagga carruurta agoonta ah iyo daryeelka bulshada nugul.

Intii ay munaasabadda socotay, kooxda fanka ee Hido ayaa soo bandhigtay hees si qoto dheer uga hadleysay dareenka hooyonimo iyo kaalinta ay ku leeyahay daryeelka carruurta.

Waxaan hambalyo ku aaddan munaasabadda barakaysan ee Ciidul Fidriga la wadaagayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo guu...
19/03/2026

Waxaan hambalyo ku aaddan munaasabadda barakaysan ee Ciidul Fidriga la wadaagayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan ummadda Islaamka ah meel kasta oo ay dunida ka joogaan.

Waxaan Alle uga baryayaa inuu naga aqbalo soonkii, salaaddii, sadaqadii iyo dhammaan acmaashii wanaagsanaa ee aynu gudannay bishii barakaysnayd ee Ramadaan.

Munaasabaddan qiimaha badan ee Ciidul Fidriga waxay astaan u tahay farxad, walaaltinimo iyo isku naxariisasho.

Waa maalin ay Muslimiintu ku xoojiyaan xiriirka qaraabada, is-cafinta iyo wadajirka bulshada, iyaga oo Alle uga mahadcelinaya nimcada Ramadaan iyo fursaddii cibaadada ee uu ina siiyay.

Ugu dambayn, waxaan ku baaqayaa in aynu sii xoojino midnimada, iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, isla markaana aynu garab istaagno walaalaheenna Soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha iyo duruufaha nololeed ee adag. Alle ha inaga yeelo kuwa isku naxariista, isku gurmada.

Maanta oo Talaado ah, waxaan kaarka codbixinta ka qaatay Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir, si aan u guto waajibaa...
15/07/2025

Maanta oo Talaado ah, waxaan kaarka codbixinta ka qaatay Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir, si aan u guto waajibaadkayga muwaadinimo una dhiibto codkayga doorashada soo socota.

Qaadashada kaarka codbixintu waa xuquuq dastuuri ah oo uu leeyahay muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, si uu u doorto hoggaan uu ku kalsoon yahay. Waa tallaabo muhiim ah oo lagu muujinayo ka-qaybgalka siyaasadeed iyo go’aanka mustaqbalka dalka.

Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay qaataan kaarkaan muhiimka ah, si ay codkooda ugu muujiyaan rabitaankooda siyaasadeed una doortaan cidda ay u arkaan in ay dalka horumarin karto

Waxaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo muslimiinta caalamka ugu hambalyeynayaa ciidda  barakaysan ee ciidul  Fidriga  ...
29/03/2025

Waxaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo muslimiinta caalamka ugu hambalyeynayaa ciidda barakaysan ee ciidul Fidriga oo ah munaasabad qiimo weyn ku leh umadda slaamka.dhammaan muslimiinta meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan dadka Soomaaliyeed waxaan leeyahay hambalyo.

Waxaan ku baraarujinayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed in ay caawiyaan dadka danta yar ee u baahan in la gacan qabto si ay ugu dabaaldagaan ciida si la mid ah dadka wax heysta.

Waxaan shacabka Soomaaliyeed Allah uga rajeynayaa in sannadkan kan xiga ku gaaraan horumar, barwaaqo, amni iyo xasillooni.

07/03/2025

"Haweenka oo ah horseedka Bulshada ah waxa ay muujiyeen cududooda iyo iney dalkan ku hoggaamin karaan Doorasho qof iyo cod ah.”

Waxaan hambalyo ku aaddan bilashada Bisha Barakaysan ee Ramadan u dirayaa Shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan muslimiinta...
28/02/2025

Waxaan hambalyo ku aaddan bilashada Bisha Barakaysan ee Ramadan u dirayaa Shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan muslimiinta caalamka.

Waxaan is xasuusineynaa inaan caawino dadka baahan, gaar ahaan waayeelka, agoonta, iyo dadka dhibaateysan, Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay garab istaag u muujiyaan danyarta iyo kuwa jilicsan.

Waxaan Alle ka baryayaa in uu bishaan barakaysan ee Ramadaan inoogu dhammeeyo nabad iyo barwaaqo.

01/12/2024

Hay'adda marwada madaxweynaha Dalka ee Maama Sahra Foundation oo kaaashaneysa Dowlada Shiinaha ayaa maanta gaarsiisay gargaar isku jira Agab waxbarasho iyo Raashin qaar ka mid ah xarumaha agoonta ee ku yaala gobolka Banaadir gaar ahaan Degmooyinka Boondheere' Cabdulcasiis iyo Kaaran.

Ujeedka gargaarkaan ayaa ahaa in la hagaajiyo hooyooyinka iyo caruurta halista ugu jira macluul iyo nafaqo daro la soo gudboonaatay.

12/10/2024

Marwada Madaxweynaha JFS Sahra Cumar Xasan ayaa maanta gargaar raashin ah ugu qeybisay Seddex kun oo qoys oo ku dhaqan degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir.

Qoysaskaan oo ah dad danyar ah ayaa la siiyay raashin ku filan bil si ay nolashooda ugu maareeyaan

Qaar ka mid ah dadki deeqdaan lagaarsiiyay ayaa uga mahadceliyay Maamo Sahra Cumar Xasan sida ay uga danqatay daruufa heysay dadkaan.

Address

1 Presidential Palace
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Marwa Sahra Cumar Xasan posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Marwa Sahra Cumar Xasan:

Shortcuts

Share